GOOBAHA HALBOOWLAYAASHA AHI WAXAY INOOGA BAAHAN YIHIIN ILAALIN GAAR AH.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Garoomadda Dayuuradaha,dekedaha,xeryaha ciidamada haamaha shidaalku waa goobaha Halboowlayaasha ah ee laga fogeeyo magaalooyinka ama dhismayaasha shacabku ka dhoowyihiin Waana waxyaalaha hadh iyo habeenba u baahan ilaalin iyo feejignaan xad dhaafa oo heegan u ah Daryeelidooda,xanaanayntooda iyo hagaajintooda,haddii aynu dib ugu soo noqono waxaa xalayto

GOOBAHA HALBOOWLAYAASHA AHI WAXAY INOOGA BAAHAN YIHIIN ILAALIN GAAR AH.

Qalinkii Saxafiga Madaxa-banaan Qoraa Axmed-Sakatuuri Aadam Cadhood.Mobile 4109843 Hargeisa Somaliland

Garoomadda Dayuuradaha,dekedaha,xeryaha ciidamada haamaha shidaalku waa goobaha

Halboowlayaasha ah ee laga fogeeyo magaalooyinka ama dhismayaasha shacabku ka dhoowyihiin

Waana waxyaalaha hadh iyo habeenba u baahan ilaalin iyo feejignaan xad dhaafa oo heegan u ah

Daryeelidooda,xanaanayntooda iyo hagaajintooda,haddii aynu dib ugu soo noqono waxaa xalayto

Tv yadda madax banaan laga daawanayey madaxdhaqameedka,culimaaudiinka,aqoonyahano iyo

Dhalinyaro ka cabanayey deegaanka masalaha goob ka mida oo garoon kubadda cagta lagu

Ciyaaro ah oo ay odayaashaasi ka dhawaajiyeen in birihii garoonkana laga fujiyey ka dibna sees

Lagu wareejiyey halka ay sheegayaana waxaa la sheegayaa in wakhti hore wasaaradda duulistu ay

Dadkii deganaa ka rartay oo dhul bedel la siiyey si garoonka dayuuraduhu ay uga fogaadaan wax dhsimayaal ahi

Si amaankiisu u sugnaado haddaba waxaa iswaydiin leh maxaa soo rogaal celiyey dhulkii ku jiray xayn daabka

Wasaaradda duulista waa maxay sababta ciidamada qaranku u hungureeyaan inay jeexdaan oo damac ka galo

Haddii ciidamadu uu damac ka galo looma waayeen dhul balaadhan oo guryo looga dhiso waxaad moodaa in shaqsiyaad

Ka baxsan masuuliyiinta wasaaradda duulista in ay faraha kula jiraan ha noqoto mid lagu xumaynayo wasiirka duulista

Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi,Ha noqoto Mid lagu xumaynayo M/waynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland Mudane

Axmed Maxamed Maxamuud,ha noqoto Mid lagu xumaynayo xukuumadda kulmiye oo hadh iyo habeenba marba mushkiladd

Cusub gacanta loo gelinayo waxyaalahaas inta badan waxaa ku talaabsada shaqsiyaad wasiiro ah oo ku mamay dhul-boob iyo

Lacag urursi balse aan u tudhayn xisbigiisa,xukuumaddiisa,wasiirada,m/waynihiisa iyo qaranka soomaaliland arrintaasi waxay u

Baahantahay in xukuumaddu ay ilgaara ku eegto mushkiladahan badan ee soo noq-noqonaya ee wasiirada,iyo taliyayaasha

Ciidamadu inta badan ku talaabsanayaan.

Waxaan xukuumadda talo u soo jeedinayaa deegaankaas MASALUHU wuxuu ku fadhiyaa dhul aad u balaadhan waxaana ka dhisan

Dhismayaal guryo oo aad u waawayn oo shacbiyad badani ka soo toosaan waxaa wanaagsan inta marba garoon kubadeed oo saaqidnimo

Mooyaanee aanu wax wanaag ah inoo soo kordhinayn in goobtaas muranku ka taagan yahay in laga dhiso waxbarasho

Dugsi h/dhexe iyo mid sare oo ugu yaraan ay dhigtaan sadex kun oo arday sababtoo ah xaafaddaas masaluhu ma leh dugsi dawladeed

Rug caafimaad,Sariibad,Saldhig boolis waana mihiim in wixii la wada leeyahay shacabka loo dhiso intii shaqsi dhul boobi uu keligii yeelan lahaa.

Waxaan kaloo xukuumadda u soo jeedinayaa in ciidamada milateriga ee ku sugan lixda gobol ee dalka gobolkasta looga dhiso askarta xaasaska

Leh guryo min afar qola si ay ugu maarmaan guryaha qaaliga ah ee shicibku leeyihiin ee noqday dhiig miiratada koowaad ee qaranka ku habsatay.

