Xukumada Siilaanyo Oo Khilaaf Cusub Ka Dhex Istaadhay Shirgudoonka Wakiilada Iyo Labada Gudoomiye- xigeen Oo Soo Saarey Qoraal Laalaya Isku-shaandheyntii Gudomiye Cirro Ee Gudi Hoosaadka.

Filed under: Latest News |

Hargeisa-(BM)-Guddoomiye ku xigeenka Kowaad iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad  ee Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax Iyo Cali Xaaji Yuusuf ayaa si wadajira u soo saarey Qoraal ay ku sheegeen inay ku laaleen isku shaandheyn iyo iskubedel sal iyo baara oo dhawaan Gudoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) oo hadda fasax ku maqan dalka debediisa ku sameeyay Guddi hoosaadyada Aqalka wakiilada.

Labada gudoomiye ku xigeen ayaa qoraalkooda ku sheegay in isku- shaandheynta Gudoomiye Cirro sameeyay aanay sharciga waafaqsayn,Wuxuuna qoraalka ay soo saareen oo dhamaystirani u dhignaa sidatan:-

“Markii aanu arragnay qodobka 18-aad, fiqrada 5-aad ee xeer hoosaaska Golaha Wakiiladda oo u qoran sida hoos ku cad “Xubnaha Guddida la iskuma shaan-dheyn karo sanadka u horreeya iyo ka u dambeeyaba ee mudada Golaha Wakiiladda, mana banaana in xubnaha Gudida dhammaantood la wada bedelo  mar kaliya”.

Sidaas daraadeed, waxaanu xubnaha Golaha Wakiiladda la socodsiinaynaa iyadoo la raacayo qodobka 18-aad fiqrada shanaad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda ee kor ku xusan in la qaatay qodobadan hoos ku qoran:-

 

1)- In isku shaandheyntii la joojiyay

 

2)-In Guddidu ahaanayaan sidii hore illaa amar dambe

 

3)-In Guddiyadu soo dhamaystiraan xeerarkii ay hore u hayeen

 

4)-In Isku shaandheyn la samayn doono markay haboonaato, iyadoo xeerarka la waafajin doono.

Geesta kale Qoraalkan ayaa tilmaamaya in Khilaaf hor leh uu ka dhex curtay Shirguddoonka Golaha Wakiillada, ku darsoo xukumada siilanyana gacan weyn ku leedahay hurinta khilaafkan.waxaa kaloo iyana markhaati ma doona in xukumada Siilanyo beryahanba u xusul duubnayd sidii ay shirgudoonka golaha iskaga hor keeni lahayd, isla markaana Gudoomiye Cirrana kursiga uga tuuri lahayd.

 

Burcomedia.com