Maayirka Dawladda Hoose Ee Burco iyo Ku Xigeenkiisa Oo Laga Horjoogsaday Guro Ay Rabeen in Ay Iibiyaan.

Filed under: Articles-Maqaallo,Latest News,News In English |

Burco(BM)-Sida ay Shabakada Burcomedia u xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoonyahay ,Maayirka Dawladda Hoose ee Burco Maxamed Muraad iyo Ku Xigeenkiisa Xoday ayaa layska hortaagay Dhismayaal Guryo ah oo ay rabeen in ay ka gadaan Ganacsato.

Dhismayaashan oo dhinaca Bari kaga dhegsan Hoteelka Deero ee Magaalada Burco oo ayaa dhawaan Dawladda Hoose ee Burco gaarsiisay Qoraalo Dig-niino ah ay ku amrayso dad guryahaasi degenaa in ay iskaga baxaan ,si loo iibiyo.

Dadka degen Guryahan Dawladda oo iskugu jira Askar iyo Danyar ayaa markii la soo gaarsiiyay Dig-niinahan lagu raraayo ,si cad uga horyimi qorshaha Dawladda Hoose ku doonayso in Dhismayaashan lagu iibiyo ,sida la sheegay.

Mida kale Qoysaska iyo Askarta ku nool Guryahan ayaa la sheegay in ay si cad ugu gacan saydheen dalabkan Dawladda Hoose oo ay dabada ka riixayeen Maayirka iyo ku xigeenkiisu.

Waxaana la sheegay Askarta Dhismayaashan ku nooli in ay maamulka Dawladda Hoose digniin adag siiyeen ,kuwaasi oo ku wargaliyay hadii ay ka laabanwaayaan Qorshaha ay Guryahan ku iibinayaan isla markaana kaga rarayaan ,wixii ka dhaca in ay dusha ku qaadan-doonaan Maamulka Dawladda Hoose.

Go’aanka Dawladda Hoose ku iibinaysay Guryahan ayaa la sheegay in ay ka laabteen markii ay ka baqeen in rabshado ka dhacaan.

Geesta kale Dhismayaashan Dawladda Hoose ee Burco loo diiday in ay iibiyaan ayaa qayb ka ah Garoomo ,Geershyo ,Taalooyin iyo Garyo badan oo Hanti Qaran ah oo Dawladda Hoose mudooyinkii u danbeeyay isuxulo duubnayd in ay Iibiso.

You must be logged in to post a comment Login