Dhibta Hooyadaa Dheef Ma Kuu Noqotaa?

Filed under: Articles-Maqaallo,Featured News |

Mako waxay ku barbaartay nolol degan iyo qoys dhisan waxay ahayd guri dambays aad iyo aad loo jecel yahay lana koolkooliyo. Hadii ay kaalin gashay oo ay gashaanti noqotayba, waxay kohatay inay gayaankeed iyo gaddeed ba guur ka raadiso, waxaana Alle calaf isugu daray Miigane oo markaa ahaa gedaha Mako. Markii ay isla fahmeen inay rug iyo reer yagleelaan, geeddiga noloshana sii wataan, ayaa sidii soo-jireenka ahayd uu u soo gole-fadhiistay. La isu guddoom , gaaf loo samee , goolal loo loog, la isuguna ducee.

Markay muddo guri lahaayeen ee ay nolosha gun iyo baar isla fahmeen, deegaankoodaa miyigu na la yaabeen isu-heellanaanta iyo jacaylka dhexdooda yaala, waxa Alle ugu deeqay wiilkii curad, waxaanay ugu wan qaleen duunyo badan. Wiilkaa ka dib, waxa Alle ugu daray laba ubad ah oo midkood gabadh ahayd. Waxa geeriyooday oo xaqii u yimid wadaadkii Miigane ahaa, Mako na waxa deris u noqday walaac, walbahaar iyo wehel la’aan. Waxa ku soo ururtay muruggada iyo masuuliyadda ubadkeedan. Waxay go’aansatay sidii ay nolosha u wajihi lahayd xaqa Alle (SWT) keenay na ay ugu sabri lahayd. Waxay tallo ku gaadhay markay Asayda ama Hengefta dhigto inay duunyada xoolaha ee ay haysato iibiso, magaalada na u guurto si ay ubadkeeda waxbarasho ula doonato.  Waxay talo ku soo goosatay inaanay nin dambe guursan, balse ay ubadkeedaa gaadhsiiso nolol sare oo aanay tabin aabbahood.

Guunyadiina iibisay, magaaladii na meel ka degtay. Waxay wajahday nolol adag, dhaqan ka duwan kay ku bartbaartay. Waxay kacaa-kufta ba, waxay habeen iyo maalin u qaddo si ay ubadkeeda oo ay waxbarasho ku dartay u dhargaan, waxay u noqotay hooyo iyo aabbe. Hamigeeda ugu weyni wuxuu ahaa inay u darxumooto sidii ay iyagu asaaggood u raaci lahayeen.

Waxay ubadkeedii dhamaysteen dugsigii hoose/dhexe, waxaanay Mako niyadda ka tidhaahdaa; ‘Hadda ayuun bay rejadii kuu soo dhawaanaysaa”. Soomaalidu se waxay ku maahmaahaan, “Ninkaan curadku duuf-laal ka noqon, doogsin baa u maqane’, waxa tahriibay wiilkeegii curad. Wuxuu beegsaday Sucuudiga. Muddo markii u dhuumaalaysi ku jiray ee Mako-na ay daashadeen walaac iyo walbahaar, ayuu shaqo ka bilaabay meel lagu iibiyo jaadka qarsoodiga ah. Markii uu maalmo yar joogay ayaa la isku xidhay isagii iyo meeshiiba, waxaana la isugu daray xabsi iyo ganaax. Markii warkii soo gaadhay Mako oo markii horeba murugo la ildarnayd ayay talo ku caddaatay. Waxay go’aansatay inay maarayso dhibtaas, waxaanay iibisiy dhulkii ay degannayd, waxaanay qaddarkii lacagta ahaa ee u soo hadhayna ay ku iibsatay dhul kale oo aad ugu fog, balse isagii waa la soo daayay, dalkana lagu soo celiyay.

