31 May Maxay Ahayd?

Filed under: Featured News,Latest News |

31 May waa maalin taariikh leh, waxaana aynu ku bilaabaynaa siday ku timi 31 May. Sannadkii 1987.May.31, waxaa habeenimadaas la dilay Mujaahid Aadan Shiine oo lagu dilay magaalada Jig-jiga ee dalka Itoobiya.
Mujaahid Aadan Shiine oo ahaa saraakiishii ugu horeysay ee SNM aas aastay, hadaba 31kii kale ee sanad guuradii kale ee dilka Aadan Shiine ayaa ku beegnayd 31.May.1988, habeenkaas oo noqday gudo galkii Hargeysa iyo Aarkii Aadan Shiine sidaas dartee, waa habeenkii heeryadii dulmiga iyo cadaadiska laga dulqaaday bulshada Somaliland, xiligaas oo xasuuq ba’an lagu hayey dadka.31 MAY
Waa habeenkii la baabiiyey erayadii xunyow xunka kale aanu jirin, waxaana u shahiiday mujaahidiin iyo shacab aad u fara badan, waa maalintii gobanimada, waxay ahayd taariikh aad ugu qiimo badanbulshada Somaliland, waa maalintii la jabiyey 26aad oo ahayd qeybtii ugu xooga badnayd Geeska Afrika, lagana qabsaday xaruntii Hargeysa.
Maalintaas waxa mujaahidiinta raacay oo ka barbar dagaalamayey shacabka Somaliland iyaga oo u badheedhay helida xornimo kana dhiidhiyey ku noolshiyahii gunimadii iyo guumaysigii uu ku hayey kaligii taliskii macangaga ahaa ee rajiimkii Siyaad Barre.
31.May.2001, waxaa sida oo kale maalintaas dhacday codeyntii dastuurka qaranka Somaliland, oo iyadu lafteedu ahayd halgan maadaama ay jireen dad markaa ka soo horjeeday afti u qaadida dastuurka.
Haddaba 31.May, waxaa ay qiimo badan ugu fadhidaa guud ahaanba qaranka Somaliland, sida aynu sheegnayna waa maalin xus iyo xusuus innaga mudan oo qarankan ay u qudh baxeen rag badan oo u soo shahiiday kana dhiidhiyey dulmigii waagaas uu innagu hayey rajiimkii Siyaad Barre, waxaana la innooga baahan yahay qof kastaa in uu xasuusto maalintaas oo kale iyo dhulkii loo qaxay oo ay ka mid ahayd Geed-deeble, Biyo Shiinaha, Hora-haadlay iyo meelo kale oo la mid ah.
Waxaa kale oo iyaduna xusuus gaar ah leh meeshii dadka oo dhammi ka talaabeen 80% ee gogal wanaag Carro-Yaambo oo laamiga ah sida oo kalena Arabsiyo oo ay markaa faqashtu joogtay wax yar u jirtay, waana meeshii waagaas la odhan jiray ma Jidkii Siraadbaa.
W/Q :Zakii Adam Zuxufi