Qaar Kamida Xildhibaanada Wakiilada Ugu Jira Xisbiyada WADDANI Iyo UCID Oo Ka War Warsan In Doorashadu Ay Dib U Dhacdo

Filed under: Latest News,Uncategorized |

Hargeysa(BM)Xisbiyadda Mucaaradka ah Somaliland Waddani iyo Ucid ayaa ka war-war-san Doorashada inay dib u dhacdo doorashada Madaxtinimada iyo wakiilada ee loo Asteeyay badhtamaha 2015-ka.

Xildhibaano ka kala tirsan Waddani iyo Kulmiye oo BBC-du dood u qabatay ayaa ku kala aragti duwan sida Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo u diyaarinayso Hawlaha Doorashada.

Mucaaradka ayaa muujinaya Walaac ku aadan dib u dhac ka muuqda Diwaan galinta Codbixiyeyaasha iyo Xeerarka Diwaan galinta, hase ahaatee Kulmiye iyo Xukumaddu waxay sheegayaan in wax walba u socdaan sidii loogu talo galay.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegaya in ay jiraan waxyaabo walaac ku abuuray Mucaaradka oo ka muuqda Tabaabushaha Doorashada “ Waxaanu ka walaacsanahay In doorashadu wakhtigeedii ku dhici waydo. Marka aanu Eegno Tabaabushaha Dawladda iyo wakhtiga ka hadhay Xiligii doorashada iyo Hawlaha hadda yaala sida ay qabyada u yihiin, waxaanu u aragnaa inaan dawladdu ugu tala galin in Wakhtigeedii Doorashada lagu qabto islamarkaana ay ugu marmarsoonayso Mudo kordhin loo Sameeyo”ayuu yidhi XIldhibaan Siciid Warsame

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil oo sharaxaya Hawlaha qabyada ka ah qabsoomida doorashada waxa uu sheegay inkasta oo Madaxweyne Siiraanyo sanadkii hore sheegay inaanu Maalin ku darsanayn, haddana sanadkan aanu soo hadal qaadin, iyadoo waliba la filayay inuu ka hado wakhtiga Doorashada.

“ Xeerkii Diwaan galinta Codbixiyeyaasha oo Komishanka Doorashadu soo diyaariyay, markii Golaha la keenay Xildhibaanadii ka tirsanaa Xukumadda ayaa diiday ka dibna subixii dib ayaa loola noqday ilaa imikana lama hayo, waana wixii u horeeyay ee la qaban lahaa. Waxa kale oo jirta Diwaan galinta Muwaadiniinta oo Dawladdu u bilawday qaab aan Sharciga waafaqsanayn oo macaal Xeerkii Diwaan galinta ay iyadu iska wad-wadatay, siday u gashayna aanu ahayn qaab jira” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Warsame

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsan Xisbiga Talada haya ee Kulmiye ayaa Eedaha iyo walaaca Mucaaradka ku tilmaamay mid aan jirin. Waxa uu sheegay in Dawladdu diyaar u tahay in wakhtigeedii lagu qabto doorashada.

“Runtii Eedahaas waxaan u arkaa Eedo aan meelna haysan. Kolay haddii aad shaki iska qaado oo aanad wax cadna haynin dhibaatadeeda ayay leedahay, laakiin anigu waxaan qabaa iyo inta aan ka war ogahayba in Doorasho dhici doonto wakhtigeedii. Qayb kuna wuu dhacaa oo haddii arimo yimaadaan laakiin sida ku tala galka iyo qorshuhu yahay in wakhtigeedii ku dhacayso ayaan qabaa doorashadu” ayuu sheegay Xildhibaan Cabdiqaadir

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ka jawaabay Eedaha in Xeerkii Diwaan galinta Codbixiyeyaasha ay diideen XIldhibaanada kulmiye “ xeerkan wuxuu Golaha yimid markii Goluhu fasax galayay, markaa Xeerkani wakhti dheer ayuu qaadanayaa, dood dheer iyo in wax badan laga naaqisho ayuu u baahan yahay, diyaar baana loo yahay oo Golihii ayaa hadda Fasaxii Ramadaan ku jira, laakiin waxaa muhiim ah in doorashadu dalka ka wada dhacdo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud.

Xisbiyadda Mucaaradka ayaa si weyn uga biyo diidsan Xeerka Diwaan galinta Madaniga ah oo Madaxweyne Siilaanyo dhaqan galiyay iyadoo aan la hor keenin Baarlamaanka. Waxay sidoo kale marar badan ku celiyeen in dib u dhac ka jiro diyaar garowga Xukumadda eek u aadan Doorashada badhtamaha sanadka 2015-ka.

Xukumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaan inta badan ka jawaabin Wal-wal-ka Mucaaradku ka qabo Doorashada oo wakhtigeeda dib ugaga dhacda, sababo baal marsan Dastuurka.

Burcomedia Office

Hargaisa Somaliland