MAXKAMADDA CIIDAMADU DHAGAR QABAYAASHA DIL WADAREEDKA GAYSTAY, HADDAY JECLAATAY INAY DEMBI LA’AAN KA DHIGTO, DHAGAR IYO AANO LOO ABTIRIYO AYAY KORDHISAY.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Maahmaah ayaa tidhaa nin fadhigaaga arkaaya looma sarajoogsado. Meel ma wada galaal, baaxaddii iyo foolxumadii uu lahaa dilkii qorshaysnaa labada sarkaal, iyo in gacankudhiiglayaashii maxkamadda ciidanku dembi la’aan ka dhigto.

Dilkii foolxumadaa lahaa may dhicin in illaa maanta laga baafiyo, gacankudhiiglihii fuliyay, mana jiro sawir lagu naadinayo in gacankudhiiglaha sawirkaas lihii dil gaystay, oo la raadinayo. Waxa xataa sawrikiisa in lagu naadiyo oo cidda aragtaa ka waranto meesha uu joogo , maxaa u diiday.

Miyaanay ahayn ujeeddo inaan la garan oo la raadgedmiyo la doonayo. Waxaa mar hore laga soo saari lahaa telefiishanada wararka in gacankudhiiglahaasi dil gaystay, oo la baafinaayo, cidda aragtaana warkiisa usoo gudbiso hay’adaha amaanka ama caddaaladda somaliland.

Maaha wax sinaba uga fogaanaya aanadeedu beesha ay ka dhasheen, ee aan marnaba jidbixin iyo garawshiiyo midna ka bixin. Maaha wax dhagartaasi ka fogaanaysa, cidda iska leh, ee dagaan iyo qudhba ay ka soo jeedaan gacankudhiiglayaasha dilkaa qorshaysan ula badheedhay laba sarkaal oo ciidanka qaranka ka tirsan.

Hadday maxkamad ciidan ku tilmaanayd, waxay ahayd mid aan qaranka dantiisa wadin, oo dhib iyo dhiig kordhinaysa, waxaana ka masuul ah ninka ka garnaqay, ee badheedh uga bari yeelay dhagarqabayaashii aan falkoodu cidna ka qarsoonayn.

Waa arrin u taalla wasiirka gaashaandhigga, iyo taliyaha ciidanka qaranka, siday ula xaali lahaayeen, xukunkaa baadilka ah, ee wejiga maxkamadda ciidanka qaranka lagu farsama fuliyay,  ciidanka qarankana inuu u edeego maaha ruuxa garaadkiisu sida madaxtooyadu jeceshay uu falo, waxaana waajib ah in laga eryo jagadaa uu dhagareeyay. si maxkamadda qaranka sharafteeda loo badbaadiyo.

Maaha dembi yar oo sida maamulka siiraanyo u dhibyaraysanaayo hawlyari ku bugsoonaya. Maaha dembi yar oo meellaba uga kacaya beesha qorulugud, ee aan illaa maanta u arkaynin, sagaal nin oo beeshaa ka tirsani, xogogaalka lagu sheegayo, ay qorsheeyeen inay laba sarkaal oo dagaankooda jooga, si badheedh ah ugu toogtaan xero ciidan dhexdeed, oo la waayo cid istidhaa masuuliyad ayaa idinka saaran, dilkaa deegaanka ka dhacay, ee ay gaysteen rag deegaanka ah, ee maydkii saraakiisha xerada la wadhay,  laba ruuxna is weyddiin waxay ku dhinteen.

Waxaa wax walba ka daran, in dhagarqabayaasha dilka gaystay, oo madaxtooyadu aanay odhanaynin, ma hayno sida wax u dhaceen. Taasna  aanay ka qarsoonayn madaxweynaha dilka iyo siduu u dhacay, iyo cidda gaysatay, oo ay ahaayeen beeshiisa, wax ka qarsoomi karaana aanay jirin, oo dadku iswada xaal ogyahay, in ruuxu arrinka beeshiisa ku siman uu xog badan iyo xogaalba ogyahay.

Waynu ognahay inaanay xukuumadda siiraanyo marna u dhigin in dembi weyni dhacay, iyo in fooxumada dhagartaasi  lahayd, isaga ku waynayn. Saa madaxtooyada, iyo golayaasha guurtida, iyo baarlamanka midna may la ahayn in qaranka culays wayni saaranyahay, manay ka marin waajibaadkoodii, si kastoo loo eego toona.

Gacanku dhiiglayaasha falka gaystay, ee qorsheeyay, cidkastaaba ha iska indha tirtee, waa caddaan in ay reernimo kuwada socdeen cidda falka gaysatay, reernimo inay u abaabuleen qorshaha dilkaasi, oo weliba ay ku fuliyeen deegaankoodii.

Waa dhab in aan dembiga ruux qudh ahi gaysan, diinta islaamkana waxaa caddaan ah mar haddii dhagar dil ah wadari gaysato, inay u siman yihiin ciqaabteeda. Waxaynu ognahay cidda faldambiyeed ka qayb qaadata inuu suuragalo, ama qabsoomo ee dembi dhacay uu noqdo, ay shuraako ku yihiin cidkasta oo falkaasi gacan ku lahayd, ama tar ka gaysatay.

