WAAGACUSUB (DAAHIR CALASOW) IYO (SULDAAN WABAR) KEEBAA KHATARSAN

Filed under: Articles-Maqaallo |

WAAGACUSUB (DAAHIR CALASOW) IYO (SULDAAN WABAR) KEEBAA KHATARSAN

Asalaamu calaykum marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacbiweynaha reer Somaliland meelkasta oo ay ku sugan yihiin dal iyo debed

Salaam kadib waxaan jecelahay inaan ka hadlo oo aan qalinka u qaatey inaan bulshadeena qiimaha badana la qaybsado arin aan u arkay inuu yahay mid khatar ku ah jiritaanka iyo isku duubnida shacbiweynaha Somaliland kalsoonidooda iyo wadajirkooda

Waxaa jira website uu leeyahay nin lagu magacaabo “ DAAHIR CALSOW “ oo ugu magac darey “ WAAGACUSUB.COM “ runtii marka ugu horeysa ee aad booqato website kan waxaa markaaba indhahaagu qabanayaan  qoraalo iyo weliba video’s been abuur ah oo laga sameeyey sharafta iyo karaamada dadka qiimaha ku dhex leh bulshada Somaliland sida madxaweynaha Sharafta leh ee Somaliland oo ah astaanta qaranka oo hadii isaga wax laga sheegay ay lamid tahay in qaranka dhan la aflagaadeeyey waayo waa madaxweyne ku fadhiya codka shacabkiisa  iyo weliba marwadiisa, wasiirada xukuumadiisa iyo weliba ganacsatada gaar ahaan DAHABSHIIL,  XISBIYADA MUCAARIDKA,  BEELAHA DEGA SOMALILAND OO UUU SI TOOS AH ISAGA HORKEENAYO  isaga oo adeegsanay qoraalo aan sal iyo raad toona lahayn oo uu isagu mala awaalay

Isagoo si toos ah dhaliilo iyo weliba aflagaadooyin aan jirin isu gelinaya shacbiga somaliland iskana horkeenaya beelaha walaalaha ee reer somaliland waxyaabaha layaabka ah ee uu qorona ay kamid yihiin in somaliland ay ka danbaysay dilkii MARXUUMAD SAADO CALI WARSAME oo u dhalatay somaliland aanayna jirin sabab ay u beegsatay dawlada iyo SHIRKADA DAHABSHIIL

Waxyaabaha layaabka  leh waxaa  kamid ah qorshayaal badan oo aan jirin oo ay xukuumada somaliland ku doonayso  in ay ku laayaan ama ku SUMEEYAAN madaxda XISBIYADA QARANKA SOMALILAND

Sidoo kale inuu adeegsado qoraalo aan jirin oo uu male awaalay   in wargeysada caalamiga ah ay ka qoreen warbixino  aan jirin somaliland madxaweynaheena qiimaha badan, BEELAHA SOMALILAND, GANACSATADA, IYO WASIIRADA XUKUUMADA  iyo “ SHIRKADA DAHABSHIIL “ oo iyadu ah ta uu ka dhigto bartilmaameedka koowaad

Waxyaabaha ugu badan ee uu qoro waxa ay ku salaysan yihiin sidaa uu isaga hor keeni lahaa dadweynaha somaliland ku dhaqan isagoo si gaar u ah u bartilmaameedsanaya beesha dhexe ee degta somaliland guubaabinayna beelaha darafyada adeegsanayana qoraalo aan jirin taasoo khatar ku ah qaranimada somaliland iyo isku duubnida shacbiweynaha reer somaliland taageero u fidinaya maamul goboleedyo uu sheego inay ka dhex jiraan somaliland sida khaatumo iyo awdal oo aan waxjir ahayn

Waxa jira buunbuunin badan oo ah baxsadka SULDAAN WABAR iyo GALAYDH oo aan taageero ku lahayn dhulkooda runtii waxa jira cadowyo kale oo ka xun wabar iyo galaydh dunida maanta waxyaabaha hadii sida xun loo adeegsado wax qasa warbaahinta ayaa kow ka ah tusaale “ GUGA WADAMADA CARABTA “ oo ay banaanbaxayaashu adeegsan jireen goobahaa lagu kulmo ( SOCIAL MEDIA ) iyo WEBSITES waa in laga digtoonaado cadawkasta oo aynu leenahay oo uu kow ka yahay “ Daahir Calasow “

Waxan kuso koobay qoraalkaygan gaaban laba fariimood oo aan u kala dirayo SHACBIWEYNAHA REER SOMALILAND iyo weliba DAAHIR CALOW

SHacbiga reer somaliland waa dad lagu yaqaano isku duubnaan kana soo gudbay marxalado badan oo lagu wiiqayey qaranimadooda ilaa heer ay u dagaalameen runtii wanku kalsoonahay inay yihiin dad ilgaar ah ku eega nacabkooda yaqaanana Waxaanan ku dhiirinayaa inaanay isu maqlin wixiii nacab ah ee kusoo duulay jiritaankooda iyo wadajirkooda

Daahir Calasow  runtii waadku fashilantay barnaamijkii aad wadey ee ahaa inaad iska horkeento shacbiweynaha reer somaliland mana aha dad maqla warka cadowgooda waxaan kuusoo jeedin lahaa inaad iska dhaafto kana waantowdo xumaanta aad fidinaysid iyo burburka aad la rabtid dadka reer somaliland waanad ku fashilmi doontaa inshalaah

SOMALILAND GUUL GUUL GUUL INSHALAAH

 

ADEN JAMA DUALEH

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL: aadanbeder44@gmail.com

You must be logged in to post a comment Login