Gobalka Sool Ma Dheerad Buu Ku Yahay Somaliland Mise Waxqabd Baanu Uqalmin By: Aqoonyahan Ilyaas Cabdi Cawke

Filed under: Articles-Maqaallo |

Mid kamida Aqoonyahanada da’da yare e dalka kanasoo jeeda gobolka sool oo magaciisa layidhaahdo Aqoonyahan ILYAAS CABDI CAWKE oo mudo badan kasoo maqnaa deegaanka oo waxkabaranta jamacada “Burao University” ayaa wuxuu dib ugu laabtay magaalada laascanood ee xarunta gobolka sool, wuxuuna ku sugnaa mudo billa, isogaana kasoo diyaariyey qoraal qiirobadan oo uu kaga taabanaya dhinacyo badan oo aykamid yihiin arimaha bulshada sida biyaha, caafimaadka, wadooyinka, nadaafada, iwm, oo uu sheegay in uliito deegaankud kuna eedeeyey xukuumada manta talada dalka haysa in ay hagratay deeegaanka iyo dadkiisaba waxana uu nuqulkiisa ubixiyey “GOBOLKA SOOL MADHEERAAD BUU KUYAHAY SOMALILAND MISE WAXQABAD BUUSAN UQALMIN?” wuxuuna udhiga sidan:-

“Waxaan safar booqosho ku tagay xarunta gobolka Sool ee Laascanood halkaasoo ay ku noolyihiin waalidkay iyo walaalahay, kahor intaanan aadin sool waxaan soomaray gobolada waaweyn ee Somaliland oo hargaysa u horayso, maxaase kasocda? Waa lakalatagay yaase isdhaafshey magaalooyinkan iyo shacabkan? Ma dawladaa qaarna hagratay qaarna hawada gaysay? Waynu heli jawaabteeda,”ilyaas oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Waxaan inbadan dhexmaray magaalada laascanood oo aan muddo 4-sano ah ka maqnaa wadooyinka waaweyn ayaan lugeeyey, xarumaha dawlada, xarumaha adeegyada bulshada sida caafimaadka, biyaha, waxbarashada ayaan indho indheeyey mase filayey waxaan ku arkay? waa maya.

Balse najiitada iiga soobaxday maaha mid ifarxad galisay waxaan arkay magaalo aan BIYO macaan lahay hadana dhowaa hadii la qodilahaa, mise magaaladu WADOOYIN fiican maleh oo xataa gabadha foolanaysa ee cusbitaalka “hospital” lagu wado uu degdeg si sahlan gaadiidka sidaa ugugaynkaro, mise magaalda waxaa kakacay dab goob shiidaal ayaa gubatay waxaa ku dhaawacmay 40 qof oo isku dayayey inay damiyaan dabkaas, waxaan iswaydiiyey aaway dabdamiskii oo laygu jawaabay horta DABDAMIS “fire extinguisher” makajiraa halkan!!!!! Waxay noqotay mid aan aad uga murugooday oo ka duwan wixii aan warbaahinta ka maqlijiray.

Hadaynu qodobka Biyaha soo qaadano, biyuhu waa lafdhabarta noolaha, dhankakale dalkeena khayraadka illaahay ku manaystay ayey kamidtahay, waxyaabaha dawladaha carabtu markasta ay inagu caawiyaan waxaa u horeeya riigagga iyo qodida ceelal biyo lacabikaro leh, ilaa xukuumadii Madaxweyne Riyaale waxay dhagaheenu maqlayeen laascaanood waxaa loo soo saarayaa biyo macaan, waxaa udanbeeyey wasiirka biyaha ee xukuumada talada haysa oo sheegay in 25 goobood biyo macaan laga helay gobolka sool su’aashu miyeysan noqonayn, maxaa loo soosaari la’yahy? Mise waa maqaar saar reer laascanood lagu maaweeliyo oo waxaa la ogaaday inay halkaa unugulyihiin, baahidooduna ay biyuhu kow kayihiin?.

Qodobka xiga ee Wadooyinka hadaynu soo qaadano, waxaynu wada ogsoonahay in wadooyinku yihiin kaabayaasha dhaqaalaha kuwooda ugu muhiimsan, hadana waxaynu ognahay in maanta Dalka waxqabadka kaliya ee muuqdaa uu yahay wadooyinka, wadooyinkaasoo xukuumadu ka hirgalinaso xitaa dagmooyinka yaryar, makulatahay magaalooyinkii waaweynaa qaar kood inaan damacaasi ka jirin aysanna kasocon habayaraatee xataa wado xagaafa ama jay kaliya, aysanna rajo ka qabin in xukuumadu ay usoo wado wax horumara, waayo ilaa xukuumadii M. riyaale ayaa dadkan been loo sheegayey dhawr jeer ayaa wadada ugu muhiimsan ee aada cusbitaalka guud ee laascanood laysku sawiray iyadoo la leeyahay waa la dhagax dhigayaa, hadana lamahayo.

