Xukuumada Siilaanyo Oo Sas Ka Qaaday Hirdanka Mawjadaha Shacabka Isbedel-Doonka ah Ee kusii Sunsumaya Xisbiga Wadani+Wufuud Siilaanyo U Dirayo Gobolada Si’ay u Horqabateeyaan Shacabka Jeestay

Filed under: Community,Latest News,News In English |

Burco-(BM) Waxaa si xoogan xukuumada madaxweyne Siilaanyo u Silsishay sii xoogaysiga shacabka isbedel doonka ah ee sidii dab kaymo qabsaday ugu faafay gobolada dalka.

Kacdoonadii Isbedel doonka ahaa ee gobolada Awdal iyo Gebiley oo hore madaxtooyadu uga hadhsan weyday ayaa w waxaa usii quus gooyey safar Hogaamiyaha xisbiga isbedel doonka ah ee waddani iyo weftigiisa gobolada saaxil iyo Togdheer safarkaasi oo ujeedadiisu ahayd baaqyo isdaba joog ah iyo Gacan haadis Xisbiga Waddani uga yimi Dhamaanba Beelaha Wada degan Berbera, Sheikh iyo Burco kuwaaso Shacabka deegaanadaasi ku muujinayeen Sida ay uga jeesteen Xukuumada iyadoon Haakah la oran wakhtigeedu tegay iyo sida ay usoo dhaweyn lahaayeen Dabaylaha Isbedelka ee Xisbul mucaaradka waddani horkacayo Cududa iyo Caqligoodana ugu biirin lahaayeen.

Tan ayaa ah mida xukuumada kulmiye ka salalisay kadib kolkii ay ka dhex daawadeen Safarka Hogaamiye Cirro Guuldarada mar kale uga soo hoyatay Goboladii ay miciinka bidayeen iyo sida ay uga aradan yihiin Taageeradii Shacabka reer Somaliland waxaana xiligan Madaxtooyadu ku hawlan tahay sidii ay gobolada bariga iyo galbeedka wefuud ugu diri lahaayeen kuwaaso wasiirada Xukuumadu ku qanciyeen Madaxweyne Siilaanyo inay hor-qabatayn doonaan soona dabaali doonaan Shacabka ka Jeestay

Xukuumada kulmiye kuwaaso xiligan aan dhegahoodu ka awdan yihiin dhawaaqyada Xukuumada Boqooshay.

Sikastaba ha ahaatee dareenka iyo Shucuurta Shacabka Somaliland ee xiligan ayaa ka dhigan xaaladii adkayd ee Xukuumadii Madaxweyne Rayaale ku sugnayd maalmihii u dambeeyey kolkii ay sii dhacaysey.

Sakariye Sh Maxamed Cabdi (Jaylaani)

Burcomedia.com     Burco       Office

You must be logged in to post a comment Login