Ujeeddo: Warqad Furan Oo Ku Socota Madaxweyne Siilaanyo

Filed under: Articles-Maqaallo,Latest News |

Ku Madaxweynaha Jumhuuriyadda Somaliland Ku Wasiirka Wassaaradda Arrimaha Gudaha. Ku Guddoomiyayaasha Maxkamadaha. Ku. Taliyaha Ciidamada BooliiskaKu  Madaxweynaha Jumhuuriyadda Somaliland
Ku  Wasiirka Wassaaradda Arrimaha Gudaha.
Ku  Guddoomiyayaasha Maxkamadaha.
Ku.  Taliyaha Ciidamada Booliiska
Ku.  Taliyaha Ciiddamada Nabad-sugidda
Ogaysiin Shacab-weynaha Somaliland.
ogeysiin Warbaahinta Madaxa-bannaan.

Gogoldhigga Warqdda:
Tiirarka ay dawladi ktaagantahay ka ugu muhiimsani waa tiirka caddaaladda iyo garsoorka. Haddii uu tiirkaasi liico, dawladnimadu way daciiftaa ooy ligligataa,aakhirkana way duntaa.


Waxa cashar lagu cibrad qaato innogu filan dawladdii diktatooriyadda ahayd ee Maxamad Siyaad barre oo lawada ogsoon yahay wixii ku dhacay.Waxa kaloo sooyaalka taariikhda ku xardhan kumanaan dawladood u burburay caddaaladarro darteed.Wuxuu yidhi ninkii jiray:”Dad caddaalad waayaa sidii cawsha kala yaacye”
Waxaynu ku ducaysanaynaa inaanu Ilaahay innaga dhigin kuwii sida cawsha kala yaaca.Laakiinse sida ka muuqata xukuumadda talada haysa caddaaladdarradeeda iyo garsoorxumadeeda, waxaynu halis ugu jirraa in sidii cawsha loo kala yaaco.
Maxaan sidaa u leeyahay?!! Waayo, sida wararka aannu ka helaynno ila-wareedyo lagu iyo warbaahinta madaxa-bannaan, waxa maalin walba gobolada iyo degmooyinka dalka si isdaba jooga uga dhaca shaqaaqooyin dex-mara dad isku haysta jagooyin ama beero. Marka dadkaasi is-haystaa ay isla tagaan maxkamadaha garsoorka, waxa ra”yul-caamku sheegayaa inaanay helin garsoor caddaalad ku dhisan. Waxa la sheegayaa oo la isku raacay in musuq-maasuq hadheeyay maxkamadaha garsoorka oo ay jiraan garsoorayaal ku dul-baayactama kiisaska laaluushna ka qaata dadka.
Waxa la sheegayaa xukkumada sida caddaaladdarada ah u dhacaa inay sababaan dagaal hub la isku adeegsado oo dhex-mara labada dhinac ee is-haya, kaasoo keena dhimasho iyo dhaawac.
Dulucda aan uga dan leeyahay warqaddaydan furan ee

ku socota madaxda ugu sarraysa dalka waxay tahay inaan Ku iftiimiyo shaqaaqo dhawaan ka dhacday magaalada Hargeysa, shaqaaqadaas oo salka ku haysa caddaaladdarada ka dhacda garsoorka maxkamadaha.

Shaqaaqadaasi waxay dhacday kadib markii laba nin: nin#1 iyo nin#2 dhul isku qabsadeen, dabeetana maxkamad ay isla aadeen. Waxa la soo sheegayaa oo la xaqiijinayaa laba maxkamadood inay dhulkii u xukkumeen nin#1. Haddana waxa la soo sheegayaa in maxkamadda sare la isla aaday oo ay dhulkii u xukuntay nin#2!! Waxan madaxweynaha qaranka iyo madaxda kale ee ay warqaddani tooska ugu socoto, shacab-weynaha iyo warbaahintaba ka codsanyaa in ay arrintan fiiro gaara ah u yeeshaan, haddii warku sidaan u maqlay ka duwanyahayna lasoo bandhigo. Waxa la inna leeyayahay: “Laba maxkamadood ayaa dhulkii la isku haystay u xukkumay nin #1, haddana maxkamaddii saddexaad baa u xukuntay nin #2″. Waxa xusid mudan in garsooraha maxkamadda sare ee xukkunka dhinacii kale u qalibay yahay Yusuf Ismaaciil Cabdi, oo ah guddoomiyihii la eryay ee la sheegay inuu dad badan iska horkeenay.
Maxaa haddaba dhacay markii xukkunkii maxkamadda sare u cuntami waayay reer Xaaji Xassan?!!!
Nassiibdarro, waxa uu labadii reer dagaal ku dhexmaray dhulkii la isku haystay halkaas oo laba askari oo ka tirsanaa ciidamda booliisku dhinteen!!
Waa hagaag bal aan idiinku celiyo, Xigasho: “Laba maxkamadood baa reer Xaaji Xassan dhulkii la isku haystay u xukumay. Maxkamaddii saddexaadna waxay u xukuntay ninkii kale!!”
Su’aalaha jawaabta u baahan baa ah: Maxay ku dhacday inay laba maxkamadood go’aan isku mid ah gaadhaan, maxkamadda sarena go,aan ka duwan?!! Miyaanay muuqan in garsoorihii la eryay ee la sheegay inuu dad badan iska horkeenay fartu ku godantahay oo uu sababay dagaalka iyo dilka askarta ciidamada qaranka ee goobtaas ku dhimatay?!!
Miyaanay calaamatu-su’aal weyni saarnayn maxkamaddii ugu dambaysay ee kiiskaas qaadday????????????!!!!!!!
Muxuu sameeyay wasiir Warancadde sameeyaywassiirkaarrimahaguduhu, kaddib shaqaaqadii dhacday iyo dhimashadii askarta ee ku dhex-dhimatay dagaal sida muuqata ay keentay garsoorxumo, gacan-ku-dhiiglihiina aan weli la hayn?!!
Wuxuu amar ku bixiyay in la soo qabqabto dad tiradoodu kor u dhaaftay labaataneeyo kuna xabisay saldhigyada booliiska ee magaalada Hargeysa isagoo u aanaynaya inay isku hayb yihiin ciddii dishay labada askari. Haa waa xaq in la baadi goobo oo la soo qabto OK sharciga lala tiigsado ciddii askarta dishay, waxaanse xaq ahayn in dad shicib ah oo ay ku jiraan suldaankii iyo caaqiladii beesha ee ahaa kuwii lagala tashan lahaa soo qabashada gacan-ku-dhiiglaha, jeelasha laga buuxiyo ayadoon maxkamadi ku caddayn danbi ay galeen, falkaas oo jebinaya xuquuqda dastuurka qaranku siiyay muwaadinka ee ku qeexan dastuurka.
Waa run oo waa waa waajib saaran xukuumadda inay soo qabato ciddii askarta dishay laakiin ma ahayn indho la’aan iyo waaran la’aan in beel dhan loo ugaadhsado.
Tirada dadka saldhigyada booliiska Ku xidhan laga soo bilaabo bishii May15-keedii ee illaa iyo hadda aan maxkamad la horkeenin waa kuwan magacyadoodu Balkan hoose Ku taxan:

Suldaan Ismaaciil Aadan
Cq. Maxamad X. Cabdi Nuur
Cq. Axmad Cusmaan Faarax
C/Salaan Maxamad Faarax
Muuse Muxumad Ismaaciil
Cusmaan Balool Faarax
Cumar Cadduur Ileeye
Muuse Waaberi Cadduur
Kayd X. smaaciil
Muuse Ciise Caalin
Axmad Cali Qaalb
Cabdi Faarax X. Jaamac
Bulaale Axmad Daqarre
Cabdi Mataan
Faisal Adam Cabdi Buux
Sayid Sh. Daahir
Maxamad Cumar Cawaale
L/xiddigle Istiqlaal Axmad Colhaye.
Bal dadweynoow u fiirsada sida wasiirka arrimaha guduhu ugu tumanayo xuquuqda muwaadinka ee dastuurkeennu jidaynayo:
Qodobka 25aad, faqraddiisa 1aad waxay leedahay:
Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan waafaqsanayn xeerka dastuurka; faqraddiisa 2aadna waxay dhigaysaa:
“Ma bannaana in qofna la soo qabto, la baadho, ama la xayiro haddii aanu markaa dambi faraha ku la jirin ama aanu amar qabasho sababaysan soo saarin garsoore awood u lihi”
Isla qodobka 25aad, faqraddiisa 3aad waxay leedahay:
“Dawladda ayaa muwaadinka u dammanad-qaadaysa xuquuqda iyo xoriyadaha, xeer ayaana qeexaya ciqaabta ku-xad-gudubkooda (taasoo micneheedu tahay mas’uulka  xukuumadda kamid ah ee ku xadgudba muwaadin, ciqaab buu Ku mutaysan karaa).
Qodobka 26aad, faqraddiisa 2aad waxay qeexaysaa in:
Mas’uuliyadda ciqaab-dambiyeed any Ku koobantahay cidda geysatay oo keliya.
Qodobka 27aad we dastuurka faqraddiisa 1aad:
Qofka xorriyadda lava qaaday wax a uu xaq u leeyahay inuu, sida ugu dhakhsaha badan, ula kulmo qreenkiisa, qaraabadiisa ama ciddii kale ee uu codsado.
Isla qodokaas faqraddiisa 2aad waxay odhanaysaa:
Qofka xorriyadda looga qaaday fal-dambiyeed lagu eedeeyay wax a uu xaq u leeyahay in lagu hor-geeyo maxkamad 48 saacadood gudahood, laga bilaabo markii la solo qabtay.
Waxan kusoo gunaanadayaa qoraalkan inaan usoo jeediyo mas’uuliyiinta qaranka Somaliland, in haddii ay doonayaan in dalku jiro oo uu horumaro, inay dadka caddaalad Ku dhaqaan, dastuurkana Ku dhaqmaan, dadkan xaqdarada ku xidhan een magacyadooda kor ku qorayna degdeg xorriyaddooda loogu soo celiyo. Dee waa sidee idinkii baaba bashii qabyaalad ahayd dhiiri-gelinaya markaad denbi qof galay qabiil dhan usoo xidhxidhaane!!!!
Haddii kale sidaan horeba ugu soo hal-qabsaday:
” Dad caddaalad waayaa , sidii cawsha kala yaac”
Wa Billaahi towfiiq.
Mohgamud Yusuf Ismaaciil
moismas@gmail.com

Herndon Virginia

USA

You must be logged in to post a comment Login