Laascaanood oo xukunta gobolka labaad ee ugu baaxadda wayn Dalka ayaan lahayn xurumo Wasaaradeed oo uqalma waayo kuwaan soo arkay ee laga dhisay halkaa waa kuwo marka hore aan loo dhisin qaab haykal dawladeedleh, maadaama ay yihiin qaar isdhexdaadsan, takale wasaarada loogu qaataa waxay ku jirtaa guri nusbaloodh kayar oo cidhiidhiya, Mana laha xarunta gobolka sool dhisme lagu soo dhaweeyo madaxda dawlada sida Guriga Martida, dibna loo madhisin markii uu dumay Dhismihii waynaa ee dawladii milateriga xukuumadihii ka horeeyey kadhiseen magaalada.

Laascanood waa magaalo baaxadleh kana mida magaalooyinka ugu waaweyn uguna muhiimsan Somaliland maadaama ay tahay magaalada bari ugu xigta Dalka xarunna u ah gobolka labaad ee ugu baaxada wayn Somaliland hadana ay tahay dhaqaale ahaan meel muhiim u ah Somaliland maadaama lagu cashuuro gabi ahaanba wixii soogalaya Somaliland ee ka imaanaya koonfurta Somalia iyo puntland.

Mar hadii xaalku sidaa yahay oo ay xukunto gobolka labaad ee ugu baaxadda wayn dalka, ayna kamid tahay ilaha ugu muhiimsan ee dhaqaaluhu kasoo xeroodo. Sowmaaha inaynu is waydiino su’aalahan, Maxaa gobolkan loo hagraday? Maxaa kareebay gobolada kale ee dalka? Maxaa hal horumar oo muuqda looga samayn waayey xaruntiisa laascanood ama guud ahaan gobolka? Haayadaha caalamiga ahi maxaa udiiday oo ay utagi waayeen?

Sowmaaha inaynu iswaydiino gobolkani maku dheeraadbaa soomaliland mise horumarkaan loo quudhayn? Waa cajiib.

Hadii aad iswaydiin lahayd waa gobol colaadeed oo dagaalo ka socdaan, ma is waydiisay Maxaa waxqabad looga sameyn waayey inta nabada ah gacantana ku jirta? Waayo Laascanood iyo inta degmo ee ay xukuntaa waa goobo amniya, mase is waydiisay yaalaga baqayaa oo amniga khatar ku ah?.

Dawladaha sharciga ah waxaa lagu yaqaanaa inay meesha colaaduhu ka dhacaan gurmar dheeraada loo fidiyo, deegaanada gacanta dawlada soo galana miisaaniyad dheeraada loosameeyo si kor loogu qaado adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha si horumarkiisa loo soo gaadhsiiyo dalka intiisa kale.

Balse taasi madhicin ee cagsigeeda waxay noqotay in horumarkale iska daafe ay meesha kabaxday nadaafadii magaalada taasina ay sababtay in xashiishkii uu qabsado magaalada saxaxumona ka dhalato, halkii laga filayey in gurmad lagahelo xukuumada ay badalkeedii noqotay in shacabkii iyo culimadii magaaladu is abaabulaan oo dhaqaale masaajidada iyo ganacsatada looga uruuriyey si maare loogu helo nadaafada magaalda ee xadka kabaxday.

Sowmaaha muwaadin inaynu iswaydiino, lacagihii tiradabadnaa ee kasoo xeroon jiray cashuuraadka magaalada iyo kastamka cashuuraha bariga ee laascanood xagay ku dheceen? Xitaa in miisaaniyad dheeriya loo sameeyo iska dhaafe, ma waxay mudatay in teedii ay ka qaddo?.

Iskusoo wada xooriyoo gobolka sool wuxuu ubaahan yahay waxqabad muuqda oo la taaban karo wuxuu ubaahan yahay gurmad dhinac kastaleh sida kaabayaasha dhaqaalaha “wadooyin”, biyo macaan oo kufilan, goobaha caafimaadka oo la xoojiyo, xarumaha waxbarashada oo la tayeeyo, dabdamisyo, , xarumo dawladeed oo uqalma oo laga yagleelo, nadaafada magaalada oo kor looqaado, dhismayaasha sharcidarada looga dhisay wadooyinka oo labaneeyo, iyo waxqabadada beenta ah ee saxaafada lamariyo oo laga joojiyo.

By: Aqoonyahan Ilyaas Cabdi Cawke