Dhalinyarada Dagmada Ibraahin Kood Buur Oo Sheegay Inay Hiil Iyo Hooba La Garab Taagan Yihiin Madaxda Xisbiga Wadani

Filed under: Latest News,News In English |

Hargaisa (BM) Dhalinyarada Dagmada Ibaraahin Kood Buur Ayaa Si Wayn Uga Hadlay Taageerada Ay Uhayaan Xisbiga Mucaaradkaa Ee Wadani Isla Markaana Ay Garab Taagan Yihiin Masuuliyiinta Xisbigaasi

Waxa Kala Oo Ay Baaq udireen Xukuumada Somaliland Oo Ay Sheegeen Inay Farah Kala Baxdo Hawlaha Shaqo Ee Mudanayaasha Baarlamaanka  Iyo Mooshinada Laga Soo Tahriibinayo Madaxtooyada Somaliland

Gudinga Dhalinyarad Dagmada  Ibraahin Kood Buur Ee Magaalada Hargaisa Ayaa Tilmaamay In Dalku Ubaahanyahay Isbadal Ka Hana Qaada Oo lagu Bad Baadiyo Shaqa La Aaanta Iyo Tahriibta Idlaysay Dhalinyaradii Somaliland

Hadaba Gudoomiyha Garabka Dhalinyarada Ku Xigeenkiisa Iyo Xoghayaha Garabka  Dhalinyarada Xaafadaasi  Oo Arimahani Ka Dalaya Waxa Hadaladoodii Ka Mid Ahaa “ Waxanu Maanta Halkan Iskugu Nimi Inaan Halkan Ka Cadayno Mabda Xisbiga Aniga Oo Ah Gudoomiyha Dhalinyarada Dagmada Ibraahin KoodBuur Waxyaabaha Laga Sheegayo Ee Ay Leeyihiin Qoladan Muxaafidku Si Gaara Ayey Wax Uwadaan Waxaan Cidi Wadani Anagu Ma Wadano Gudoomiyuhuna Ma Wado Wax Ka Baxsan Shacriyada Ama Waxa Uyaala Wadanka In Lagu Dhaqmaan Way Fiicantay Siyaasada Xisbiga Wadani Gudoonkiisana Waan ku Taaageersanahay “

Sidoo Kale Waxa Isna Goobta Ka Hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Dhalinyarada Dagmada Ibraahin kood Buur Nimcaan Daauud maxamud Oo Cadeeyey Mawqifka Dhalinyarada Dagmada Ibraahin Kood Buur Oo Sheegay In Ka Dhalinyar Ahaan Ay Taageero La Garab Taaganyihiin Xisbiga Mucaaradkaa Ee Wadani” Aniga Oo Ah Nimcaan Daa,uud Maxamuud Ahna Gudoomiyaha Ku Xigeenka Dhalinyara Ibaraahin Kood Buur  Ee Xisbiga Wadani Waxanu Halkan Kahadalno Waxayaabaha  Waxyaabaha Dacaayada Ee Xukuumadu Mediyaha  Umarinayso Xisbiga Waddani  Oo Ah Inay Ku Sheegaan Xisbiga Wadani Oo Ka Mida Sadexda Xisbi Qaran Ee Ka Jira Somaliland Oo Ay Ku Sheegayeen Mid Markaasi Beel Gaari Ay Leedahay Oo Markaasi Ay Ku Arbushayaan Dimuqraadiyada Asxaabta Wax Ka Jiraa Ma Jiro Xisbigani Waa Xisbi Qaran Wuxuu La Mid Yahay Xisbiyada Qaranka  Ee Dalka Ka Jira Wuxuu Xaq Uleeyahay Abaabulkiisa Iyo Inuu Si Toosa Iyo Si Dadban Ba Uwado Wuxuu Xaq Uleeyahay In Wuxu Sharcigu U Ogalyahay Aanu Cidna Udaba Fadhiisanin Hadii Aanu Nahay Dhalinyarada Dagmada ibraahin kood Buur IWaxanu Hiil Iyo Hooba La Garab Taaganahay Inuu  Xisbigaasi Hawlihiisa Shaqo Wato Dadka Markaas Waxyaabaha Nacaybkaa Muujinayaana Ay Ka Waantoobaan Xukuumaduna Ay Markaasi Waxyaabaha Abaabulka Qaldan Ee Ay Dadka Ku Kicinayso Ay Ka Waantawdo Isla Markaasina Ay Xsuusato Sidii Ay Iyaguba Shalay Mucaaradka U Ahaayeen “

Gabo Gabadii Waxa isna Hadalka Qaatay Xoghayaha Garabka Dhalin Yarada Ee Dagmada Ibraahin Kood buur Oo Sheegay In Arinka Golaha Ay Xukuumadu Siyaasadaynayso “ Aniga Oo Ah Xoghayaha Garabk Dhalinyarada Ee Dagmada Ibraahin Kood Buur Waxanu Maanta Halkan Ka Canbaaraynayanaa Hawlaha Ay Xukuumadu Siyaasadaynayso Iyadoo Xisbiga Wadani Uu Yahay Xisbi Qaran Oo Wadanka Oo Dhan Ka Shaqeeya Xisbiga Wadani Gudoomiyihiisaba Waanu Ku Garab Taaganahay Hawlaha Qaran Ee Ay Anagoo Ah Dhamaan Dhalinyarada Dagmada Ibraahin Kood Buur “

Si Kastaba Ha Ahaatee Dhilinyarada Dagmada Ibraahin Kood Buur Ayaa Dadaal Wayn Uga Jira Sidii Ay Qayb Wayn Uga Qaadan  Lahaayeen Hawlaha Shaqo Ee Xisbiga Wadani Isaga Oo Hawshan Uu Qay Ka Yhaya Mukhtaar Cilmi

 

Burcomedia.com

Hargaisa     Office