haba la kor dhiyee doorashada yaa loo kordhin ???

Filed under: Articles-Maqaallo |

siilaanyowaddanka u kala noqdaan madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen. Muddadii sharciga ahayd ee ay shacabku awoodda u siiyeen in xukuumadda KULMIYE waddanka ka taliso waxay dhammaanaysaa oo ku eegtahay 26ka June 2015. Haddaba, maadaama doorashadii si rasmi ah dib loogu dhigay waxa durba loo kala baxay qaar leh xukuumadda ha loo kordhiyo muddo-xileedka, qaar leh loo kordhinmaayo iyo qaar leh muddo intee le’eg ayaa loo kordhinayaa.Xaaladda noocan oo kale ahi markay timaado, madaxweynaha in la deeco oo la daba galo ayey danta guud ee qaranku ku jirtaa laakiinse waxa is-weydiin mudan: ha la kordhiyee, yaa horta waddanka xukuma oo loo kordhiyaa? Waa su’aasha ugu adag ee maanta hor taalla Somaliland ee laga sugayo xubnaha Golaha Guurtida inay ka jawaab- bixiyaan intaanay shaabadda muddo kordhinta ku degdegin ku dhufashdeeda.

Xaqiiqadu waxay tahay sannadihii ugu dambeeyey madaxweyne Axmed Siilaanyo waddanka muu xukumayn ee ashkhaas kale oo ku xeeran isaga ayaa ku shaqaysanaysay awooddii dastuuriga ahayd ee madaxweynaha (constitutional powers of the president) taas oo ah denbi wayn oo qaranka Somaliland laga galay hase ahaatee shacabka reer Somaliland ay door bideen inay indhaha ka laliyaan si looga fogaado muran iyo is-xagxagasho.Waxay ahayd sida ku qeexan dastuurka Qodobkiisa 86aad, Farqadda 2aad in haddii uu madaxweynuhu caafimaad darro darteed u gudan kari waayo hawl maalmeedkiisa in madaxweyne-ku-xigeenku uu la wareego talada waddanka oo uu isagu waddanka xukumo laakiinse taasi may dhicin ee madaxweyne-ku-xigeenkii dhinac ayaa la isaga riixay oo taladii waxa maroorsaday koox isku bahaystay dano gaar ah (Self-interest group or Astroturf) oo isku haysta awooddii madaxweynaha oo meel ay u soo mareen aan cidina garanayn, sharci u bannaynayaana aanu jirin. Shantii sannadood ee ugu dambeeyey madaxweyne-ku-xigeenku afka ayuu iska xidhay ka dib markii uu dhowr jeer ka cadhooday sida wax loo maamulayo oo aan marnaba lagala tashan.Sidaa awgeed, madaxweynihii waxa laga dhigtay shaabad meel iska taal oo kolba wixii la doonayo lagu ansixisto iyadoo magaciisa la isticmaalayo oo gabbood laga dhiganayo. Kooxdaas danaha gaarka ah isku bahaysatay inta ay magaca madaxweynaha denbiyo ku soo galaan ayaa mucaaradkuna denbiga madaxweynaha dusha u saaraan. Waxaad markaa arkaysaa in madaxweynaha denbi aad u weyn laga gelayo oo aanu galabsan.

Dhinac ahaan markaad ka eegto, waa sax in khaladaadka ama denbiyada ay xukuumaddu gasho madaxweynaha loo xambaariyo waayo isaga ayaa ah shakhsiga loo igmaday talada waddanka kurisgana weli ku fadhiya, dhinac kale markaad ka eegtana xaqiiqadu waxa tahay in madaxweynuhu aanuu khaladaadkaas shaqo ku lahayn waxna ka ogeyn denbiyadaas lagu galay magaciisa balse haddana si arxan darro ah isaga dusha looga saaro.

Isku shaandhaynta dhawaan lagu sameeyey xukuumadda waxa la hoos raaciyey Inqilaab ama Afgembi ka dhex dhacay kooxdaas danta gaarka ah isku bahaysatay.

Haddaba maxaa xal ah oo la gudboon Golaha Guurtida oo iyagu ah kuwa qaabilsan muddo kordhinta?

Horta muddo kordhinta qiil loo hayaa ma jirto oo waafaqsan dastuurka. Hase ahaatee, maadaama doorashadii dib u dhacday, ma aha in muddo kordhinta la isku qabsado ee xukuumadda waa in muddada loo kordhiyaa laakiin sidoo kale waa in la isweydiiyaa yaa loo kordhinayaa? Golaha Guurtida waxa la soo gudboonaan doona go’aankii ugu adkaa taariikhda ee golahooda soo mara.

