DACWAD KA DHAN AH SHIRKADA DEERO GROUP OO URURKA QAREENADA SOMALILAND U GUDBIYEEN MAXKAMADA GOBOLKA MAROODI-JEEX

Filed under: Articles-Maqaallo,Latest News |

Hargeysa(BM)-Ururka Qareennada Madaxa banaan ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaciisa Loo soo gaabiyo SOLLA [Somaliland’s Lawyers Association]

)-Ururka Qareennada Madaxa banaan ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaciisa Loo soo gaabiyo SOLLA [Somaliland’s Lawyers Association] ayaa shalay maxakamadda gobolka Hargeysa u gudbiyey dacwad ka dhan ah shirkadda ganacsiga ee Indho-deero Group, taasi oo ku saabsan dhisme ay mas’uuliyiinta shirkaddu ka bineeyeen dhul biyo mareen ah oo ay sheegeen in uu dan guud ahaa kaasi oo uu hadda ka socdo dhisme shub ahi. Dacwaddan lagu oogay shirkadda ganacsiga ee Indho-deero oo ay ku saxeexnaayeen laba qareen oo ka tirsan Ururka SOLLA ayaa ay maxakamadda gobolka Hargeysa kaga codsadeen in loo xayiro dhulkaas ummadda ka dhexeeya oo ay sheegeen in uu yahay bogcad degsiimada ka caagan. Dacwadaas ay labada qareen ee dacwoodayaasha ah oo magacyadoodu ay kala yihiin Garyaqaan Xamse Maxamuud Xasan iyo Garyaqaan Xuseen Shabeel Cabdillaahi u gudbiyeen maxakamadda shalay oo Nuqul ka mid ah uu Wargeyska HUBAAL helay ayaa u dhignaa sidan:

 

“KU: MAXKAMADA GOBOLKA MAROODI-JEEX =HARGAYSA=

vDacwoodayaal: (1) Garyaqaan Xamse Maxamuud Xasan. (2) Garyaqaan Xuseen Shabeel C/laahi.

Lid ku ah:vDacweysane: Shirkada Indho-Deero Group Company.

UJEEDO: DACWAD KU SAABSAN DHISME SHARCI DARO AH OO LAGU GOOYEY GOOB BIYO-MAREEN AH OO DAN-GUUD AH.

Annagoo ah muwaadiniinta magacyadoodu sare ku xusan yihiin waxaan Maxkamada sharafta leh halkan ugu soo gudbinaynaa dacwad ka dhan ah Dacweysanaha Shirkada Indho-Deero Group Company oo dhisme sharci darro ah ku gooyey ama lagu jaray goob Biyo-mareen ahayd oo dan-guud ah bulshadana ka dhaxaysay. Dacwadayadan oo waafaqsan Qoddobada 119 & 117 XHM, waxa ay goobtu tahay biyo-mareen ku yaalla Degmada 26 Juun, xaafada Ex-India line, ee magaalada Hargaysa, waana sidan hoos ku xusan dacwadayada oo faah-faahsani:

  1. Dacweysanaha Shirkada Indho-deero Group Company waxay dhisme sharci daro ah ku gooyeen ama ku jareen goob Biyo-mareen ahayd oo dan-guud ah bulshadana ka dhaxaysay, goobtan biyo-mareenka ah oo ah lag ku taalla Degmada 26 Juun, xaafada Ex-India line, ee magaalada Hargaysa. Dhismahaasi sharci-darada ah ee ay ku goysay wadadii biyuhu marayeen, ayaa sababtay in biyihii ay maraan dhul kale oo degsiimooyin ah, iyagoo dhibaato baaxad leh u geystay dadkii daganaa dhulkaasi ay biyuhu jiideen, dhibaatadaasi oo isugu jirta mood & nool labadaba.
  2. Sida ku xusan Xeerka Maamulka Dhulka Magaalooyinka JSL ee Xeer Lr: 17/2001, Qodobkiisa 8aad, faqradiisa 2aad, oo u dhigan sidatan: “Meelaha Biyo-mareenka ah, looma isticmaali karo jago ama dhisme kale, iyadoo laga duulayo in ay dhibaato ku keenaan degsiimooyinka kale, maadaama ay marin ka dhiganayaan meelo kale marka laga dego marinadoodii.” Hadaba, dhismahan Shirkada Indho-deero Group company wuxuu si cad u xad gudbay nuxurka ku sheegan qodobka, maadama ay dhismahan si cad ugu jareen ama ugu gooyeen jidkii biyo marayeenka ee dabiiciga ahaa, iyagoo aan wax masuuliyad ah iska saarin ama iska indho-tiraya dhibaatada biyahan ay ka xidheen wadadii ay marayeen ay u geysanayaan bulshada inteeda kale.
  3. Sida ku xusan Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, Qodobkiisa 34aad (Waajibaadka Muwaadiniinta) Faqradiisa 4aad, oo u dhigan sidatan: “Qof kasta waxa waajib ka saaran yahay daryeelka, ilaalinta & badbaadada deegaanka. Sidoo kale, Qodobka 12aad (Hantida Guud, Khayraadka Dabiiciga ah), Faqradeeda 2aad, oo u dhigan sidatan: “Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaafta iyo Hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo muwaadiniinta.” Sidaa darteed anagoo ka muwaadin ahaan & ka sharciyaqaan ahaan ka duulayna waajibaadkaasi uu Dastuurku na faray ayaanu dacwadan ku soo dacweynay shirkadan Indho-deero Group Company, si looga hortago dhibaato ay mar kale u biyahaasi marinkoodii la xanibay u geystaan bulshada nugulka ah ee goobtan ag degan. Isla markaana ay tusaale fiican ugu noqoto cid kasta oo hunguri ka galo goobaha dadweynuhu leeyahay oo aan shaqsi kali ahi yeelan Karin. Sidoo kale haddii ay jirto in sharci la hor keeno masuuliyiinta u ogalaaday in dhulka degsiimada ka caagan ay dhistaan. Asbaabahaasi kor ku xusan dartood, waxaan Maxkamada sharafta leh ka codsanaynaa qodobada hoos ku xusan:

1) In ay aqbasho dacwadayadan Dastuurka & Shuruucda Somaliland waafaqsan.

2) In ay amarto in la joojiyo isla markaana la dumiyo dhismahan sharci darada ah ee dacweysanuhu ku dhisanayo goobta marin-biyoodka ah ee goob dan-guud ah, si looga hortago dhibaato ay mar kale biyahaasi u geystaan bulshada nugulka ah ee goobtan ag degan.

3) Sidoo kale haddii ay jirto in sharci la hor keeno masuuliyiinta u ogalaaday in dhulka degsiimada ka caagan ay dhistaan.

4) In ay dacweysanaha ku xukunto khasaaraha naf & maalba leh ee biyahaasi marinkoodii uu ka xidhay ay u geysteen bulshada ag degan.” Ayaa ay qareennadani ku yidhaahdeen qoraalkooda codsiga ahaa ee ay maxakamadda gobolka Hargeysa u gudbiyeen. Dhinaca kale warar uu helay wargeyska Hubaal ayaa sheegay in ay maxakamadda gobolku isla shalay warqad yeedhmo ah (Semen) u dirtay masuuliyiinta shirkadda Indho deero, kuwas oo loogu baaqay in ay isla maanta kasoo xaadiraan maxakamadda gobolka si ay isaga difaacaan dacwad u taalla maxakamadda oo uga furmi doonta.

Waxayna Maalintii Labaad Si Xaq Darro Ah Ugu Xidhanyihiin Saldhigga Koodbuur , Wanjal Garsoore waxa markaa waaranja jaray garsooraha gudoomiyaha gobalka sharci ahaan  aananyn ahayn in uu isgau gacantiisa sharacigga ku fushaddo  aaaaaaa