Siyaasi Aadan Dholayare Ayaa Kahadalay Dhibaatada Qabyaaladu Leedahay Iyo Heerka Ay Maanta Tagantahy Salkana Dhigatay Sportiga iyo Fanka Horana U Masaxday Siyaasda

Filed under: Community,Featured News,Latest News |

Aadan Dhoolayare

Hargeisa(BM) Wasiirkii Hore Ee Cadalada Iyo Beeraha Somaliland Wakhtigii  Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin

Mudane Aadan Ahmed Cilmi (Dhoolayare) Ayaa Bogiisa Uu Kuleeyahay Shabakada Bulshadu Ay kuwada Xidhiidho Ee Facebook Wuxuu Kufaafiyay Qoraal Dhinacyo badan Tabanaya oo u kaga hadlay Dhibaatada Ay Bulshada ku hayso qabyaaladu kasoo sheegay inay hada dhexgasahay dhaqano aan hore mamnuuc ka ahaa Ama Birimagaydo ka ahaa in lagu dhex arko Qabyaalada Ama Nin jeclaysiga Reeraysan 

Siyaasi Aadan Ahmed Elmi (Dhoolayare) Wuxuu Shegay hada In Lagu dhaqmo qabyaalad marka la ciyaarayo kubada ama kooxaha oo Reero Reero loo kala baxay Fankiina Ay saamaysay Dhib wayna kuhayso 

Siyaasiga Oo Qoraalkiisanu Ahaa Mid Dheer  Oo Dhinacyo Badan Taabanaya Ayaan Halkan Idinkusoo Gudbinaynaa 

