Siyaasi Ka Mida Siyaasiyiinta G/Togdheer Oo Xukuumada Siilaanyo Aad U Necebtahay Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Filed under: Latest News,Uncategorized |

Hargeysa (BM) Gudoomiye Kuxigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samater ayaa, maanta dalka dib ugu soo laabtey kadib markii uu soo dhameystey socdaal uu ugu maqnaa dalka Qadar oo uu kusugnaa in Mudo ah isagoo halkaa kaga soo nasanayay handadaad iyo Xadhig Xukuumada Siilaanyo u geysatey Wakhtiyadii ugu dambeysay dalka.Guuleed Daahir Samater Gudoomiye Kuxigeenkii hore ee Gobolka Togdheer ee Xukuumadii Rayaale ayaa, mudoba laba jeer lagu taxaabay Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera kadib markii Ciidamada RRU saq badh ugu dhaceen Gurigiisa Magaalada Burco halka markii dambena laga soo taxaabay Kaantaroolka Haleeya isagoo kusii socda Magaalada Burco oo uu Degan yahey

Arinakaas ayaa bulshada reer soomaliland aad uga xanaajisay taasi oo sabatay inay kalsoonidi kala noqdaan xukuumada shacabkeeda ula dhaqmaysa sidii dawladii rajiimku ula dhaqmijireen shacabkooda

arinkaasi waxa uu war war iyo walaac ba,an ku abuuray Bulshada caalamka oo ilaamaalintii guuleed daahir laxidhay indhaha bulshadu caalamku ku soo jeesato Somaliland

Guuleed ayaa ah siyaasi si wayn looga jecel yahay guud ahaan dalka somaliland iyo maalintii laxidhayna looga banaan baxay gobolo badan oo wadan ka ta tirsan

BurcoMedia Office

Hargaisa Somaliland