Markii uu maalmo joogay ayay hooyo Mako isugu yeedhay ubadkeedii, waxaanay u jeedisay waano iyo hogo-tusaalayn, waxaanay war ugu koobtay oo ay ku tidhi, “Waar muuqiina ha iga dheeraynina, ha ii horseedina inaan naxdinta ka qaado xannuuno aan ka bogsan waayo, ha na I badina in la ii doon-doono cid I aasta!!” Ax! illeen haddii damiirku kaa dhinto waxba ma dhaantid weel daloola oo waanadu way ku dhaaftaa! Maalmo markii uu magaalada joogay ayuu haddana tahriibay oo uu beegsaday dhinaca Liibiya, waxaana mar kale warkiisa loo sheegay hooyo Mako, waxaana xaalkeedu noqday, “illeen ciil kuma dilee, wuu ku daahiyaa!”

Hooyo naxariis badanaa! Halkii ay degannayd ayay qayb iibisay, waxaanay u dirtay ‘Magafihii’ haystay oo ay kaga sii daysay. Wuxuu raacay Doonni, hase ahaatee way la qarraqantay oo wuu dhintay. Markii warkii soo gaadhay hooyo Mako, ayay dhacday oo dhakhtarka loola cararay, waxaana dhakhtarku sheegay in ay si wada-jir ah ugu soo boodeen dhiig-kar iyo macaan!

Hooyo Mako waxay noqotay bukaan-socod la nool labadaa xannuun. Samir bay weheshatay, waxaanay duhurkii markuu xayawaanku hadh galo ay buur iyo bannaan la meeraysataa dhawr caagadood oo ay caanaha macaamiisheeda ugu shubto, sababtoo ah, xaalkeedu wuxuu noqday; “Caydhi ma bukooto” oo markay socon kari waydaba meel bay kambadhuudhsataa, hadana ka socotaa!

Muddo markuu xaalku sidaa iska ahaa, ayuu wiilkeedii kale na beegsaday dariiqii walaalkii ku dhintay. “Illeen dhulku kulama guuro!” ayay talo ku noqotay hooyo Mako. Warkii u horreeyay ee ku soo dhacay wuxuu ahaa, ‘Lacagtii Magafaha soo dir’.  Wehelkeedu wuxuu noqday walaac iyo walbahaar. Waxay iibisay intii kale ee dhulkii ay degannayd oo waxay u dirtay inankeedii kale, si ay Ma-gafaha uga sii dayso. Aqal-Soomaaligii yaraa ayay ka furfuratay halkii ay iibisay oo ay ahayd inay ka guurto, waxaanay ka dhisatay meel aan ka sii fogayn oo xabaalo ah. Waxaana is-taray xanuunnadii hayay. Inankeedii ma hayo warkaase, wuxuu la soo taagan yahay ‘Lacagtii doonnida ayaa hadhay!” Hase ahaatee, marka Mako la bariidiyo ba, waxay ku jawaabtaa “Toloow yaa ciidda uun igu rogi doona oo I aasi doona?!” ..Aaax! Isagu se warkaasi ba uma bilowna! Markii xaalkeedu cuslaaday, ayaa deriskeedii u soo qaadhaameen oo ay u soo ururiyeen lacag yar oo ay nolol-maalmeed ka dhigato, waxaanay geeyeen cusbatalka oo ay dawo uga soo qaadeen. Hase ahaatee, waa hooyo iyo caadkeede, waxay intii yarayd u dirtay isagii si uu doonni ugu raaco, balse war bay ka wayday! Waxa ku kacay macaankii iyo dhiig-karkii, waxaana loola cararay cusbatalka. Waxa loo caal waayay oo la dejin kari waayay dhiiggeedii kacay iyo macaankii. Maalmo markay sidaa ahaataba, geeridii baa u timid Mako. Murugo iyo oohin markii dambe keentay in ay koomo gasho, ayay ku dambaysay inantii yarayd na.

Haddaba, akhriste midhka meesha taallaa waxa weeyi marka uu ilmuhu tahriibo haddii uu waalidkii wax walba u keeno oo uu daaro fooqle iyo duunyaduu doono siiyo, waxa aanu marnaba dawayn karin ama aanu miisaankeeda soo celin karin naxdintii gaadhay waalidka oo kaliya .

Fiiro gaar ah: Qisadan ama xaalkani akhriste maaha malawaal ama iska samayn ee waa qiso dhaba oo dhacday.

 

W.Q: Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi

Email: Liibaanhanad79@mail.com

 

You must be logged in to post a comment Login