Waxaynu ognahay aayadaha quraanka ay ku jirto khamriga iyo ciqaabtiisa. Khamrigu wuu ka fudud yahay ciqaab ahaan marka loo eego dilka. Waxaa la banneeyay in khamriga dembigiisa ciqaabta ay wadaagaan qofka khamriga sameeyay, ka soo qaaday, ka gaday, iyo ka cabbay. Taasi waxay kuu sheegaysaa, in ruuxa khamri cabba aanay suuragal u noqoteen inuu faldembiyeedkaa gaysto, haddaanu kaalmo dibadda ah helin, oo galista dembiga ay ka mid yihiin rumayntiisa cid aan cabbistiisa waxba kaga jirin.

Sidaa waxay ku noqotay inay inta kaleba u la siman yihiin ciqaaabka ruuxa isagu dambiga sida tooska ah u galay ee cabbay khamriga.

Haddiiba ay taasi diinteenu u jidbixisay, malaha in ruuxa inuu dhagar gaysto doonaya, qofka u sahla inuu u gacan bannaanaado, oo si xor ah ugu qorshaysto, iyo ka qoriga rasaas uga buuxiya, ee og inuu dhagar ku galayo, iyo ruuxa ammaanka meesha ka masuulka ahaa, ee  usii xaadhay, inuu meesha uu doonayo, xerada dhexdeeda qori  dhuunta xabbadi fadhido la dhex maro, iyo ruuxa ka horjoogsaday, in la qabto, oo ay ahayd, inaanu cid kale xabbad ku ridin, oo aanu ka dareen qabin, inay joojiyaan, ama qabtaan. Inuu weliba xero ciidan hawlyari ka baxo, oo lasii galbiyo, lana sii nabadgelyeeyo, oo deegaankii reerkooda uu ku nabadgalo.

 Intii eeddaasi soo gashay, iyo weliba ku ka sii waawayn oo xerada joogay ayaa dilka ka qayb qaatay,  kumana baxayaan xabbad maan ridin. Intaasi dhammaantoodba waa gacankudhiiglayaal, waanay kula jiraan kii xabbadda la sheegay inuu riday.

 Malaha ma jiro qof odhanaya, waxgaradkii deegaanka joogay war umay hayn, ama warkiisa may helin, inuu gacankudhiiglahaasi dil soo gaystay. Waa arrin aanay odayada deegaankaasi jawaab u haynin, iskana kor qaadi doonin.

Waa arrin aan meel loo durkiyo iyo meel lagu riixo, midna lahayn oo aan ahayn deegaanka qorulugud bee l ahaan cidda ku dhaqan.

Arrinkaasi waa mid ciidan ahaan aan la odhan karin dembi fudud ayay gaysteen gacankudhiiglayaashii dilkaa qorshaysan ka dambeeyay. Waa dembi ciidan ahaan dil uu xukunkoodu yahay, dad xero ciidan, oo qaranku leeyahay, iyaga oo askar ah fal intaa leeg ku dhex fuliayay, oo weliba saraakiishoodii ku fuliyaya, inay maxkamad milatari weliba xeer jajab, iyo sii dayn ku hambalyayso,  dadka qirtay siday uga qayb qaateen dilka, iyo inay badheedh u qorsheeyeen dilkaasi.

Waxaa ka sii daran, sida ay xukuumadda siiraanyo u dambabasayso, dhagarta ay gaysteen nimankaa beesha ka soo jeeda, ee madaxweynaha xilgaar ahi ka saaran yahay. Ruuxa dil gaystaa kuma badbaado, deegaan kale, mana ku qarsoomo meel aan ahayn beeshiisa dhexdeeda. Illaa maanta beesha uu ka tirsanyahay madaxweynaha iyo gacankudhiigluhuba waxay kari wayday inay keenaan gacankudhiiglaha gaystay xabbadda.

Hadday beel kale ahaan lahayd, waa la gabo gabayn lahaa, oo waynu soo aragnay beelo deegaankooda cidi dil ku gaysatay, oo ka eed la’aan wayday.

Xukuumadda siiraanyo waa ta baabi’inaysa in dastuur iyo kala dambayni jirto, waa ta ka horimanaysa in sharciga loo hoggaansamo, oo lagu dhaqmo, waa ta aan u arkaynin, in haybadda dawladdu noqoto mid ummadda tusta caddaaladda, iyo in qofku ku kalsoonaado in caddaaladdu shaqaynayso.

Xukuumaddu hadday dhaqarqabe xagge dambe mariso, waynu ognahay inaanay quruxi ka soo baxaynin, hadday jeceshahayna, Ilaahay ma jecla, in dhagarqabe loo qiil sameeyo, ama dembi lagala baxsado.

Hadday sad bursiino u haysatona iyadaa cirka roob ku og.

Runta nina kama maarmo. Waana inta lagu nagi yahay.

Waa nasteexo qaran, iyo badbaado ummadeed.

Eng. Youssuf Ahmed

jicsin@hotmail.com

London  U. K.