Af-Hayeen Ururka Mucaaridka Ah Ee Wadani ‘Ibraahim Mahdi Buubaa’ Oo Hanbalyo U diray Dhamaan Gobolada Ka Qayb Galaya Tartanka Kubada Cagta Ee Gobalada Dalka Soomaaliland

Filed under: Latest News |

Xildhibaan ‘Ibraahin Mahdi Buubaa’ ayaa hanbalyo  u  diray dhamaan gobolada ka qayb qaadanaya tartanka kubada cagta, kuna hanbal yeeyey sida fiican ee ay ugu soo diyaar garoobeen tartanka, waxana  sitoos ah u bilaabmey tartanka kubada cagta ee gobolada Somaliland.

Xildhibaan ibaraahin ayaa ah shaqsi aad u daneeya dhalin yarada dalka, xildhibaanka ayaa waxa uu kamid yahay gudida joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland, waxana uu ahaa asaasa yaasha ururka mucaaridka ah ee wadani, waana  Af-hayeenka guud ee xisbiga mucaaridka ah ee wadani, xildhibaanka ayaa waxa u kamid yahay  siyaasiyiinta daacad u ah shacabka reer Somaliland.

Balse xukuumada ayaad umuuqata mid ayadu gabtay hawlihii shaqo ee ay u haysa shacabka,  waxana indhahaagu ay qabanayaaan dayactir la’aanta garoomada kubada cagta ee lagu qabtay tartanka gobolada Somaliland ee sanadkan.

Waxaana aad dareemi kartaa kala duwanaan shiiyaha garoomada kubada cagta ee ay leeyiin dadka shacabka ah iyo kuwa dawlada, waxa jira garoomo dad ganac sadayaal ahi ay leeyihiin kuwaasi oo indhahaaga soo jiidanaya si fiicana loo qalabeeyey.

gorromada ay ka socoto kubada cagta ee gobalada ayaa ah qaar aan siifiican loo qalabeyn, waxana jira dhibaatooyin badan oo ay la kulmaan ciyaar tooyada kubada cagta ee goboladu, madaama aaney garoomudu laheyn roog casriga ah, waxana taasi ay keeni  ka in ay ciyaar tooyadu la Kulmaan boodhka iyo dhibaatooyin ka soo gaadha dhulka aan lahayn wax rooga marka ay ciyarayaan kubada.

Wasarada dhalin yarada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa balan qaaday in garoomada si casri ah loo dhisi doono walina talaabo ah oo ay ka qaaday aaney jirin

Dib u dhacyo is xigay oo ku yimaaday sanadihii ina soo dhaafay tartanada kubada cagta ee gobolada somaliand ayaa keentay niyad xumo soo wajahda dhalin yarada Somaliland maadama oo aayen goobo kale oo dhalin yarada lagu mashquuliyo.

Shaqo la’aan baahsan oo ka jirta gobolada iyo magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa dhiiri galinaysa in falal aad u xun ay dhalin yaradu sameyso oo ay kamid tahay ‘Tahriibtu’.

Taasina oo  muujinaneysa in xukuumada meesha ka saartay baahiyihii Aas Aasiga Ahaa ee dhalin yarada waxaana ay arintaasi  saameyn weyn ku yeelatay dhamaanba dhalinyarada reer Somaliland.

Wasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaan wali soo kala xulin ururada (0-A) iyo (0-B) taasina wax ay ku tusay saa diyaar garow la’aanta ay wasaaradu sanad waliba ku bilowdo tartanka kubada cagta

Qalabeynta ciyaar tooyada  gobolada ayaa ah aydu mid meesha ka baxdey sanadiihhii u dan beeyey taasina waxa masuuliyadeeda iska leh wasaarada dhalin yarada iyo ciyaraha Somaliland

by: Sayid Cali Boqore

You must be logged in to post a comment Login