Asalamu calaykum wa raxmatulahi wa barakatu. Caawa waxaan jeclaystay inaan bogan ku qoro laba arimood oo aan beryahan aad ula yaabana,iyadoo aynu ognahay heerka qabyaaladu marayso oo runti dadki aad xushay,siina xoogaysanaysa inkasto marka la yaabo ay guushu ugu dhawdahay. Waxa jirtay inay sadex shay ka caaganaan jireen qabyaalada oo kala ah. 1.Siyaasada 2.Sportiga ama ciyaaraha nooc kasta. 3.Fanka iyo dhaqanka. Hadaba,haddi aan ka hadlo kow iyada siyaasado beri hore ayay cabtay qabyaalada oo soomay dhawaan marki ay meesha ka baxday yaa ina wadi kara ee ay noqotay keebaynu isku qolo nahay mana dhawa dawadeedu oo waxay maraysa marka masuul qaranka u shaqeeya la dhaliilo in loogu hiilinayo qabyaalad hada xil qaran buu haya oo ay umaddu leedahay oo wuu u dhexeeya,berigi hore marka boqor ama suldaan la bokhrado waxa la odhan jiray suldaanku waa inoo dhex xigto ayaynu u wada nahay xigaal gaara ma laha.Waxaaba dhici jirtay in magtiisa la bixiyo oo aanay cid gaar ahi sheegan. Waxaa dhici jirtay in haddi nin aflagaadeeyo loo hiilin karin.waxaan jirta maahmaah la yidha Isaaq laba ka xeeran oo ah inuu hiilku ceeb ahaa.waxa kale oo reer miyigu xeer u laha in haddi nin u hiiliyo inaadeerki lagu ganaaxi jiray shan halaad oo xaal ah ama cid waliba xeer xukun ah ka lahayd. Waxaana la odhan jiray haddi uu nin caayo ama eedeeyo suldaanka oo u dhigna madaxweyne ama wasiir in lagu yidha ka laga dareemo inuu dhiigu dhaqaaqay oo miyaad ka xigta soo suldaankiisi ma aha. CIidina kuma dhici jirin in loo hiiliyo ninka madaxda ahaa waayo xil la wada leeyahay buu haya. Maantana qaar aan waxba uga shan iyo toban ahayn oo ay hayb guud wadaagaan baa ka so horeeya walaalki ama xigtadiisa soke haddi la dhaliilo,la caayo ninka masuulka ah,waayo waxa dadki iskaga khaldan horta qofkan la maagayo maxaa loo maagaya ee cid aanay waxba wadaagini u maagaysa may garan xilkan u hayo inuu wax ku leeyahay cida aflagaadaysay waayo haddi aanu madax noqon mabuu barteen.inkasto dadka qaarkood ay masuulka hayb ahaan u caayaan hadana isaga iyo ilaahiisa calooshiisa ilaahay baa og adigu inaad arkayso uun xukun yaanay qabyaalad ku qaadin inta badan waxa jirta masuulka aad u hiilinayso inaanu kuba aqoon oo uu kaaga aqoon badan yahay ka aflagaadeeyay kursiga ayaan cayda leh. Waxaana dhacda inuu masuulku adeegsado mid ay hayb wadaagaan oo aanu masuulka laftiisu garan xilka uu hayo inay umaddu leedahay isagoo ku beer laxawsanaya reerkeena loo jeeda oo waa xilkeeni sida ay reerkoodu leeyahay kursiga uu ku fadhiyo wxaynu ognahay isaga oo keliya ayaa dan ku qaba hadii uu wax qabtana dadka oo dhan bay u dhaxaysa.Waxaanan leeyahay dadku danta guud bay wada leeyihiin ee danta gaara masuulka oo qudha ayaa leh lama lihid,marka ogsonow haddi aad u hiilin weydo masuulka waxbu qaban doona oo dhaliisha wuu ka faaiidaysan haddi kale dantii guud wey ku daysay.weliga masuul qaran ha ugu hiilin qabyaalad,wax ha u qabto qarankee kolkaasaad helaysa wax la wada leeyahay oo wax kaa soo gaadhayaan laakiin markaad difaacdo waad qadaysa waxba ma helaysid. 2.Sportigi wuxu noqday qolo qolo ayaa loo ciyaara kooxihi waxay noqdeen reero ka soo kala jeeda kooxo isku reero ah way xumaatay waxa jirta ciyaaruhu waxay dhisaan caqliga iyo jidhka caafimaad qaba maantase waxay maraysa yaan reerkeena kubada laga badin iyo ina hebel baa goolka dhashay oo lagu faanayo kii yaraaye goolka dhaliyay ilmaadeer baanu nahay xata waxay maraysa in garsoorayaashi u kala eexdaan ciyaaraha waa tii la qaban kari waayay dhamaystirki ciyaarihi gobolada markay qabyaalad gashay.Dhalinyaradu haddi ay horumar doonayaan ciyaaraha qabyaalada ha ka daayaan oo si nadiifa ha loo ciyaaro xata dhibta u badani waxa dhacda lagu kala aar goosto marka kubada la ciyaarayo oo si xun la isu haraatiyo.Habeen ayaan wiil ka yimid Qatar geeyay garoon lagu ciyaaro markii uu soo ciyaaray wuxuu ii sheegay in inamadii uu la ciyaaray gatanayn ciyaarta oo aanay si xirfadaysan u ciyaarin oo wey isku xanaaqayeen si xun bay isugu dhacayaan oo aan loo ciyaarin si tikniko iyo xarfad leh oo midba ka kale ayuu iska eegaya kubadaba lama eegeyo.inanki yaraa wuu yaabay.Dhalinyaradu ha bartaan inay ciyaaruhu yihiin waxa qabyaalada lagaga koro dhaqan xumida ciyaarahana ha la bedelo. 3.Ugu dambayn ta ugu yaabka badani waxay tahay fanka oo noqday isaguna qabyaalad oo aad arkayso in kooxo qabyaalad wax ku matala ay jiraan oo ay reero soo noqonayso fanki iyo sugaanti berigi hore waxa dadka isbari jiray oo qabyaalada ka saari jiray umadda ciyaaraha iyo fanka oo siyaasada aabo ahaa.waxaan ku soo gabagabaynaya dib ha la isu saxo gaar ahaan dhalinyaradu hana ogaadaan inuu lumayo wakhtigoodu ha u faaiidaynina nin wakhtigiiisi soo qaatay qaarna ku dul amaahday hana la bilaabo in laga joojiyo qabyaalada ciyaaraha iyo fanka waxay maraysa in xataa xayasiisku dukaamadu noqdeen inaadeerkay baa ii xayaysiinaya oo fanki la kala gurayo.talo saxaafada ku socota bal idinka hadhaye is ilaaliya inkasto ay jirto inay siyaasiyiinta qaarkood ku shaqeeyaan inu mid yar oo uu adeer u yahay afhayeen ka dhigtaan bal iska ilaaliya yaan laydin kala xadin. Waa mahadsantihiin

Aden Dhoolayare

Burco Media

Hargeisa/Office

Zakicadde7@gmail.com