Daawo Sawirada Prof Cali Khaliif Galaydh Oo Xalay Socdaal Tamashlayn ah kuso waregay hargaysa+faysal cali warabana la qatay caways !

Hargeysa(Burco Media)-Horjoogaha Kooxda Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh oo maalmihii u danbeeyeyba ku sugnaa magaalada Hargeysa ayaa xalay hal mar uun la arkay isaga oo socdaal lug ah oo tamashlayn ah ku dhex maraya suuqwaynaha Caasimada Hargeysa.

Waxaana socdaalkan lugta ah ee xalay uu Horjooge Cali Khaliif Galaydh suuqwaynaha caasimada Hargeysa kusoo maray ku wahelinayey gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo wasiiru dawlaha wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo labadooduba kamid ah guddiga dhanka dawlada Somaliland u matalaya wada hadalada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

Bulshadii caasimada Hargeysa ee ka dhex adeeganayey suuqwaynah ayaa markii ay arkeen Cali Khaliif kusoo ururay iyaga sawiro la galay isla markaana dhalinyarada qaar ay horjooge Cali Khaliif Galaydh xalay kula kaftameen inuu Hargeysa soo dago isla markaana kamid noqdo Siyaasiyiinta Somaliland kana shaqeeyo horumarka iyo wax wada lahaanshaha Somaliland,waxaana horjooge Cali Khaliif Galaydh iyo dhalinyaradii caasimada Hargeysa ay xalay is dhaafsadeen hadalo kaftan iyo duur xul iskugu jira.

Cali Khaliif Galaydh ayaa kormeeray dhawr meelood oo waxyaalo kala duwan lagu iibiyo isla markaana ku dhex yaala  caasimada Somaliland ee Hargeysa,waxaana dadkii goobahasi ku sugnaa ay soo dhawayn ku qaabileen Cali Khaliif Galaydh,Faysal Cali Waraabe iyo wasiiru dawlaha Waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Socdaalkan lugta ah ee uu xalay Cali Khaliif Galaydh ku maray suuqwaynaha Caasimada Hargeysa ayaa waxa uu muujinayaa heerka ay marayso nabadgaliyada iyo xasiloonida Jamhuuriyada Somaliland.

1 2 3 4