Culimadii reer Saylac

Filed under: Articles-Maqaallo |

Magaalada Saylac sidaynu wada ogsoonnahay waa magaaloTaariikh dheer leh, Magaaladan waxa ka soo baxay culimo badan oo ku kala baahay daafaha Caalamka islaamka, yagoo raadinayay cilmi,  hadaba culimadan waxa aan ku soo ururiyay qaar kamida Buugayga Afcarabiga ku qoran ee la yidhaahdo.

   (المدن الصومالية لدى الجغرافيين القدماء) .

Qormadan waxa aan akhristayaasha ugu soo bandhigay 10 kamida culimadii Sayliciyiinta aha.

1: Jamaalu Diin Abu Maxamed Cabdillahi Binu Yusuf binu Maxamed Saylici, wuxu haystay Madhabta Xanafiyada, wuxu imam ku ahaa cilmiga xadiiska iyo fiqiqa iyo culuum kale, mufti ayuu ahaa qoray kutub badan, waxaana kamid aha kutub taas [ Takhriiju Hidaaya].Waxa ay isku Arday ahaayeen  Xaafid ibnu Xajar AL- Casqalaani, jamaalu Diin Saylici wuxu dhintay, 21 Muxarram  762 H.

2: Shihaabu Diin Axmed binu Cumar Abul Cabbaas Saylici, wuxu ahaa Suufi, kutub badan qoray, waxa kamida kutub tiisa [ Samaratul Xaqiiqa], wuxu dhintay sanadii 704  H.

3:Yuusuf Saylici, waa imam Fadli badan, wuxu dhintay sanadii 719 H

4:Fakhru Diin Cusmaan binu Cali binu Maxamed binu Yaxya binu Yonis Saylici, waa caalim fiqi badan Madhabka Xanafiyadana haystay, wuxu ahaa, Nin khayr badan oo wanaagsan, Qaahira ayuu tagay sanadi 705 H, Waxaanu qoray kutub badan oo uu kamid yahay [Sharxul Mukhtaar ].Wuxu ku dhintay Magaalada Qaahira sanadii  743 H.

5: Cumar Saylici wuxu aha qaari aqoon u leh Todobada Qiraa,o ee qur,aanka Kariimka, wuxu ka akhriyi jiray Masaajidka Jaamicul Umawi ee Dimishiq, waxanu dhintay sanadii 768 H.

6:Idriis binu Calai binu Ibraahim binu Maxamed binu Xasan Saylici, wuxu dhashay 799 H, wuxu ahaa sheikh wanaagsan oo caan ka ah mandaqadisa , wuu xaj badnaa, wuxu dhintay, 28 Dilqicda, 802 H

7:Axmed binu Abii Bakar Saylici, caalim buu Fiqiqa ku ahaa ,cilmiga Dhaxalka iyo Xisaabtaba

8: Yaxye Cali Saylici, cilmiga wuxu ka qaatay Maxamed binu Cabbaad AL- Xarraani, ijaazana waxa siiyay caalimkii wayna ee Barzaali.

9:Axmed binu Maqbuul Saylici, wuxu ahaa sheikh caalima , wuxu dhintay sanadii. 1012 H

10:Badru Diin Xasan binu Burhaanu Diin Ibraahim binu Xasan binu Cali binu Cabdiraxmaan Saylici Jabarti Caqiili, wuxu haystay Madhabta Xanafiya, kutubtu qoray waxa kamida [ AL- Aqwaalul Mucriba Can Axwaalil Ashriba]. Wuxu dhintay sanadii 1188 H.

 

By : Cumar Cabdi Idaan

Tel : 0634087428

Tixraaca

 

1: ابن حجر العسقلاني : الدرر الكامنة في أعيان المئة الثامنة

2: ابن حجر العسقلاني: إنباء الغمر في أبناء العمر

3: الإمام السخاوي : الضوء اللامع لأهل القرن التاسع

4: ابن تغربردي : النجوم الزاهرة في ملوك مصر والقاهرة

5: الإمام الشوكاني: البدر الطالع بمحاسن من بعد القرن التاسع