Badhasaabka Sanaag Ramaax oo olole siyaasadeed ka istaadhey Berbera+Maxaase ololihiisu daaran yahay+Kulmiye oo ku sii jeeda Berbera+Badhasaabkii Berberase xagguu ku maqan yahay!

Filed under: Community,Latest News,News In English |

Berbera-(BM)-Magaalada Berbera ayaa waxaa soo gaadhay shalay Badhasaabka Gobolka Sanaag Ramaax  Cali Hayste iyo Xubno kale oo ka socda Golaha Xukumada Siilanyo oo gogol-xaadh u ah soo dhaweynta Xubno ka socda Xukumada Siilanyo iyo Xisbiga Kulmiye oo ka hinaasey taageero iyo soo dhaweyn mug iyo miisan leh oo Gudoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro ku soo dhaweeyeen Reer Berbera  iyo weliba Taageerayaal iyo masuuliyiin ka soo digarogtay Kulmiye oo ku biiray Waddani Shalay.

Ramaax oo hadda ah Badhasaabka Ceerigaabo ayaa magaalada Berbera isla xalayba ka istaadhey olole siyaasadeed,abaabul iyo diyaar garow lagu soo dhaweeynaayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi  iyo xubno wasiiro ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw-Daahir iyo weliba wasiir xigeenka arimaha Gudaha Cali Gadh-dheer.

Ramaax oo ay wehelinayaan Badhasaabka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar iyo Maayarka Berbera Cabdishakuur Ciddin ayaa tan iyo xalay ururinaayey ,shirarna u qabtay Shaqaalaha Gobolka,Dekeda iyo Dawlada Hoose inay u diyaar garoobaan soo dhaweynta masuuliyiinta Kulmiye.

Ku darsoo wuxuu Ramaax  Ruux kasta oo shaqaale dawladeed ah oo degan Berbera ku amray inuu fagaaraha soo dhaweynta keeno Xaaskiisa,Caruutiisa iyo wixii Qaraabo gurigiisa jooga ee uu socon kara.

Masuuliyiinta xisbiga kulmiye ayaa la filayaa inay ka hor yimadaan ama soo dhaweeyaan shaqaalaha dawlada, xaasakooda iyo caruurahooda oo keliya halka xisbiyada mucaaradka ah ay soo dhaweeyaan Dad-weyne iyo dad shicib ah oo taageersan afkaartooda oo aan la qasbin,cidna abaabulin balse iyagu u heelan xisbigay taageerayaan.

Isku soo wada duuboo ololahan ayaa wuxuu daaran yahay ama dabasocdaa safar gudoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro ku maraayo Gobolada bariga qaarkood halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay taageerayaal iyo kaadariin badan oo xisbiga kulmiye ka tirsanaana u diagarogteen ama ku biireen Xisbiga Waddani taas oo weji gabax ku noqotay masuuliyiinta xukumada Siilanyoee  ka soo jeeda degaanadas oo dareemay in la qaawiyey ama taageerayaashoodii laga duubtay taas darteedna indhaha dadka doonaya inay hor mariyaan Filin Kartoon ay siilanyo ku indha-daraandarinayaan balse aan waxba uga hooseyn.Tu kalena kharashaadka ku baxaaya ololaha Ramaax Gadh-wadeenka ka yahay ee Berbera ayaa waxaa iska kaashadey Maayarka Berbera Iyo Dekeda.

You must be logged in to post a comment Login