CIIDANKA SIDA GAARKA AH U TABABARAN EE SOMALIA AYAA SO AFJARAY WERAR SACAADO QAATAY OO AY KULA JIREEN ALSHABAAB

Filed under: Community,Featured News,Latest News |

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ayaa goordhaweyd oo saaka ah soo afjaray howlgal ay tan iyo xalay ka wadeen maqaayadaha Pizza House iyo Posh Treats ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay malleeshiyo ka tirsan Al-Shabab xoog ku galeen.

Wiil laga soo badbaadiyey maqaayada la weeraraySawirkani Waa Wiil laga soo badbaadiyey maqaayada la weeraray

Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Soomaaliya oo ku sugan goobta ay shaqaaqadu ka dhacday ayaa u xaqiijiyey VOA, in la dilay dhamaan maleeshiyada weerarka ku qaaday labada maqaaxi oo ku yaala degmada Hodan.

Saraakiisha ayaa sheegay in maleeshiyada weerarka soo qaaday ay ahaayeen shan nin, kuwaasoo dhamaantood la toogtay, kadib saacado badan oo rasaas is weydaarsanayeen ciidamada Gaashaan ee Soomaaliya.

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay 26 kalena way ku dhaawacmeen weerarka ay Al Shabaab ku qaaday labada maqaaxi.

Weerarkan ayaa ku bilowday baabuur uu watay qof isa soo miidaamiyey, waxaana xigay dablay hubaysan oo gudaha u gashay Pizza House.

Mas’uuliyiinta degmada Hodan ayaa VOA u sheegay in ugu yaraan 16 qof ay dhinteen. Ambalaasyada Aamin Ambalaas ayaa iyaguna sheegay inay daad gureeyeen 26 qof.

Cabdulqaadir Cabdullaahi Cabdi oo dareewal ka ah mid ka mid ah ambalaasyada Aamin Ambulance ayaa Haaruun Macruuf uga warramay xaaladda goobta xilli ay rasaas badan ka dhacaysay goobta la isku hor fadhiyey?