Suldaankii Ugu Horeeyey Ee Ka Qalinjabiya Jaamacad Ku Taalla Jamhuuriyada Somaliland Suldaan Maxamed Muuse Nuur Oo Ku Caan Ah (Suldaan Abusufyaan)

Filed under: Community,Latest News |

Suldaankii Ugu Horeeyey Ee Ka Qalinjabiya Jaamacad Ku Taalla  Jamhuuriyada Somaliland Suldaan Maxamed Muuse Nuur Oo Ku Caan Ah (Suldaan Abusufyaan) Kana Mid Ah Salaadiinta Ugu Dada Yar Salaadiinta Somaliland Ayaa Noqday Suldaankii Ugu Horeeyey Ee Ka Qalinjabiya Jaamacada . Suldaan Abusufyaan Ayaa Wuxuu Ka Qalinjabiyey kuliyada shareecada iyo luuqada carabiga ee jaamacada gollis ka dib markii uu soo dhamaystay 3 sano . Suldaan abu sufyaan ayaa ka mid ah salaadiinta ku fikira waqti kasta sida uu horumar u gaadhsiin lahaa beesha uu suldaanka u yahay & sidoo kale umada soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan gaar ahaana shacabka reer Somaliland . Suldaan maxamed muuse nuur ( suldaan abusufyaan ) ayaa waxa uu hiigsanayaa inuu sii wato tacliintiisa wuxuuna ku han weyn yahay inuu bilaabo darajada master .

Burco Media //Office
Hargeisa Somaliland
By Zaki Adam Zuxufi

You must be logged in to post a comment Login