Masuuliyiinta Gobolka Togdheer Oo Markii U Horeysay Qiray Qorshayaal Lagu Iibinaayo Dhismayaal Dawladu Leedahay iyo Dhag-xaan Ay Dhigeen Oo Ay Shicibka Ku Jeedinayaan .

Filed under: Latest News,News In English |

Burco(BM)-Masuuliyiinta maamulka gobolka Togdheer ayaa markii u horeysay cadeeyay dhismayaal Dawladu leedahay oo ay iibinayaan ,kuwaasi oo mudooyinkii u danbeeyay Khilaaf ka taagnaa.

Sidoo kale Masuuliyiintan ayaa Dhagax-dhigay Dhisme Dayr ah oo lagu wareejinaayo Taaladda Sheikh Bashiir ee Magaalada Burco iyo Laba Garoon oo ay sheegeen in ay dhisayaan ,laakiise u muuqda in shicibka lagaga jeedinaayo ,dhismayaashan la iibinaayo.

S2250021

Maayirka Burco Maxamed Yuusuf Muraad oo sharaxaad ka bixiyay Garoomadan ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa.

“ Halkan waxaanu dhagax-dhigaynaa maanta garoon ciyaareed oo aanu ugu talogalay in lagu ciyaaro Kubadda Kolayga ,waxa kale oo aanu dhagax-dhigaynaa garoon kale oo Kubadda Kolayga ah oo aanu isna ka dhisayno  ,waxaananu Labadan Garoon ugu talogalay in ay dhalinyaradu ku ciyaaraan oo ay kaga raystaan waxyaabo badan oo noloshooda xumaynaaya ,sida mukhadaraadka ,waxaaney garoomadani ka kala dhisaynaa Dugsiga sare ee Sheikh Bashiir iyo Dugsiga 15-May.

Waxa kale oo iyana aanu maanta Dhagax-dhigaynaa Taaladda Sheikh Bashiir oo aanu ku wareejinayno Dhisme Dayr “ Sidaasi ayuu Maayirku yidhi.

S2250019

 Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye oo isna halkaasi ka hadlay ayaa cadeeyay  in ay jiraan Dhismayaal dawladeed oo Dawladda Hoose dad ganacsato ah ka iibinayso .

“ Marka waxaan rajaynayaa in garoomadani noqdaan kuwo dhalinyaradu ka faa’idaysato ,Mida kale Magaalada waxa laga hirgalin-doonaa Wado Toban Kilomitir ah oo laga dhigidoono wadada Madaxtooyadda hor martoo kale ,waxaana dhaqaalaha ku baxaaya iska kaashanaaya Dawladda Dhexe iyo Dawladda Hoose ,waxaana Dawladda Hoose dhaqaalaha qaybteeda ka iman-doona ,iyadoo la iibin-doono Dhismayaasha Dawladda ee ay ka midka yihiin Ex golihii Hanuuninta ee Xaafadda Sheikh Bashiir ,Ex Dugsigii Jaale Siyaad iyo Guryihii booliska ee ku yaala  agagaarka Saldhiga Dhexe.

Waxaanu intaasi ku daray isagoo hadalkiisa sii wata “ Hargeysa ayaa lala yaabi jiray marka la yidhaa shacabka ayaa la iibinayaa ama wax laga qabanayaa ,Hiniya linka waad ogaydeen sida uu ahaan jiray iyo sida uu hada yahay ,markaa dalka waa la dhisayaa waana la qurxinayaa ,waana la horumarinayaa ,hadii aynu lacag waynana dhulkiisa ayaa laysku celcelinayaa “ Sidaasi ayuu Badhasaabku hadlkiisa kaga baxay.

 Hadalkan ka soo yeedhay Masuuliyiintan gobolka Togdheer ayaa noqonaaya markii u horeysay ee ay cadeeyaan in ay jiraan qorshayaal lagu iibinaayo qaar ka mid ah dhismayaasha Dawladda ee Magaalada Burco.

Dhismayaashan Burco ee Dawladu iibinayso ayaa Buuq iyo Sawaxan ka dhaliyay Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ,waxaana mudooyinkii u danbeeyay isa soo taraayay ,dadweyne badan oo talaabadan ka soo horjeeda ,kuwaasi oo Xukuumadda Siilaanyo ku eedaynaayay in ay Hantida Qaranka Iibinayso.

Geesta kale goobahan Dawladda Hoose ee Burco dhagax-dhigeen ayaa u muuqda kuwo been ah oo  shicibka lagaga leexinaayo indhahooda ku wajahan Dhismayaashan la iibsanaayo.