Musharax Maxamuud (Shiine) Oo Burco Kaga Dhawaqay Inuu U Sharaxan Yahay Dorashada Baarlamanka

Filed under: Articles-Maqaallo |

Burco (OWN) Musharax Maxamuud Maxamed Xaji Aden (Shiine) Oo ka Mid ah Aqoon-Yahanka Gobalka Togdheer ayaa Si Rasmiya u Shaciyay inuu u Sharaxan Yahay Dorashada Golaha Wakiiladda Somaliland Ee la Filayo inay Dalka ka Dhacdo 2015.
Musharaxani Aqoon-Yahanka Oo Warsaxafeed Uu Soo Saaray Soo Gadhsiyay Shabakadda Caalamiga ah Oodweynenews Waxa Uu u Dhignaa Sida Tan
” Anigoo Musharax Maxamuud Maxamed Xaji Aden Waxaan Maanta Halkan ka Cadaynayaa in Aan ahay Musharax u Tartamaya Dorashada Barlamanka Somaliland,Waxaan ka Sharaxanahay Gobalka Togdheer,Waxaan Halkan ka Cadaynayaa Hadii Aan ku Gulaysto Dorashadaasi in Aan Waxa Badan intii Karaan-Kayga ah Aan ka Qaban-Doono Dhamaanba Baahiyaha Aasasiga ah Ee ay u Baahan Yihin Guud ahaanba Bulshadda Reer Burco Gaar ahaana Waxaan Rajaynayaa in Aan Wax ka Qaban-Doono Adeegyadda,Waxbarashadda,Cafimaadka,Biyaha,Laydhka iyo Waliba Dhamaanba Baahiyaha Kale Ee Aasasig ah,Waxaan Shacabka Reer Burco u Balan-Qadayaa Marlabaad inaan ka Shaqayn-Doono Horumarka Gobalka Togdheer” Ayuu Warsaxafadeedkaasi Uu ku Yidhi Musharax Maxamuud Maxamed

Ugu Danbayntii Maaha Markii Ugu Horraysay Ee Magaladda Burco ay Musharaxiin Kaga Dhawaqaan inay u Sharaxan Yihiin Dorashadda Golaha Barlamanka Ee la Filayo inay Dalka ka Dhacdo Dhawaan.

 

You must be logged in to post a comment Login