Madaxdii Somaliland Soo Martay & Mahadhooyinka Lagu Xasuusto

Filed under: Articles-Maqaallo |

“Madaxdii horeetee

Soo maray dalkeeniyo

Kuwa maanta joogiyo

Raga maagan ee iman

Taariikh ma dhaafta ah

Ayaa daba maraysoo

Muujin doonta oo qori

Maamulkoodu kuu yahay

Midkii lagu mabsuudee

Hawl kar lagu majeertiyo

Kii cunaya maalkiyo

Cashuurtaa miskiinkee

Ninkastoo masuulaba

Taariikhdaa ka marag kici……………”

Dalkan jamhuuriyadda somaliland ayaa xornimada ka qaatay gumaystihii ingiriiska 1960kii , markaasi oo ay maalmo kooban ka dib ku biirtay dalkii la isku odhan jiray somaliya.

Somaliland waxa ay kala kulantay midawgii somaliya tacadiyo farabadan oo sababtay in somaliland ay xornimadeedii dib ula soo noqotay sanadku markuu ahaa 1991kii.

Hadaba ilaa dib ula soo noqoshaddii xornimada , waxaa dalka soo maray madaxweyneyaal iyo masuuliyiin u kala
dambayey xilalka kala duwan ee dalka.

Madaxweyne iyo masuul kasta oo soo maray xilka waxa uu sameeyey waxyaabo lagu xasuusto marka uu xilka ka tago iyo inta uu joogaba.

kuwaas oo noqon kara waxyaabo horumar iyo guul dalka iyo dadka u horseeda.

Sidoo kale waxaa ay noqon karaan waxyaabo aan faa’ido u lahyn dalka iyo dadka kuwaas oo dhib iyo hagardaamo ku ah dadka iyo dalkaba.

Hadaba maqaalkan oo taxane inoo noqon doona waxa aynu ku eegi doonaa haddii alle idmo , madaxdii dalkeena soo martay iyo kuwa joogaba waxa ay taariikhdu ka qortay ee lagu xasuusto muddo xileedkoodii.

Tan iyo markii somaliland lagu dhawaaqay in ay xornimadeedii dib ula soo noqotay isla markaana ay ka go’day dawladii la odhan jiray somaliweyn, waxa dalka soo maray madaxweyneyaal kala ahaa:

  1. C/raxmaan Axmed Cali ( Tuur) .
  2. Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal .
  3. Daahir Riyaale Kaahin
  4. Axmed Maxamed Maxamuud ( siilaanyo).

Ugu horayn Madaxweyneyaashaas ayaa aynu mid mid uga hadli doono waxyaabihii u qabsoomay iyo dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee somaliland ka dhacay wakhtigii ay dalka ka talinayeen,iyada oo aynu is dultaagi doono madaxweyne kastaa wixii uu soo kordhiyey.

La soco qaybta dambe……………..

Eng.C/raxmaan yuusuf c/laahi ( colhaye)

Email : colhaye777@hotmail.com

Zaki Adam Zuxufi

Burcomedia.com

Hargeisa Office

 

You must be logged in to post a comment Login