Fadeexad Weyn:Wasiir Hirsi iyo Moorgan oo Fanaaniinta Xidigaha Geeska Ku Soo Kiraystay 65,000 oo Dollar Si Ay U Qaadaan Heeso Ka Dhan Ah Mucaaridka

Filed under: Latest News,News In English |

Hargeysa-(BM):-Kooxda Fanaaniinta ah ee sida weyn ay u Xiisayn jireen dhamaan Bulshada Afka Somaliga ku hadashaa, ayaa waxa ay dhulka ku tuureen Sharaftii iyo Karaamadii ay Bulshada ku dhex lahaayeen.

Kooxda La magac baxday Xidigaha Geeska ee Fadhigoodu yahay Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxay ixtiraam iyo qadarin ku dhex lahaayeen guud ahaan bulshada Somaliyeed gaar ahaan Shacbiga Somalilad ee ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan, iyadoo ay bulshada Somaliland ay ku faani jireen islamarkaana ay u haysteen inay yihiin fanaaniin Qaran, waxase ay Noqdeen Fanaaniin ku shaqaysta Fanka islamarkaana kolba halkii ay is yidhaahdaan hanti baad ka helaysaan u rucleeya.

Kooxda la baxday Fanaaniinta Xidigaha Geeska ayaa waxa baryihii u dambeeyay ay si weyn ugu dhex milmeen Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyaga oo Xidhiidh dhaw la samaystay Wasiirka Wasaarada maadxtooyada Somaliland xirsi iyo Baashe cawil Morgan , islamarkaana waxay si dedban u noqdeen koox ka tirsan qasriaga madaxtooyada Xukuumada Siilaanyo.
Kooxdan dhuuni raaca noqotay ee ku gabanaya Magaca Fanaaniinta ayaa qaarkood waxay ka mid yihiin shaqaalaha Tv-ga Xukuumada Siilaanyo, halka kuwo kalena ay qaataan Gunooyin lagu Abaal mariyo marka ay soo Alifaan Heeso ay ugu Guulwadaynayaan Xukuumada Siilaanyo.
Sida Ay Xogu sheegayaa wasiirka madaxtooyada iyo wiil siilaanyo sodoga u yahay ee baashe cawi morgan ayaa kulan layeeshay gudoomiyaha kooxda xidiga geeska Abwaan Xasan dhuxul laab salaax kaas oo daaranaa inuu u sameeyo hees lagu weerarayo murashixiinta labada xisbi mucaarad ee cabdiraxmaan cirro iyo jaamaal cali xuseen ,balse uu ka biyo diiday arinkaaas ,taas oo uu abwaan laab saalax u sheegay inay bushada u dhex yihiin ,intaasi markii ay dhex martay ayaa waxay laab saalax ay u sheegeen inay isaga iyo kooxadiisa siindonaan lacag wax ay uu ubaahayn yihiin

intaa kadib waxa Kooxdan isku sheegtay Xidigaha Geeska ay maalmihii ugu dambeeyay soo alifeen Heesta ay ka dal badeen Xisri Gaab Iyo Beeshe Moorgan iyadoo aka hor intii aan la soo shaacsaarin lagu soo tafatiray Madaxtooyada Somaliland, heestan ay ku Aflagaadaynayaan Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland,taas oo lacag lagu sheegay cadadkeeda 65,000-shan iyo lixdan kun oo dollar ay ku qaateen samayteeda heestan iyagoo ilaawayn inay yihiin Fanaaniin Qaran oo Ummada oo dhan u siman.

Kooxdan ayaa waxay hore u galeen Dambiyo waaweyn oo Qarankan Somaliland laf jab ku ah iyagoo Sanad ka hore si qarsoodi ah Barnaamijkii Ciida ee ay u duubi jireen Tv-yada Somaliland Sida Tv-ga Qaranka Somaliland Ama Tv-ga Horn Cable oo isagana laga leeyahay Somaliland, ayaa waxay si hoose oo qarsoodi ah ugu Duubeen Tv-ga Walaweynta ee Xamar, iyagoo Sharaftii iyo Sumcadii Somaliland siistay kuna badashay Shilimaad lacag ah oo looga soo diray Xamar, waxaana hadda ay Kooxdani u muuqataa kuwo ka baxay Xayndaabka Fanka iyagoo kolba qofkii ay shilimaad lacag ah ka helayaan dhinaca saara.

Lama oga sababta ku kaliftay inay Xisbiyada Qaranka Somaliland oo Matala inta ugu badan bulshada Somaliland ay Heeso Xukuumada Siilaanyo u soo Aliftay ku Aflagaadeeyaan, waxaana bulshada Somaliland ay ka galeen Gef weyn oo aan laga Cafin doonin.

You must be logged in to post a comment Login