CUQAASHA IYO WAXGARADKA BEELAHA SUBEER CALI (REER CABDI MAXAMUUD) OO SHEGAY INAY KALSOONIDII KALA NOQDAY SULDAANKA BEESHA

Filed under: Latest News |

Hargeisa(BM) Waxa XAFIISKA Wararka Ee Burco Media Magaalada Hargeisa Ay Saaka Soo Gaadhsiiyeen Cuqaasha Iyo Waxgaradka Beesha Subeer Celi Gaar Ahaa Reer Cabdi mohamuud War Saxaafadeed

Suldaan Xuseen Xaji Cabdilaahi Gaaroodinews

Kasoo Udhignaa Sidan

Beel ka mid ah beelaha subeer celi oo kalsoonidii kala noqotay suldaan Xuseen X.Cabdi CabdilaahiAnnagoo ah cuqaasha, waxgaradka iyo dhalinyarada beesha Reer Cabdi Maxamuud (jeedal-gaab) waxaanu halkan ku cadynaynaa inaanu Si buuxda kalsoonidii ugala noqonay Suldaan Xuseen X.Cabdi kadib markii uu ku tagri falay awoodi sulaadnimo ee aanu u caleemo saarnay islamarkaana uu ku xadgudbay xeerarka sharci ee dalka u yaala isagoo sameeyey sidan soo socota: 1) Wuxuu si sharciga baalmarsan ugu tagri fashay awoodi aanu u dooranay isagoo xidhay cuqaasha iyo odoyaal kale oo beesha ah si sharciga baalmarsan islamarkaana jabiyey amarka ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha kuna xusan waraaqda tirsigeedu yahay WAG/804/2014 ee sheegaysa in la dhowro karaamada cuqaasha; islamarkaana loo soo maro wasaarada arimaha gudaha haddii uu fal danbiyeed galo; 2) Isagoo dacwad been abuur ah u gudbiyey xafiiska gudoomiyaha gobolka ismarakaana u isticmaalay waraaqdii ka soo baxday xafiiska gudoomiyaha gobolka maroodi jeex ujeedooyin ka baxsan tii loo soo qoray taasi ina tusaysa inaanu ahayn nin lagu aamini karo xil suldaanimo; Waxaanu halkan ku cadeynaynaa mar labaad inaanu kalsoonidii suldaanimo aanu kala noqonay suldaan xuseen X. Cabdi manta laga bilaabana aanu suldaan u ahayn beesha reer Cabdi Maxamuud (Jeedal Gaab). Waxaa ay cuqaasha beesha oo uu hormood ka mid yahay chief Caaqil Maxamed Ibraahim Xuseen ay ugu baaqaysaa dhamaan cuqasha beelaha subeer celi inay shir iskugu yimaadaan 20/5/2016 si looga tashado howsha suldaanka waajibaadkiisa dayacay islamarkaana ku tagri falay awooda aynu u dooranay. Waxaa ay beesha mar labaad ugu baaqaysaa ugaas guud ee beelaha Arab Ugaas Axmed Maxamed Siciid inuu ka soo qayb-galo wada tashiga laga yeelanayo arinta suldaanka. Beesha reer Cabdi Maxamuud (jeedal Gaab) iyada ayaa gogasha fidisay.

Magacyada:

1) Chief Caaqil Maxamed Ibraahim Xuseen;

2) Mawliid Jaamac Yuusuf (Mayor kuxigeen-ka Degmada Baligubadle);

3) Oday Muxumed Aadan Ismaaciil;

4) Oday Cabdi Axmed Nuur;

5) Oday Maxamuud Maxamed Axmed;

6) Oday Jaamac Maxamed Shide;

7) Oday Axmed Xuseen Ibraahim;

8) Oday Maxamuud Cali Cilmi;

9) Oday Shiine Aadan Yuusuf;

10) Oday Xasan Cawl Cali;

Dhamaan dhalinyarada beesha oo aan magacyadooda halkan lagu soo koobi Karin waxay si buuxda u taageersanyihiin go’aanka chief caaqilka iyo odoyaashu ay ka qaateen suldaanka.

 

You must be logged in to post a comment Login