Jaamacadda Gollis, Dhibta ay ku Hayso Ardayda Mustaqbalkooda iyo Mooganaanta Wasaaradda Waxbarashada

Filed under: Articles-Maqaallo |

Waxaan marka hore salaam aad u qiimo badan u dirayaa bahda Burco Media oo isku taxalujiyay in ay dadwaynaha usoo bandhigaan warar dhexdhexaad ah, fikirada dadka oo maqaalo iyo gabayo’ba lagu soo bandhigo.

 Hadii aan u noqdo qoraalkayga waxaan halkan kusoo bandhigayaa fikirkayga ku aaddan jaamacadda sida gaarka ah loo leeyahay ee Gollis University, jaamacaddan ayaa waxa ka bilowday is bedel inta badan ardaydiii dhiganayay iyo shaqaalihiiba ay ka biyo diideen, taas oo ah waqtiyada uu ku salaysan yahay semesterkii oo aad loo soo gaabiyay.

Akhriste, aan ku bilaabee jaamacaddani waxay sanadkii bixisaa sadex semester iyo weliba bisha ramadaan oo fasax ah, 11 bilood ee soo hadhay ayaa ardayda loogu kala qaybiyaa inay dhigtaan saddex semester, iyadoo weliba ay dhex socdaan intaas (public Holidays) Iida Ramadaan, iidul fitr iyo wakhtiyo kale oo ku luma inta imtixaanada la qaadayo,,,Hadaba akhriste ma ogtahay in ardaygii usoo waxbarasho doontay jaamacaddani uu semesterkii dhigto laba bilood iyo badh qudhaata halkii uu ka dhigan lahaa afar bilood iyo badh sida jaamacadaha dawliga ah.

Akhriste, Jaamacaddan lacagta ugu badan waydiisa ardayda ayaa waxbarasho ahaan semesterkiiba u dhigta laba bilood iyo badh keliyaata ayaa hadana markiiba waalidkii dib u waydiiya lacag kale oo uu ku dhigto semester cusub oo waqtigiisu aanu ka badnayn kii xaggasare aan kusoo sheegnay.

Waxa kale oo jirta in aan ardayda cusub la qaadan xilli go’an balse loo qaato markasta oo la helo arday, loona bixiyo magacyo kala du’duwan sida (CRUSH STUDENTS, LATE INTAKE STUDENTS, SPRING STUDENTS,) ardaydaas oo ka danbaysa ardayda sanadeedka, waxana ay jaamacaddani noqotay jaamacadda keliyaata ee ardaygu uu ku qaado BACHELOR HONOUR DEGREE muddo ka yar laba sanno iyo badh Iyo arday kale oo kuba dhamaysta muddo intaas kasii yar.

Arday badan oo markii hore is qortay sanadkan 2014/2015  ayaa durba dareemay arrimahaas kor ku xusan.

Akhriste, Waxa xasuusin mudan in shaqaale iyo macalimiin ka badan 20 qof saddex dii bilood ee ugu danbeeyay iskaga tageen kadib markii lacagtii mushaharka ahayd lasiin waayay muddo ka badan afar bilood.

UGU DANBAYNTII

Akhriste, waxa is waydiin mudan oo dhammaanteen maskaxdeena ka guuxaysa

1.     MEE DOORKII KOMISHANKA TACLIINTA SARE KU LAHAA TAYAYNTA JAAMACADAHA DALKA? 

2.     MEEYAY DOORKII AY WASAARADDA WAXBARASHADU KU LAHAYD JAAMACADAHA DALKA?     

Komishankan loo sameeyay tacliinta sare ee dalka ayaa ka koobnaaday gudoomiyeyaashii jaamacaddaha dalka ka jiray ee loogu talo galay inay iyagu saxaan, oo ay hagaan jaamacadaha ayaa waxay noqdeen isla gudoomiyeyaashii iyo mulkiilayaashii haystay jaamacadaha dalka midida daabkeedana iyagu hayaan. Ku darsoo gudoomiyaha jaamacadanina xubin ayuu ka yahay komishanka tacliinta sare ee dalka.

 

 

Gaariye Alle ha u naxariistee, ayaa yidhi

NIN DAWEE LA LEEYAHAY

XALKA DOON LA LEEYAHAY

DANBI UU BADHLEEYAHAY

ISAGAY U DARANTOO,

INUU DAARO MA OGOLA

DEERNAANTA MILILKA LEH

ANNA DAYSTE MA OGOLI

DEEBAAQDA IGU MUDAN

 

Markaas akhriste, dhib gaystaystihii hadii la yidhaahdo adigaa garsoore ka ah maxkamadda, sow xukunka ka soo baxayaa iskama cadda, waxay taasi ka dhigan tahay komishanka tacliinta sare oo ah raga ka madaxda ah jaamacadaha dalka.

 Su’asha 2aad iyo maqaalkeena danbe insha allah

Ahmed Ali Anfari                 

 A_Anfari@gmail.com