Xaqiiji Yoolkaaga. W/Q: Mustafa Beddel Cabdi

Filed under: Community,Featured News,Latest News |

Sanku neefle kasta oo ku dul nool dunida waxa hubaal ah inuu leeyahay hiigsi iyo yididiilooyin uu nolosha ka damacsanyahay, qof walba waxa uu nolosha ka baadi goobaa guul iyo gobonnimo. Majiro qof aan lahayn hammi iyo hiigsi nololeed (waxaynu ka hadlaynaa dadka garaadka u saaxiibka ah) bani aadamku waxa ay si guud uga siman yihiin gunnimo iyo guul-darro nacaybka, ma jiro qof jecel in uu ahaado ka dadka ugu hooseeya,ugu liita,ugu guul-darrada badan,ugu maan gaabsan,ugu daciifsan, ugu…. ugu…… Naf walba waxa ay diyaar u tahay hanashada iyo helitaanka himilada ay la nooshahay.  Laakiin su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay; diyaar ma u tahay xaqiijinta ahdaafta iyo yoolalka aad habeenoo dhan la gam’i weyday? Haa, waan ku maqlayaa inaad judhiiba HAA iigu warcelisay, astaqfurullah, kuma maqlayee waan ku garanayaa, oo iga walloonad MAYA iyo wax u dhawtoona afka soo marinaynin. Wey fududahay ka jawaabida weydiinta aan ku warsaday dhan marka aad iska qotomiso, doc kale haddaad iska soo taagto wey adkaanaysaa, naadir iyo dhif dhif bay noqonaysaa cidda sida ay tahay uga jawaabi kartaa. Si kale u dhig oo dhe; wey fududay inaad iigu warceliso “ haa diyaar iyo badh baan u ahay inaan xaqiijiyo yoolkayga”, laakiin waxa adkaanaysa in la helo qof ka run sheega oo u babac dhiga, warcelinteeda dhabta/xaqiiqada ah. Waxaad ogtahay in ku dhawaaqida jawaabta ah” haa” ay afkeena ka fududahay(ileen soomaalida hadalku wax uga fudude), laakiin qabashadeeda iyo ku camal falkeedu adag yahay, kii Alle u fududeeyo moojaane. Soomaalida waxa lagu tiriyaa ummadaha afka ka waashay ee afar iyo labaatanka saacadood hadal iyo dhuran diyaar u ah, Waar ma been baa ? alleylehe maya. Waxa daliil kuugu filan hadal badnida soomaalida sheekadan yar oo aan kolley waxba kaaga shan iyo toban ahayn “ galab anigoo soo toosay, oo iska faraxsan mooji wax iga farxiyee, ayaan doonay inaan raaco baska suuqa Hargeysa usoo baxa, markaan gudihii baska soo korey waxaan arkay nin Yamani ah oo kuraasta labada qof loogu talo galay, kaligii is qondhadhinaya misane koodh uu sitay intuu kaga fadhiyay kursiga maahane intii kale dulsaartay,(bahalku cawaandisanaa!), faduushayda kuraastii bannaaneyd maan fadhiisane, Ninkii baan soo dul istaagay, akhyaari indhay iska fahantaaye, ninkii odayga ahaa koodhkii iga qaad, anna fadhiistay, il-qoodha ayuu iga yara eegayaa, oo shaw waxa uu iga sugayaa inaan idhaahdo [thanks], iga wallee waad ku thanks la’day meesha dhe, ku darsoo sida basaska Hargeysa u caadada ah, waa laga dhex buuqayay oo cod dheer baa lagu sheekaysanayay, lama sheekaysanayne waa la murmayay, ninkan aan lafadhiistay waxa uu layaabanaa dadka murmaya oo aan isku dhaweyn masaafo ahaan. Wax aan laba daqiiqo gaadhin markaan fadhiyay, ayaan ninkii hadalkeenii ku bilaabay, isbarasho yar kadib wuxuu i weydiiyay, waxa ay dadkani ka hadlayaan ama mawduuca, waan u sheegay, kabacdi baan weydiiyay muddadii uu Hargeysa joogay waxyaabihii ugu yaabka badnaa; kuye’” waxa iigu yaab badan dadka soomaalida ah oo aan hadalka ka daaleyn, intuu gacantayda oo yara dhuuban, sidaana uma sii dhuubnee, soo qabtay buu ii raaciyay; sidaa ay u dhuuban yihiin hadday u hadal yaraan lahaayeen wey fiicnaan lahaayeen”.

Hanashada iyo helitaanka guushaadu waxay ku xidhantahay hadba sidaad u doonto, waayo qofka haddii ay ka go’antahay inuu ka run sheego hankiisa wuu ka run sheegi karaa haa, iga wallee wuu ka run sheegi karaa, isaga oo aan hilmaameyn talo saarashada Eebbe SWT. Go’aan ku qaado inaad rabto xaqiijinta hadafkaaga, aamin inaad guuleysan karto, ka dhaadhici oo u sheeg naftaada inaad gaadhi karto halkii ay gaadheen dadkii kaa horreeyey ee la mahadiyey iyo kuwan kula noolba, hankaaga fogee oo dheeree  “ haddii Nebi-nimadu tahay darajo dadaal iyo juhdi lagu gaadhayo, waxa doqoniimu kuugu filan inaad wax ka hooseya hiigsato” imaamul dahabi…

 

Socdaalkeygii iyo u kala gooshitaankaygii waddamada dunida, waxaan arkay in dadku lix (6) jaan/nooc yihiin.