Laba xal mid ahaan ayaa la gudboon Golaha Guurtida:

  1. Ta koowaad waxa weeye in iyagoo indhaha isku haya ay madaxweynaha si fudud ugu dhuftaan shaabadda muddo kordhinta iyagoo aan wax tixgelin ah siin culayska ay caafimaadka madaxweynaha ku hayso gudashada la xidhiidha hawl-maalmaadka iyo waajibaadka qaran ee loo igmaday. Haddii shaabadda la iskaga dhufto waxa hubaal ah in talada waddanku ay si fudud gacanta ugu geli doonto kooxdii awalba sida sharci darrada ah ee qayrul dastuuriga ahayd ugu shaqaysan jirtay awoodda daastuuriga ah ee madaxweynaha. Shantii sano ee hore waxay ku doodi jireen shacabka ayaa u codeeyey madaxweynaha laakiinse muddo kordhintan dambe waa waajib in wax la iska weydiiyo cidda waddanka xukumi doonta muddada muddo-kordhinta. Xubnaha golaha guurtidu iyagoo is-leh madaxweynaha muddo kordhin u sameeya oo u hiilaya madaxweynaha yaanay awoodda waddanka gacanta u gelin koox dano gaar ah isku bahaysatay.

Haddii tallaabadaas sare ay ku dhaqaaqaan Golaha Guurtidu waxay markaas dembi ka gelayaan ummadda, waxa kale oo ay denbi ka galayaan madaxweynaha, iyaguna naftooda ayey dulmayaan oo denbi ka galayaan.

Shacabka denbi ayey ka gelayaan oo waxay xukunkii si badheedh ah gacanta ugu geliyeen koox si sharci darro ah oo dastuurka baalmarsan ugu shaqaysanaysa awoodii madaxweynaha iyagoo og in madaxweynuhu aanu waddanka xukumi karin, waxna ka ogeyn waxa ka socda; wax dhegta loo saaro mooyaane.

Madaxweynahana denbi ayey ka gelayaan oo waxay dusha ka saarayaan waajibaad iyo xil aanu qaadi karin oo aanu taag iyo tabartoona u hayn taasina waxay keenaysa in awooddiisii ay cid kale ku shaqaysato oo denbiyo ku gasho marka dambena mucaaradka iyo shacabkuba wixii qaldamay ama ceeb ah ay madaxweynaha u xambaariyaan oo masuuliyadeed dusha ka saaraan iyadoo madaxweynuhu aanu war iyo wacaal toona ka hayn eedayntaas loo soo jeedinayo. Marka saddexaadna guurtidu naftooda ayey dulmayaan oo sidii Ilaahay ku ogaa waxba uma ay go’aamin ee indhaha ayey ka qarsadeen xaqiiqadii. Waa haddii ay guurtidu tallaabadaas kor ku xusan ay ku dhaqaaqaan.

  1. Ta Labaad waxa weeye, ma aha in marnaba shaki la geliyo muddo kordhinta madaxweynaha maadaam doorashadii dib loo dhigay, balse maadaama aanu madaxweynuhu si buuxda u gudan karin waajibaadkiisa waa in la taakuleeyo oo la tabantaabiyo oo aan talada waddanka gacanta loo gelin koox dastuurka baalmarsan balse talada waddanka lagu soo dabbaalaa dastuurka oo loo igmadaa madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Seylici oo madaxweynaha lala doortay ahna shakhsiga ugu awoodda sarreeya ee madaxweynaha ku xiga. Madaxweynaha iyo madaxweyne-kuxigeenka waa inaanay cidi u dhaxayn.

Yeynaan illaabin in madaxweynuhu, kalsooni badan darteed oo uu ku qabo Cabdiraxmaan Seylici, uu hadda ka hor diiday oo laga furfuri kari waayey inuu Seylici ka beddelo murashaxnimadii madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga KUMIYE ee Shirkii Burco ee August 2008dii. Madaxweynuhu mar kasta kalsooni badan ayuu ku qabay Seylici illaa xataa ay ka gaadhay inuu xisbiga KULMIYE laba garab u kala jabo shirkii Burco oo madaxweynuhu ka tanaasuli waayo inuu beddelo Seylici. Hase ahaatee wax badan ayaa is-beddelay illaa muddadaas. Madaxweynuhu siduu uu u firfircoonaa iyo sidii uu u feejignaa berigaas uma firfircoona umana feejigna, madaxweyne-ku-xigeenkana duufaano siyaasadeed oo qabyaaladi ku marantahay ayey kooxdaas danta gaarka ah isku bahaystay ku kiciyeen taasoo lagaga fogeynayo talada waddanka ee shacabku u doortay.

Sidaa awgeed madaxweynihii iyo madaxweyne-ku-xigeenkii loo doortay inay waddanka xukumaan midna gacanta wax kuma hayo, horena uguma hayn, immikana kuma hayaan. Haddaad is-leedahay Siilaanyo ayaa waddanka xukuma naftaada ayaad been u sheegaysaa! haddaad is-leedahay madaxweyne-ku-xigeenka ayaa waddanka xukumana waad riyoonaysaa! Waddanka waxa xukuma koox awooddii madaxweynaha maroorsatay oo aan dastuurka meelna ka soo gelin! Uma baahnin inay faahfaahinno cidda ay yihiin.