Ciidamada caruurtoodu waa inay helaan waxbarasho bilaasha ilaa heer jaamacadeed,oo uu noqdo inanka aabihii milateriga yahay mid aan shaqo

Waayin oo mudnaanta koowaad la siiyo.

Booliskana laftigiisu xaq ayuu inagu leeyahay waloow aad mar mar is odhanaysid mar ka ay maarayn kari waayaan ciyaal xaafadka tuugta noqday

Ee sita mindiyaha,toorayda,faashashka iyo baangayaasha oo aad is odhanaysid booliska qaar badan ayaaba lug ku leh amaan darada magaalooyinka

Oo ku xisaabtamaya in dhalinyaro aan waxba galabsan inta la soo qabto in la biishado waalidkood mudada ay xidhan yihiin,xadhig iyo ganaaxna la isu

Raaciyo waxaan inta badan is idhaahdaa M/waynuhu muxuu hoos ugu eegi waayey booliska oo haddii sawirka xun ee shacabwaynuhu ka haystaan

Ay dhaboowdo maxaa xerada dararwayne afar sano oo dhaqan celin ah loogu samayn waayey oo tababar milateri loo siin waayey oo inta ay

Xeryaha ku qaadanayaan anshaxa,asluubta,ixtiraamka uu qaranku ka doonayo ay magaalooyinka dalka ka hawlgalaan ciidamada RRU iyo SPU.

Wakhti aan gaadhay adis-ababa 2012 wuxuu basku nala galay salaadii subax ilaa intaan ka soo gaadhayey xaafaddii bole mikiin oo ah

Xarunta gawaadhida safarka ah laga raaco waxay indhahaygu qabteen boolis ku lebisan dirayskoodii oo aad u kaawyadaysan oo afar afar u taagan

Oo aad moodid bir meel la qotomiyey waxaan caloosha ka idhi waxaasaa dawlad lagu yaqaanaa iyo booliskaan ka imi ee kabadhada qaadka ama

Derbiyada ku qayilaya waa kaaf iyo kala dheeri qofka muslimka ah waxaa xidha waa diintiisa haddii aanu muslim ahayna waxa xidhaa waa sharciga

Ay samaysteen oo shuruucda booliskooda kama talaabsadaan maalintii hore ee aan suuqa u soo dhaadhacay waxaan is idhi malaa dadka ayey raafayaan

Maalintii xigtayna goobihii ay taagnaayeen ayaan habeen iyo maalinba ku dhaafayey oo waxay isu bedelayaan shifti shifti oo kooxkastaaba markay

Saacadahooda dhamaystaan waxaa bedelaya intaanay goobta cidlayn askar kale oo sekeddii 100 mitir ahba waxaa taagan afar askari ama wax ka badan

Waxay weliba taagan yihiin goobaha basaska laga raaco,goobaha cusbitaalada,safaaradaha,hotelada,maqaayadaha,masaajidada, kiniisadaha,

Jaamacadaha waxay kaloo socod ku maraan ama roondo ku sameeyaan xaafadaha dhex-dooda hadal iyo dhamaan booliskeenu ma yahay mid laga

Heli karo goobahaas aan kor ku sheegay? booliskeenu ma yahay mid boqolkii mitirba afar askari ay ku joogaan? booliskeenu ma yahay mid ilaaliya

Istaamada baabuurta laga raaco,cusbitaalada,safaaradaha,wasaaradaha,hotelada,maqaayadaha,masaajidada,iskuulada,jaamacadaha iyo xaafadaha?

Booliskeenu ma yahay mid habeen iyo maalinba roondo ku sameeya suuqyada,dooxyada,iyo xaafadaha???

Su,aalahaas waxaan u malaynayaa inaan jawaab waafiya laga heli karin booliskeena oo aanay kartidaas aanay lahayn haddaba waxaa iswaydiin leh

Waa maxay sababta dib u dhaca booliska ma taliyayaasha ayaan khibrad lahayn? ma booliska ayaan tababar rasmiya la siin? ma booliska ayaan

Dhaqanka diinteena la barin? ma booliska ayaan shuruucda booliska la barin? sidee buu boolis nadiifa ku noqdaa?

Su,aalahaasi jawaabtoodu wakhti badan ayey inaga qaadanaysaa sharaxaadooda balse waxaa loo baahan yahay boolis diin leh oo bilaa balwad ah

Oo garanaya xaqa muslimku ku leeyahay,xaqa wadanku ku leeyahay,waxaa loo baahan yahay boolis shanta wakhti masaajidka ku tukada oo

Madaxdiisa adeeca,oo waalidkii adeeca,oo jiiraankiisa adeeca oo qarankiisa adeeca.

You must be logged in to post a comment Login