Wada hadalada Somaliya iyo Somaliland!!!

Filed under: Articles-Maqaallo |


*There is no use in your walking five miles to fish when you can depend on being just as unsuccessful near home

Doodaha iyo falanqaynta wada-hadaladu waxay baryahan ba haysteen dhagah Umadda afka somaliga ku hadasha, gaar ahaan Reer Somaliland, oo si Mug leh u xiisaynayay, qof kasto Somalilander ah waxaa u ka dhur sugayay in mar uu la yidha waxaa laga wada hadalay Qadiyada Maddax bananida Somaliland,,, oo waliba haddii la helayo ay dhagihiisu jecel yihiin in la yidha,, reer Somaliya waxay ka garabeen oo soo dhaweyen Goosashada Somaliland, lakin arinku uu ka duwanaa sidaas, waxaa ahayd raaligalin labad dhinca ah, waxay ahayd ka war wareeg utuntu halkay talo iyo mili korkii in laga dhayo,, runtii se ma dhawa, mana dheera ka hadalka arinkan MAASIRIGA AH.. lakin waxaa se ay u tahay layli ama (Exercise),, Maamulada ka danbeyaa, maamuladan hada jira ee bilaabay wada Hadalka,, Waa hubaal in Maamulada labaddan dhinac ay dib isaga riixayaan ka hadalka, wixii Wada-hadalkaba loo furay,, ee shucubta ay matalaan loogu soo dhego riday in Somali mid ah la keeni doon ama se aan idhado, Somaliland oo xorowday, Xeer iyo Dustoor leh, Waxaynu se aragnaa wali labad dhinca ee wada hadlay aanay talo iyo go’aan midina ka gaadhi karin hadadan la joogo, Qodobka ya u bixiyeen ( in lagu dhiraado Arimaha Masiiriga ah).

U kala dab qaadista Somaliland iyo Somaliwayn, ee Wadamad Turkiga iyo Jibouti, waxaay la mid tahay, aragtii ahaan u kala dab qaadistii iyo Wada-hadaladiii 1991 ilaa 2004 ee Hoogamiye kooxdyadii Somalida Koonfureed, waa Waa cusub oo khilaafkisia leh, waa Kala qaybsanan dhibteed iyo dheefteda leh, Waa amuuro salka dhigida Somaliland kicin doonta, Waa Wada- hadlo Samayn inagu yeeshay Gudaheena Sida Khatumo iyo Arimaha ka taagan Awdalism ka,, Se wali ma muqato dhinaca Somaliland Samayn ay ku yeelatay Somaliada kale..

Sida hadalada Dublamasiyin Somaliyeed laga dhandhansan karo, waa mid ay ka duuli karan, Khatumismka iyo Awdalismka, ayna tashuush ku furi karan Midnimada Somaliland, waxna kaga dhacsan karan Bulshada Calamka ee U kala dabqadaysa Labada wadan,, se ilaa iminka Dhinca Somaliland ma muuqato Ciyaarta Siyaasigah meel ay kaga jirto aan ka ahayn difaacista Wada-hadalad Soomaaliyadii wax wada lahaan jirtay.

Siyaasad guud ee Soomaaliyadii hore, tiraba si kale duwan bay Somaliland Saxadaa siyaasiga ah u gali jireen iyagoo ka duwlaayaa danahaa ay leeyihin, suaashu se waxaaa weeye wada-hadalada ka so kow ma muuqataa, doorka siyaasiga ah ee Somaliyeed ee ay Somaliland leedahay, mise Xaalka waxa u ku soo ururay aynu sugno inta Somali isu garabayso.

Waxaan shaki ku jirin in darfyada Somaliland Siyaasiyan ay yihiin Muhiim, Wada-hadalkan u yihin budhdhig iyo meel laga duulo, la macaamilka intaa ka falagowda Somaliland iyo sida loo waa jahayo, waa Homework u tal Maamulka Jira, Amase Laylis ay uga tagi doona Maamulka ka danbeeya, Si ay noqotaba waxay ay u muuqta in Somaliland jiritaankeedu ay iska hore iman doonaan, Habka Fadarlismka ee Somaliyaa, kuna tahay Siyaasiyana mid waji cusub u furi doonta Siyaasad arimaha dibada Somaliland, suaashu waa sabab?, aan kala cadeeyo siday isugu xidhimi karaan, Somaliland waxaya Mudo 23 sanadood Icitiraaf ka raadinayso Bulshada Calamka iyadoo isku duban bari ilaa galbeed, 23 sanadood ka dib Somaliland waxaa lafteedi ka dhex dilaacay Dawlado yar yar oo aan meel aan sidas inooga sii foogayn Ictiraaf ka doonay, waa Dawlad Federalaka Somaliya, oo leh Xaqbanu u leenahay in la na Ictraafo waayo anagu waxanu ka koobanahay Laba Gobol iyo wixii ka badan, waxaanu buuxinay shurudihii fadaralismka, waxaanu doonayana oo u dhimanayna Somali Midawda.

Waa Casharada iyo bages ka cusub ee u furmay arimihii dibada iyo gudahaba, waa laylis cusub oo haddii aanay Maamulka jiraa ka gaadhin guul oo uu magac ku heloy, u taal Maamulada ka danbeeya oo ilaa imika ah, Mucaaridka ku Baaqayaa in ay Wadanka Midayntiisa wax walba ka horeysinayaan. Qolada se iminka joogta uma muuqdan in Xal u hayaan ay ku furfuri lahayn PUZZLE ka jir, Waxaa se Muuqata in Ictaarfkii 23 sanadood raadkiisi galay Wada-Hadalo laga dhursugo…

Wabilahi Tawfiiq
Abdiaziz A Dualeh
Hargeisa/Somaliland