“HORTA WAXAA FARXAD LEH INAY CID WALIBA KA HADASHO QABYAALADU INAY XUNTAHAY”AADAN DHOOLAYARE

Filed under: Latest News,News In English |

Aadan Dhoolayare

Horta waxaa farxad leh inay cid waliba ka hadasho qabyaaladu inay xuntahay. Hadana waxa yaab leh sida qofkasta oo ka hadlaya ugu dhaqmo.qabiilku ceeb maaha oo ilaahayba quraankiisa ku sheegay in la isku garto oo aanay walaaluhu isguursan. Hadana ilaahay wuxu yidhi aduunka ku kala foofa oo macnaheedu yahay inuu ilaahay dhulka iyo meel kasta leeyahay oo aad ku noolaan karto laakiin ilaahay marku ina abuuray caqli buu inoo yeelay aynu ku fakirno kuna kala doorano xunaha iyo samaanta.Caqligaasi wuxuu dadka baray inay samaystaan shuruuc wadankooda lagu joogo oo ah inaad si fiican ugu noolato kana shaqaysan karto haddi aanad dhib ku hayn umadaa.Hadana ilaahay sida inugumu dayne wuxuu inaga daba keenay quraan ama diin taas oo soo koobaysa wax kasta oo aduunka jiray intii uu ilaahay abuuray. Waxa jirta heesta ay Khadra Daahir ku luuqayso oo ay tidha “Cilmiga ha laguu dhigee ,caqliga kaashaba la yidhi”….. waxaase rajo fiican leh mar haddi cid waliba ka hadlayso qabyaaladu inay xuntahay,in la gaadhi doono xilli laga kaaftoomo inshalla.Bal tusaalaha eeg,waxa jirta Itoobiya haddi aad masalan shirkad ka shaqayso oo qof u soo shaqo doon ah yimaado oo aad waan aqaan inaan shaqada la qorin,waayo waxa la diidaya in loo arko dad wax isku ah,si aanay meesha eex looga dareemin.naan Somalidu dhamaan waa muslin waliba sunna ah waliba shaafici ah una badan dariiqada qaadiriyada marka laga eego dhinaca suufinimada aduunka ma jirto umad noocaas oo kale ahi. Maxaase aabahood dilay Somalidu iyadoo dadka muslinka ah hadana waxa la yidhi nimco waliba nusqaan leh oo ay tahay Somalidu kitaabka quraan ka ah waxay ku sidata gacanta,qabyaaladana qalbiga ayay ugu jirta taas oo ah marka dhiigu dhaqaaqo ee reerkooda la maago kitaabka sheekh , caamiye,aqoon yahan,suldaan,madax qaran nooc kasta ha ahaade kitaabka dhulkay dhigayaan ilayn awalba gacantay ku siteene. Laakiin qabyaaladu kama dhacay oo qalbigay ku jaxaasan tahay waxaan ku soo koobaya ilaahay Somaliada kitaabka ay gacanta ku sitaan ugu qor qalbiga,qabyaalada ay laabta ku sitaana gacanta u geli ha ka dhacdee. Haddi ay Somalidu kala yeeshaan dhawr dawladood oo kala calan dhibaato malaha oo wada Somali laakin dhibku wuxuu ka jooga xumada qabyaalada oo xanuun badan ku haysa. Maanta meel ay Somali yi ku nooshahay oo ka masaajido badan tahay lama arag oo ay ka salaad yar tahay, mar ay ka culimo badan tahay oo ay ka cadaalad xun tahay lama arag, mar ay ka aqoon yahan badan tahay oo ka qabyaalad badan tahay lama arag, mar ay ka siyaasi badan tahay oo ay ka rajo xun tahay lama arag, mar ay ka tijaar badan tahay oo ay ka fakhrisan tahay lama arag.

Aden Dholayare.

Burco Media

Hargeisa/Office

 

You must be logged in to post a comment Login