1)      Qolo ku nool dunida, jeerkaas oo ayna garanaynin waxay doonayaan, sidoo kale garanayn himilooyin ay xaqiijiyaan. Hammigiisa oo dhami waxa weeye inuu helo cunitaan iyo cabitaan ku filan, isla jeerkaana aan joojinayn cabasho ay ka cabanayaan cidhiidhiga nolosha.

2)      Nooc garanaya waxa uu doonayo, laakiin nasiib darro waxa uuna garanayn sidii iyo habkii uu ku gaadhi lahaa waxa uu rabo, waxa uu sugayaa qof gacanta qabta oo u tilmaama waxa uu doonayo, qolodani kuwii koobaad waa kuwo ka murugo iyo farxad la’aan badan.

3)      Qolo garanaysa hankiisa  iyo siduu ku gaadhi lahaa labadaba, laakiin aan ku kalsoonayn awoodihiisa, talaabo ayuu bilaabayaa si uu shay u xaqiijiyo mana dhammaystirayo, Kitaab ama Buug buu soo iibsanayaa si uu u akhriyo, mana akhrinaayo, sheekadiisu waa sidaa mar walba, haddii uu bilaabo tillaabo uu ku hanan karo guul, isaga oo aan dhamaystirin buu joojiyaa. Noocani waa mid ka murugo badan labadii aynu hore usoo marnay.

4)      Waa mid garanaya waxa uu rabo, garanaya siduu u gaadhi lahaa,ku kalsoon awoodihiisa. Fariidka day! Laakiin muxuu ku jabdhigay, waxa had iyo jeer saameeya aragtiyaha dadka kale, markasta oo uu hawl bilaabo oo uu dhamaystiro ama meel wanaagsan marinayo,  ayaa waxa uu maqlayaa mid ku le “ habkan aad wax u wadaa ma wanaagsana faaiidona ma le, markaa waa inaad dariiq kale uga wareegtaa arinta”, sidaa darteed mar kasta oo uu hawl dhiso waa dumiyaa, khilaafintaanka ay khilaafeen dadka kale aawadeed. Dadka noocaas ah gudahooda/maankooda ayayna ku qanacsanayn. Waana ka murug badan yihiin 3dii aynu soo tibaaxney.

5)       Waa mid garanaya waxa uu rabo, garanaya siduu u gaadhi lahaa,ku kalsoon awoodihiisa, dadka kale ma saameeyaan docda togan moojaane, waxa uu xaqiijiyaa ahdaaftiisa maaddiga ah iyo camaliga labadaba, haye, ka gadaal marka uu xaqiijiyo ahdaaftiisa waxa haleela gaabsi iyo fikirkiisii tognaa oo aanu sii raacdeyn.saaxiibkeenani halkaas buu gaadhiga ku baarkin garaystaa, iyadoo laga yaabo iney guushani u furi lahayd guulo badan oo kala geddisan.

6)      Noocan lixaad ee dambeeyaa waa, mid garanaya hadafkiisa iyo ujeedooyinkiisa isla jeerkaana garanaya sida uu ku hanan karo, sidoo kale ku kalsoon wixii Alle SWT ugu deeqay ee hibooyin iyo awoodu ah, waxa uu dhagaystaa afkaarta iyo aragtiyaha kala geddisan si uu faaiido ugala dhex baxo, sababaha guushiisa oo dhan wuu layimaadaa, intaas ka gadaal waxa uu qaataa go’aan isaga oo talo saaranaya Eebbe SWT, sidaas buu ku xaqiijiyaa yoolkiisii iyo hiigsigiisii nololeed.

DR Ibraahim alfiqhi.

 

Gunnaanadkii akhriste si aad u hanato yoolkaaga, marka koobaaad go’aan qaado ah inaad ka run sheegto yoolkaaga,  marka xigta la kaalay asbaabihii kuu fududaynayay himilooyinkaaga, tusaale ahaan, haddii aad rabto inaad Taariikhda Islaamka raacdeyso, soo qaado kutub iyo dhiganayaal ka waramaya taariikhda Islaamka, si aad uga akhrido, dhagayso barnaamijo ku saabsan, dadka kaaga dheereeya la fadhiiso oo wax kaweydii IWM. Marka saddexaadna  filo wax wanaagsan, una sabir dhibaatooyinka kaala soo gudboonaada xaqiijinta yoolkaaga,Talo saaro Alle SWT, adigoo dabaqaya hadalkiisa ah (  (فاذا عزمت فتوكل علي الله ان الله يحب المتوكلين  [ال عمران:159]

Nabadgelyo.

 

W/Q: Mustafa Beddel Cabdi

FB: Mustafa Beddel.

Email: Beddel112@gmail.com

Burco Media//Office

Hargeisa Somaliland
Zaki Adam Zuxufi