Daawo Sawiro Waftigii Cali Khalif Galaydh Oo Xubno Ka Tirsan Xukumada Somaliland Hargaysa Ugu Sameeyeen Afar Sharafeed

Filed under: Community,Featured News,Latest News |

Hargaysa(Burco Media)-Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud gadiidka iyo guryaynta Somaliland mudane Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan ayaa maanta magaalada hargaysa waxa uu afur ugu sameeyay masuuliyiinta maamulka khaatumo ee wadda
hadalka kula jira Somaliland.

Afurkan uu magaalada hargaysa ugu sameeyay waxa ka soo qayb galay wasiirka hawlaha guud,wasiirka arimaha dibda Dr Sacad Cali Shire Ahna Guddoomiyaha Gudida Wada hadalka iyo madaxwaynaha maamulka khaatumo cali khaliif galaydh.

Kulankan oo ay masuuliyiinta khaatumo goob joog ka ahaayeen ayaa dhamaan meel laysla wada dhigay sidii loo Xoojin lahaa nabada iyo in meel looga soo wada jeesto Qadiyada iyo madax banaanida Somaliland.

Wasiir sacad cali shire ayaa uga mahad naqay wasiirka hawlaha guud Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan afurkan uu gudida
u sameeyay waxaana uu sheegay in afurkani ka turjumayo sida loowada taageersan yahay go’aamada ka soo baxay wada
hadalkii khaatumo oo ku sheegay inuu yahay mid guul ah.
“Waxaan aad ugu mahad naqaynaa wasiirka wasaaradda hawlaha guud sida ay ku dheehan tahay sharafta iyo milgahu ee uu in
oogu sameeyay afurka,waxaanu leenahay waad mahadsantahay.

Geesta kale afurkan uu wasiirka hawlaha guud u masuuliyiinta maamulka khaatumo ayaa ah mid uu ku maamuusay qaabka labada dhinacba ay u soo dhaweyeen qodobada ka soo baxay shirkii shalay lagu qabtay magaalada hargaysa.

 faysal cali waraabe ayaa isna dhankiisa afurkan uu wasiir cali
mareexaan ku maamuusay ku sheegay”waxaan leeyahay arintan afurka ah ee maanta cali inoo sameeyay waa mid maamuus ah oo shirkeenii wakhtiga badan soo socda lagu tageerayo,nabada ka soo ifbaxdayna gobolada bariga Somaliland.

Gabad­gabadii wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan ayaa sheegay in afurkani uga gonlahaa inuu ku maamuuso masuuliyiinta khaatumo oo wada hadalkoodu marayo
meel gaba­gabo ah,waxaana uu ku dheeraaday sida ay muhiim u tahay in nabada Somaliland meel looga soo wadda jeesto.