Garaadka Dhalinyarada Beesha Habar-yoonis Garaad C/qani Axmed C/raxmaan Oo Ku Hambalyeeyey Golaha Guurtida Soo Afjarida Khilaafkii Kulmiye

Filed under: Uncategorized |

Hargeysa(BM)-Garaadka Dhalinyarada Beesha Habar-yoonis Garaad C/qani Axmed C/raxmaan ayaa waxa uu Hambalyo u direy Gudidii Golaha Guurtida ee dhexdhexaadisay Khilaafaadkii Xisbiga Kulmiye

isagoo isla markaana ku hambalyeeyey sida wacan ee ayu dhameeyeen isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi “ waxa maanta halkan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa golaha odayaasha Guurtidasidawacan ee xilkasnimadaleh ee ay usoo afjareen khilaafkiixisbiga Kulmiye iyo sidoo kale khilaafyada iyo dhibaatada dalka ka dhacda sida qiimaha leh ee ay uga gurmadaan isla markaana usoo afjaraan”

Dhinaca kale Garaadka Dhalinyarada Beesha Habar-yoonis Garaad C/qani Axmed C/raxmaan waxa uu soo jeediyey inaanay doorashadu dib uga dhicin waqtigeeda si aanay inoogu keenen murano siyaasadeedisagoo arimaha ka hadlaayana waxa uu yidhi” waxan halkan kasoo jeediayaa oo cid kasta oo ay khusayso usoo jeedinayaa in aanay doorashadu dib uga dhicin”

Garaad C/qani waxa uu sidoo kale ka hadlay dhismaha wada ceerigaabo isagoo arimahaa ka hadlaayana waxa uu yidhi” Dhismaha wada Ceerigaabo waa arin u muhiima dhamaan bulshada Somaliland isla markaana waa arin mudan in laga qayb-qaato dhismaheeda iyo hirgalinteeda’

burcomedia office

Hargeysa/Somaliland