Haddaba, Golaha Guurtida waxa la gudboon maanta in marka ay muddo kordhinta samaynayaa inay xasuusnaadaan in go’aanka muddo kordhinta ay raaciyaan lifaaq si cad u qeexaya in la taakuleeyo oo la taageero madaxweynaha, waajibaadkiisii iyo hawl-maalmeedkiisiina loo igmado madaxweyne-ku-xigeenka, Cabdiraxmaan Seylici, oo xubnaha golaha wasiirada iyo cid kastaaba ay isaga daba joogsato oo ka amar qaadato maadaama uu yahay masuulka ugu sarreeya waddanka ee madaxweynaha ku xiga sida dastuurka ku qeexan. Wasiiradu ma aha inay daba joogsadaan cid aan ka ahayn madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigenka sida haatan dhacda.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo keliya ayuunbaa hawshaa loo igman karaa oo maanta waddanka wadi kara! Madaxweynuhuna wuxuu mudan yahay in lala socodsiiyo go’aamada waaweyn ee madaxweyne-ku-xigeenku soo gaadho maadaama aanu madaxweynuhu go’aamadaas currintooda, wax-ku-darsashadooda iyo dhammeystirkooda aanu taag iyo tabartoona u hayn ka qayb qaadashadooda. Waa in madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka aan cidi u dhaxayn u kala tarjunta ama soo kala dhex gasha oo carqaladeeya geedi-socodka hawl maalmeedka qaranka.

Guurtidu waa inay tixgelin gaar ah siisaa arrintaas oo dib u daawadaan khudbadii madaxweynuhu ka hor jeediyey golaha guurtida oo ahayd caddeyn marag ma doonto ah in madaxweynaha ay dhib iyo culays weyn ku tahay gudashada wajibaadkiisa qaran. Khudbadaasi waxay ahayd qaylo dhaan uu madaxweynuhu leeyahay ha la ii soo gurmado ummadyahay!

Madaxweynuhu markii uu dhawaan labada gole ka dhex akhriyey khudbad sannadeedkiisii waxa dul taagnaa xoghayihiisa gaarka ah. Markuu madaxweynuhu warqad dhammeeyaba waxa sida haadda ugala boodayey xoghayihiisa gaarka ah oo dul taagnaa sababtuna waxay ahayd iyadoo laga baqayey inuu madaxweynuhu waraaqaha isku dhex daro oo warqaddii uu hore u akhriyey uu haddana mar labaad akhriyo. Khudbada uu akhriyayeyna way caddeyd inaanu qoraalkeeda waxba ku darsan. Waxa intaa dheer in isla markii uu madaxweynuhu dhammeeyey khudbada in guddoomiyaha guurtidu, Saleebaan Maxamuud Aadan, uu isla markiiba sarajoogsaday oo xildhibaanada ku wargeliyey in madaxweynaha aan wax su’aalo ah la weydiin karin.

Haddii aan caddeyntaas TV-ga Qaranka laga baahiyey aan lagu qanacsanayn waa in markaa xubno ka kala socda xisbiyada mucaaradka, labada gole, culumaa’u diinka iyo xisbul xaakimkaba ay madaxweynaha imtixaamaan oo shir albaabadu u xidhan yihiin ku xog wareystaan keligii oo su’aalo ka weydiiyaan illaa inta uu wax ka og yahay waxa waddanka ka socda.

Waxa halkaas ka caddaan doonta in madaxweynuhu u baahan yahay taageero iyo taakulayn. Hase ahaate waa in mar kastaba muddo kordhinta loo sameeyaa madaxweynaha, muddo kordhintuna intay doontaba ha noqotee aan la isku qabsan si loo ilaaliyo danta guud ee qaranka; xisbiyada mucaaradkana waa in aan meella xukuumadda lagaga soo darin si looga fogaado muran iyo is-xag-xagasho. Shaki kuma jiro, cidna caad kama saarna, inay hawshu qaranku ku culustahay madaxweynaha. Sidaa awgeed xubnaha Golaha Guurtida waxa maanta hor taalla in ummadda ay u kala dooraan in talada waddanku ay gacanta u geliyaan koox dano gaar ah isku-bahaysatay oo aan la dooran iyo in madaxweyne-ku-xigeenka shacabku doortay hawsha qaranka lagu aamino oo lagu ogaado si loo ilaaliyo magaca madaxweynaha iyo danta qarankaba. Go’aanka golaha guurtidu gaadhi doono waa mid laga wada dhur sugayo!

Jamal Madar

London, UK.

adammadar@yahoo.com

 

You must be logged in to post a comment Login