Xoraynti Ma xaalkaneey ahayd?…By Idiris A. Dooxa Jooga – See more at: http://hadhwanaagnews.ca/detail.aspx?id=132377#sthash.UlzrdoeO.dpuf

Filed under: Uncategorized |

waxay ku dhawaaqayeen magaalo hebla ayaa laga xoreeyey Nabad diidki oo waxay soo gashay gacanta dawladda Soomaaliya , waxaana maanta qabsaday Ciidamadda huwan ee kala ah kuwa Soomaaliya iyo walaalaheena AMISOM .

Waxaa judhiba soo baxay in dhulki laga qabsaday AL-SHABAAB oo horay u ahaa dhul nabdoon ay ka aloosmaan dagaalo koox odayeedsan oo ku samaysma dhulka ANNAGA AYAA LEH iyo Mayee ANNAGA AYAA LEH , waxaad tihiin dulsaar iyo marti dhowaan noo yimi iyo mayee waan waddaagnaa dhulka .

Is mari waagaas ka dhasha dhul kala durugsashadda oo ah mid soo dhignaa inta Soomaalida la hayo sooyaalkooda aynna majaraha u hayso qabyaaladda Soomaalidu caadaysatay ee ah dhaqankooda xummaha ee dhibaatadda ka jirta geyiga Soomaalida salkeeda ahi
-waxa uu sababay in dhimasho iyo dhaawac ka dhashaan dagaalo aan waxba la isula harin .

Sida dhaqanku ahaa ayaa la isla dhacay rasaas DHULKA IIGA DHIMO ah ,Waa yaabe may dhulka wadda daganaadaan oo si gaara u sheegashadda garasho gaabnimadda ah ee aan danni ku jirin ka tagaan ? Garashadda ayaa leh SIYAASIGI iyo ISIMKI ayaa qaba in dhulka la kala sheegto oo la kala durugsaddo si sharafta Koox odayeedka loo illaaliyo .

Xoraynti Ma xaalkaneey ahayd ?

Durbaan farxaddeed ayay garaaceen iyaga oo leh waa laga xoreeyey Al-shabaab , Jubbooyinka , Shabeelooyinka , Bay, Bakool iyo Gedo , Haddaba waxaa goboladdaas dib uga soo cusboonaaday Dagaalo Sokeeye kolki Nidaamki Al-shabaab meesha ka baxay ee ay isku soo hareen dadki QABYAALADDU .

Waxay ka dhignayd in MABAADI’IYIINTI laga qabsaday oo QABYAALADDAYSTIHI Qabysadday , SAMIHI laga fara maroojiyeey oo XUMAANTI loo gacan galiyeey ,FIICNAANTI laga kaxeeyey oo FAL XUMADDI loo fara gashay ,

Sidaas dhacday ayuu horayba usii garan karay qofka garanaaya dhaqanka Soomaalida waxaa saadaashu sheegaysay in halkaas dhibaato aan hadda ka jirini ku soo fool leedahay kol haddii nidaamkii ka jiray laga qaaday oo ay qabsaddeen cadoowga Soomaalida iyo Soomaalinimaddu oo ah QABYAALAD Iyo ciidamaddeeda gudaha iyo kuwa ku kaalmeeye ee shisheeye .

Kaagi u sacbinaayeey, haye haatan waa see xaalkaagu ? caynkaan ayaad rabtay saw ma ahan mise waxba ismaba wayddiisee waad iska sacaba tuntaa ? oo Al-shabaab waa xun yihiin ayaa lagugu yiri sidaas ayaad haadaanta ugu dhacaysaa oo dhibaatadda u dooranaysaa in aad taageerto ..ALLA maxaad garasho awdnaatay .

Tannu waa dhaqan Soomaalidu leedahay , dhib yar ayay ka doortaan dhibaato ka mugwayn , horay ayay QABYAALADDAYSTAYAASHU ugu hayaamiyeen dalka Soomaaliyee dawlad beel isaga oo dalku yahay mid dawladdi ka jirto , kaligi-taliye ayay ka door bidsiiyeen gabawar iyo goob cadilnaan darani taal .

Waa tan maanta ka taagan Shabeeladda Hoose mirihi waan xoraynayddu ee ahaa Al-shabaab waa cadoowgee dhulka halaga qaado , saw goob nabdoon looma xorayn xumaanta oo fidnaddu haatan kama taagna, dhiig daadintubna kama ahan mid loo durbaan tumaayo .

Al-shabaab laga xoreey sidaad qabto dhulki nabdoonaa ee ay maamulayeen ee ma haysaa xal lagu dammiyo dagaalkan daran ee QABYAALADDEED ee haatan ka taagan ? Ha soo akeekamin xummaan taageerayahoow ee qiro in aad tahay mid dhibaatadda u durbaan tuma .

Waxaynnu ku soo idlayn aqriye ka feejignoow in aad u sacaba tunto wax aadan garanayn halka ay ku arroorayaan , ka tag in aad u durbaan tunto reernimadda Soomaali dilootay , tannu waa Garasho geer jire waana dhaqan xun oo Soomaalidu leedahay gayeysiiyeyna halka hoosaysa ee aan maanta ka joogno dunnida korkeeda .

Idiris A .Dooxa-joog