” Waxaa noo cadaatey in beesha Ciise Muse ay dawlada Somaliland ay u-cadeysatey dagaal cadaan ah oo hor leh” War-Murtiyeed Beesha Ciise Muuse.(SAWIRO)

Filed under: Latest News |
London(BM)-Sabtidii 4/01/2014 Waxaa ka dhacey caasimada labaad ee Ingiriiska oo ah magaalada Birmigham, shir iyo waabhawleedyo mugleh oo maskaxtuugin ah oo ay ka soo qeyb galeen bahweynta qurbe joogta Ciise Muse ee ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka cariga ingiriiska

6
 
  
4
 
5Sabtidii 4/01/2014 Waxaa ka dhacey caasimada labaad ee Ingiriiska oo ah magaalada Birmigham, shir iyo waabhawleedyo mugleh oo maskaxtuugin ah oo ay ka soo qeyb galeen bahweynta qurbe joogta Ciise Muse ee ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka cariga ingiriiska. Shirkaa waxaa lagu furey Aayadaha quraanka kariimka ah. Shirku wuxuu ku saleysnaa doorka ay horena uga qaateen hadana uga qaadan karaan qurbejoogta beeshu horumarinta degaanada ay degaan gaar-ahaan arimaha bulshada.Waxaa shirkaa warbixino togan oo mugleh ka wada bixiyey ergooyinkii ka kala socdey, London, Birmigham,Cardif,Manchester,Bristol, Coventary, Liverpool iyo Shefield ee UK.Waxaa iyana goobta shirkaa ka hadley garabyada haweenka ee gobolada kala duwan ee UK.
                         Shirkaa waxaa si qoto dheer loo gorfeeye oo looga hadley qodobadan hoos ku xardhan:
1- Sidii dar dar hor leh loo gelin lahaa Horumarinta Arimaha Bulshada ee degaanka balaadhan ee ay beeshu degto gaar ahaan Waxbarashada iyo Caafimaadka oo xukuumadu aad u-dayacdey.
2- Waxa waxgaradka iyo aqoonyhanka beeshu ay qaa-daadhigeen iyada oo taxadar iyo mudnaanba la siinaayo  Nabadgelyada ay Somaliland maanta  ku fadhido in fiiro gaar ah loo yeesho dhulka kheyraadka dabiiciga ah Alleh dhigay ee dhaca degaanka beesha ee sifayaasha sharciga aan waafaqsaneyn loo xidhanaayo iyadoo la la kaa shanaayo sawiradii Sateliteku ka qaadey dhulkaas  labadii sanadood ee la soo dhaafey.
3- In la dhameys tiro labada iskuul ee boodhinka ah ee baaxada leh ee hada dhismahoodu uu ka socdo labada goobood ee kala ah  Dooxa Guban iyo tuulada Dubur ee duleedka degmada Sheekh.
4- In meel looga soo wada jeesto horumarinta arimaha bulshada ee degaanada ay beeshu degto.
5- In qurbe Joogta beeshu Hiil iyo Hooba islagarab taagto Gudida Dan iyo Duco ee beeshu dooratey..
6- In midnimada iyo Jiritaanka Somaliland ay tahay mar kasta iyo goob kasta biyo kama dhibcaan Lama taab taan muqadas ah.
Shirkaa  waxaa lagu doortey Gudiyo cusub oo dar-dar geliya hawshii qabyada aheyd ee hore loo wadey Waxaana ay kala yihiin gudiyadaasi sidan : 
a)   Gudoomiye:
b)   Gudoomiye ku xigeen;
C)  Xoog-haye:
d)   Khasnaji:
e)   Gudoomiyeyaasha  garabka haweenka ee Gobolada UK.
          Shirkaa waxaa canaan mug leh loo soo jeediyey Xukuumada Siilaanyo iyada oo lagu soo afmeeray sidan:
