Masuuliyiinta Xukuumada Somaliland Iska Casilay Oo Ilaa hada Maraya 10 Masuul Iyo Kuwa Kale Oo Goor Dhaw La Filayo Inay Ku Dhawaaqaan

Filed under: Latest News |

 

Masuuliyiinta Xukuumada Iska Casilay Oo Ilaa hada Maraya 10 Masuul Iyo Kuwa Kale Oo Goor Dhaw La Filayo Inay Ku Dhawaaqaan

Hargeysa(Waddaninews):-Wararka ilaa hada isa soo taraya ayaa sheegaya inay jiraan masuuliyin kale oo hada ku dhawaaqay inay  iska casileen xilkii ay hayeen.

Wasiirada  iyo wasiir u xigeenkada ilaa haatan ku dhawaaqay inay iska casileen xilkii ay hayeen ayaa waxa kale oo ku jira wasiirka wasaarada hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, kuwaas oo iyaguna warbaahinta ka xaqiijiyey inay iska casileen xilkii ay dawlada ka hayeen.
1.Wasiirkii madaxtooyada xirsi cali xaaji xasan
2.Wasiirki Cadaalada  Xuseen Axmed
3.Wasiirkii Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis
4.Wasiirkii shaqada iyo arimaha bulshada DR Abdi Aw Dahir

5. wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed

6.Afhayeenki Madaxtooyada Dhuxul.
7.Wasiir Ku Xigeenki Wasaarada shaqada Iyo Arimaha Dibada Cabdi Waaxid Cabdiraxman
8. Wasiir ku xigeenka dib u dejinta nimco xuseen qawdhan.

9 . Agaasimaha guud ee wasaarada warshadaha Mawliid Waris Cabdilaahi

 

Kala Soco Wixii Wara Ah Ee Soo Kordha Waddaninews