manta waxaan warbixin ka samayn doonaa horumarka dalka iyo sidii shidaal tayo leh loo heli karo. By: – Habbi Khadar Colaad.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Maxay dhalinyarada Reer Somaaliland u heli la yihiin horumar la taabankaro?

Yaa Garan kara dhibaatooyinka hor taagan mustaqbalka dhalinteena oo samaysa horumar balaadhan?

So’aalahan iyo suaalo kale oo la halmala dhibaatooyinka dhalinteenu u horumari la dahay ayaynu kaga jawaabi doona mawduuc balaadhan oo aynu kaga hadli doono horumarka dalkeena hooyo iyo sidii shidaal loogu dooni lahaa u khaas ah.

Taas oo ay inaga hor taaganyihiin aafooyin dhawr ah oo u baahan in la xaliyo taasi oo hadafka ugu balaadhan ee aynu ka leenahay mawduucani yahay sidii isbadal waara loogu heli lahaa da’yarta soo koraysa ee u baahan in ay horumar sameeyaan. Taas oo markii ay waayeena ay ku daateen baddaha dibada, qaarkood u dhinteen sidii horumar u heli lahayeen iyo qaar sumcad,naf iyo maalba cidla ka taagan khayraadka dabiiciga ah ee dalkooda ku aasan. Kuna kaliftay in ay u socdaalaan dalal kale oo iyagu horumarka sameeyey dhinac kasta oo nolosha ka mid ah.

Hadaba yaa baadali kara dhibka haysta dhulkeena dihin?

Se marka la soo hadal qaado wax qabad iyo horumar waxaa loo turyuntaa in ay xukumad dabada ka ka riixayso mawduuc kasta oo lagu doonayo in meel lagu horumariyo. Lkn taasi waa mid gef ku ah cid kasta oo muwaadin dhab ah in lagu dhaawaco. Taas oo la odhan karo waa mid ay keentay jeho wareerka siyaasada oo ay markiiba loo turjumo meel kale

Hadaan kusoo uruuriyo mawduuca warbixintan waa mid u baahan qorshe iyo mawduuc cad oo ay marka koobaad ay xukumadu u samayso dhalinyaarada una soo saarto intii karaankeed ah. Macdanta dabiiciga  ah ee u ka mid ka yahay shidaalka iyo Macdanta noocyadeeda kala duwan.

Sidoo kale in cid kasta oo jecel arrimaha horumarinta iyo kobcinta wadankeena hooyo In ay si buuxda ugu feejignaadaan Goobaha Laga samaynayo shidaalka oo iyagu ah qaar mar kasta degaanada la xaalufiyo u dhaw dhaw……………………La Soco Qaybaha Dambe

 

Habbi Khadar Colaad

You must be logged in to post a comment Login