Anaga oo ah qurba joogta beesha ciise muse ee ka soo jeeda gobolka Saaxil iyo dhamaan  degaanadda gobolada kale ee ay beeshu degto,waxaa naga degi waayey siyaasada guracan ee xukuumada Siilaanyo ay degaanka ka wado iyo siyaabaha bilaa karaamada ah ee ay hadba xukuumadu  ula dhaqmeyso gudida odayaasha ah ee Dan iyo Duco ee horumarka la taaban karo ka wada gobolka Saaxil degmooyinkiisa qaar kood, gudidaa oo hada  dhisaaya oo gacanta ku haya dhameystirka labada dugsi ee balaadhan ee boodhinka ah ee ay gudidu kawado  gobolka saaxil. Waxaanu aad iyo aad uga xunahay sida cadaanka ah ee balan ka baxa ah ee bahdilaada ah ee bilaa-karaamada ah ee ay caadeysatey in ay xukuumada Siilaanyo ula dhaqanto oo una niyad jebiso odayaasha Dan iyo Duco ee beeshu danaheeda iyo  harumarinta degaanadeeda u-wakiilatey ee waxqabadka la taabankaro gobolka ku soo kordhisey.Hadaba  hadii aanu nahay qurbo-joogta ka soo jeeda degaanada ay beeshu degto waxaa noo cadaatey qodobadan taban ee  biyo kama dhibcaanka wada ah in beesha ciise muuse lagula kacey mudadii ay xukuumada kulmiyey wadanka hogaamineysey:
 1- Waxaa noo cadaatey in beesha Ciise Muse ay dawladu u-cadeysatey dagaal cadaan ah oo hor leh  anaga oo og oo aanu daahnaga saarneyn danaha gaar ka ah ee ay xukuumada siilaanyo ay gobolka Saaxil  ka leedahay ee ay sugu kari la dahay in ay fuliso.
2- Waxa noo cadaatey in xukuumadu ay ku kala direyso oo is kaga hor keeneyso beesha ciise muse xoolihii loogu shaqeyn lahaa ee wax loogu qaban lahaa shacabka danyarta ah ee debedyaalka u ah danta iyo dacdarada kuleylka dabeecada nololeed ee adag ee degaanadaa gobolka  ka jirta.
3- Waxaa noo cadaatey in madaxtooyadu ku mashquushey sidii Dan iyo Duco iyo beesha loo kala go?geyn lahaa ee loo kala fur-furi lahaa ee beesha la isaga hor keeni lahaa, si ay u-fushato oo ay ugu fududaadaan sifeyaashii u-qarsoonaa ee beeleysnaa ee ay gobolka ka wadatey xukuumadu.
4-Waxaanu  aragney cadaadiska xadka dhaafey ee xadhkaha goostey ee ay xukuumadu ku hayso kuwa kuraasta beesha metela ee iyada Awrkiraale-yaasha u-ah ee ay beeshoodii karbaashka iyo shaabuuga joogtada ah ay uga dhigayaan markasta.
5- Waxaanu  aragney  oo garawsaney xaqdarada baahsan ee aaney dib-iyo horeba  beeshu dawlada ugaga  helin saamigii ay beel ahaan xaqa iyo xeegaanka ugu laheyd, taas oo beeshii ka dhigtey beel dul saar ah oo xaqeedii la duudsiyey oo  laga eexdey.
6-Waxaanu  aragney qaabka cadaalad darada ah ee ay xukuumadu u-qeybisey mashaariicdii kheyraadkii dalka, anfacii, agabkii, ilihii dhaqaalaha, mansabyadii dawalada  iyo adeegyadii arimaha  bulshadaba taas oo aaney beesha ka soo gaadhin wax la taaban karo oo dheef ah ama dhadhanba ah.
7-Waxaanu  aragney daqaalka qaawan ee xukuumadu kula  jirto xisbigii Ucid oo xildhibaano  degaan oo xisbigaa ahaa ay xukuumadu ku khasabtey in ay khasab ku balweeyaan oo ku biiraan xisbul xaakimka kulmiye iyada oo u-jeedada ka danbeysana beeshu  ka wada dheregsan tahay.
8-  Markaanu aragney in xukuumadu ay fulineyso go?aanadii shirkii Gar-adag ee lagu degaameynaayey beesha madaxweynuhu ka soo jeedo degaanada Istiraatiijiga ah ee Somaliland gaar ahaan degaanada gobolka Saaxil oo uu jiifo kheyraad badan oo dabiici ah oo ummadda S/land oo dhan ka dhaxeeya taas oo inta sawiro sataliteka lagaga qaatey si-gaar ah loo qoondeystey oo Liisamo badan loo siiyey shaqsiyaad shirkado sheeganaaya oo ka soo jeeda beesha Madaxweynaha iyo shaqsiyaad shaadh mashruuc gashan oo ku raad gadasho iyo ku fooldhaqasho ah oo magacooda si dadban loo isticmaalaayo.
9-Mar kaanu aragney in beesha Ciise Muse ay Madaxtooyadu ku wado dagaal qaawan oo cadaan ah iyo mid daaha dabadiisa laga wado oo joogto ahaa ilaa mudo dheer taas oo ay ummadda S/land oo dhami ay mar-khaati ka noqotey markii kiiskii Xildhibaan ina Faarax Qabileh ay madaxdii dawladu lug ku yeelatay.
