CARWO CASRI AH OO LAGA FURAY MAGALADA BURCO + SAWIRO

Burco (Burco Media) Mayer Ku Xigeenka degmada Burco Mudane Muxumed xasan Jaamac Xoday ayaa Maanta Xadhiga si rasmi ah uga Jaray Xarun Casri ah oo aan wali Nooceeda oo kale Laga Yagleelin Gudaha magalada Burco ayaa isla markaana lagu Iibin doono agabka Kala duwan ee Caruurta.

Xaruntani oo Lagu Magacaabo BURCO BABY CENTER Waxaa si wada Jir ah Ugu soo kordhiyey Labo Ganacsade oo la kala Yidhaahdo Axmed Muuse Herer iyo Mubaarig axmed Maxamed, oo hore ugu soo kordhiyay Suuqa ganacsiga Mehado kale oo aan hore loogu arkin gobolka togdheeer, sida Carwada Casriga ah ee Turkey Style oo kale.

Xaruntani ayaa ugu horayntii waxaa ka warbixiyey Labadani ganacsade kuwaasi oo Bulshada usoo bandhigay Adeegyada ay hayaan isla markaana kusoo kordhiyeen suuqa Xorta ah ee Gobolka togdheer.Ugu Horayn Axmed Muuse Herer”Maanta aad iyo aad ayaan ugu farax sanahay Anagoo joogna Gobolkii togdheer, oo aanu idiinka Furnay Carwadii caruurta ee Burco Baby Center oo noqonaysa carwadii saddexaad oo aanu idinku soo kordhinay Magalada Burco oo waliba ay ka dhinayd ay tahay xaruntani loogu talo galay caaruurta Waxanay ka helayaan waxay cunayeen, waxay xidhanayeen, iyo waxay ku seexanayeen oo aanu u keenay oo waliba alaabtoodu ay leedahay Kuwaalati aad u sareeya, Waxanan uga keenay wadamada ay ka midka yihiin Tailand, Hindia, China, Turkey, Bangaladhis, iyo dubai.
Markaa Bulshada gobolka togdheer waxaan ku bogaadinaynaa inay yimadaan xaruntani Burco Baby center, Waxaanan Bishan Barakaysan u samayn doonaa Qiimo dhimis oo ah 30%, Waliba dadka caruurta badan watana aan si gaar ah u eegi doono oo qaar kood Free uga dhigi doono, inshaa allaah.”
Intaasi kadib isna waxaa hadalka qaatay Mubaarig axmed Maxamed oo ah Isna Mulkiilaha labaad ee Xaruntani waxanu Yidhi”Xaruntani oo la dheho Burco Baby center oo sida aad Boardkeeda ku aragtaan ah xarun loogu talo galay ama carwo loogu talo galay Caruurta una khaas ah, Markii aanu suuqa ku samaynay Baadhis waxaa noosoo baxay in ay helaan caruurta magalada burco xarun u khaas ah oo laga helayo dhamaan adeegyada ay u baahanyihiin, ”

Gabo Gabadii waxaa Iyaguna halkaasi ka hadlay Gudomiye ku xigeenka degmada Burco Muxumed xasan Jaamac xoday iyo Xildhibaan Cabdikariin Maxamuud cabdillaahi, Kuwaasi oo aad usoo dhaweeyey carwadani kuwaasi oo isla meel dhigay inay magalada burco u baahnayd carwooyin noocan oo kale ah, carwadanina ay noqonayso tii ugu horaysay ee caruurta loogu talo galay, Waxanay halkaasi kasoo jeediyeen Hadalo dhiiri galin ah oo ay u soo jeediyeen ganacsadani ku midowday sidii ay u horumarin lahayd gobolka togdheer.

Ugu dambeyntii waxaa iyaguna aad usoo dhaweyey qaar kamid ah bulshada gobolka togdheer kuwaasi oo ganacsadan ku booriyey adeegyadani oo hore uga dhina magalada Burco.

Yaasiin dhagacade

Burco Media/ Officw