Madaxweyne Hal Aan Tabayaa Jira? (qaybtii 4aad)

Filed under: Featured News,Latest News |

Waa mar kale iyo qormadeenii taxanaha inoo ahayd.

Sida dabiiciga ah adduunyada marka madaxweyne  la dooranayo waxa ugu mihiimsan ee bud-dhig u ah in lagu xusho waxa ugu weyn waa kobcinta qalaaha , xasilinta cadaalada, xoojinta xidhiidhada caalamka , sinaanta cadaalada iyo taabo galinta himilada bulshada doortay.

Sida aad akhriste la wada socotaan madaxweynaha qaranka mudane Ahmed Mahamed Mahamoud ( Siilaanyo)  waa dadkii faro ku tiriska ahaa ee bartay culuuumta dhaqaalaha waana ruug cadaa  in badan u soo joogay habka iyo hanaanka maamul , waxaan la filanay marka uu talada qabto in uu wax badan oo ku aadan nidaamka dhaqaale ee dalka fadhiisin doona isla markaana uu xooga saari doona hanaanka dhaqaale iyo sidii loo taabo galin lahaa qorshe waara oo wax badan bulshadu ka faa,iido isla markaana lagu xasuusto xili kasta oo la joogo .

Hadaba marka dhaqaalaha la soo qaado waxaynu ognahay in dalkeenu ka aradan yahay dhinaca wax soo saarka iyo warshadaynta iyadoo nasiib daro ay tahay in shaykasta oo uu ku jiro findhicilku la inoosoo dhoofiyo,iyadoo ay waliba dalkeenu leeyahay khayraad fara badan oo si fudud loo warshadayn karo sida kaluunka,hilibka,saanta xoolaha oo kabo iyo alaab badan laga samayn karo,khudaarta oo la warshadayn karo qaybaheeda kala duwan oo markay soo go,aan ku qudhma suuqyada.

sidaa darteed anoo taas ka duulaya.

Mudane madax wayne waxan tabayaa halkay ku danbaysay

khudbad sanadeedkaagi i 2011-kii aad baarlamaanka ka hor jeedisay markaad ka waramaysay qorshe sanadeedka 2012 waxaad xustay in guryaha dawladu ay wadartoodu dhantahay 1030 guri oo lagu qiimeeyay $170,000,000 waxaad madaxwayne sheegtay in lacagtaasi ay inoo dhisi karto in ka badan 10 warshadood oo shaqo la,aanta lagaga baxo arinkaasina wuxuu noqday mid aad loogu diirsaday dhawaaqiisana aad loo soo dhaweeyay waxaan jirta madaxweyne in guryihii inta badan la iibiyay  isla markaana aanay cadayn halka lacagtoodii ku baxday taasina waxay burinaysaa ama meesha ka saaraysaa dhawaaqaagii la dhawrayay waxaanay noqoysaa bar madaw iyo wax kuma taal noqday hal bacaad lagu lisay.

Madaxweyne waxa lagaag baahan yahay inaad dib u qiimeyn balaadhan ku samayso halkay mareen sida loo isticmaalay iyo waxa hadhay waxa lagu qaban karo

Mudane madaxweyne waxa lagama maarmaan ah inaad qaadato door wax ku ool ah oo lagu dhiso hanaanka dhaqaale ee dalka adigoo khibradaada, aqoontaada iyo masuuliyada Alle kugu simay kaashanaya

Madaxweyne waxa muhiim ah inaad suuro galiso hab hufan oo noqa tubta la mari karo adigoo wixii aad waayo aragnimo hore u dhaxashay ka duulaya.

 

Wa billaahi tawfiiq

Qalinkii: Liban Ismail Abdilahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

 

Zaki Adam Zuxufi

Burcomedia.com

Hargisa//Office

 

You must be logged in to post a comment Login