10-Waxaa la isku wada raacey in xukuumadu wado fidmo hor leh oo ay iskaga hor keeneyso beelaha walaalaha ah ee wada dega Gobolka Togdheer waxaana taa ka markhaati ah Xadhigii xaqdarada ahaa ee ay la tiigsatey  gudoomiyihii hore ee Gobolka Togdheer mudane Guuleed Dahir Samatar, taas oo khal-khal nabadgelyo xumo oo gobolka ka taagan awgeed lagu xidhi kariwaayey isla gobolkii ee Berbera iyo Hargeysa loola cararey aad iyo aadna  waanu uga xunahay una cambaareyneynaa  xadhigaa tacadiga iyo gabood falka ah ee Guuleed lagula kacey.
11- Waxaa iyana dhamaan waxgaradka iyo aqoon yahanka qurbe-jooga beeshu ay isku raaceen in beesha Ciise Muuse tahay beel sadkoodii  beel ahaaneed la duudsiyey oo lagu soo duuley oo weliba colaad iyo ciil-gadhoodhey daraadeed ganafka lagu dhuftey taas oo hadh iyo habeen ay xukuumadu beesha si ba?an ay weerar cad oo joogto ah iyo mid qarsoonba ay ugu wado, waxaana kaagaa markhaati ah shaqsiyaadka ay caqliga ku tuhmayso ee ay xukuumadu dhawaan iyo markastaba ka soo ururisey degaanada ay beeshu degto ee ay ku khasbeyso markasta in ay dhamaan “khasab ku balweeyaan” oo xukuumada u-guulwadeeyaan.
Hadaba maa-daama aaney xukuumada Siilaanyo aaney maanta laheyn garasho dawladeed iyo garaad fog, in aad cadkaaga  beeleed goosato mooyaane, Waxaanu xukuumada Siilaanyo u-cadeyneynaa in hadii uu xaalku sidaa ku sii socdo in aaney qurba-jooga beeshu,waxgaradka, haweenka, iyo dhalinyarada beeshu aaney marnaba ogolaandoonin in hagar daamo hor leh oo danbe in beesha lagula kufo. in aaney ogolaan doonin in caano danbe oo xoor leh oo degaanada beeshu degto laga soo lisey oo beeshu ka maqan tahay in aan beesha duleedkeeda iyo dudadeedatoona aan lagu qudh-qudhin doonin, lagu cantuugi doonin, amaba aan lagu fuuqsan. in aaney marna yeeleyn beeshu in kheyraadka degaanadeeda alleh ku uumey in nin keligii socda oo shaadh shirkadeed sita oo dhinac ka raran, aan loo ogolaan doonin in uu kelidii maalo kheyraadkii ummadda S/land oo dhan u-dhaxeeyeey, taas oo  hore la isugu deyey.Waxay gurbo joogta beeshu goosatey in ay si guud iyo si gaar ahba ay ula socoto dhaq-dhaqaaqa ka socda degaanada ay beeshu degto anaga oo dareenkayaga markastaba si toos ah saxaafada kala duwan ugu soo gudbin doona. Waxaanu Madaxweynaha ka codsaneynaa in uu soo celiyo kalsoonidii guud ee beesha oo uu ka waantoobo fara gelinta hoose ee beesha, colaada iyo laa luushka badan ee uu ku bixinaayo shaqsiyaadka kooban ee uu doonaayo in ay u noqdaan guul-wadeyaasha darban ee dabadhilifka ah ee dalabka ugu shaqeeya.
Waxaanu Leenahay  Madaxweyne Siilaanyo hadii aad beesha waxgaradkeedii iyo aqoon yahankeediiba aad udiidey in ay kula furaan kulana xidhaan  albaabada xeyndaabka madaxtooyada, Ma waxaad garanweydey hafarka, hintaaqada iyo hagar daamada ka daa iyo colaada beeleysan ee joogtada ah  !  Waa amuur alleh iyo arin ugub ah oo aanu u-qaadaney werdi xeeladi bada taalo oo beeshii ciise muse ku maqan oo ay arkeen sanadkaa maanta ah!!!.
Alleh ayaa Mahad Leh.
Waa-Bilaahi-Towfiiq,
Wax san iyo Ogaal !
Gudida Joogtada ah
Ee Qurbo Joogta Kulan UK

You must be logged in to post a comment Login