DABINKII CARABTA AYAY SOMALILAND KU DHACDAY ! WAXA QORAY YAASIN DHAGACADE

Filed under: Articles-Maqaallo,Uncategorized |

Salama Calaykum Waraxmatullahi wa barakatu

Aynu  Ka hadalno Mawducena ah  Dabinkii carabta ayay somaliland Ku dhacday !
Dalalka sucudiga iyo imaratku waa laba dal oo walaalo ah waa laba dal oo isku luqad ah isku diina Manta khilaaf ayaa so dhex galay lakin beri way heshinayaan !

Xukumada somaliland waa Dawlad yar oo curdin ah isla markaana rabta in ay wadamada Calamka ka hesho Aqoonsi Sido kale wadamada carabta waxay ku jiraan wadamada yagu aqonsiga somaliland qayb ka ah  lakin xukumadu danteedi may garan sababto ah wadamada khalijka oo  isku dhacay ayay dhex gashay Golaha wasiiraduna waxay shir ka yesheen wadamada khaliijka Bal maxa ka galay.

Xukumadu waxay xidhiidhki u jartay dalka qatar Lakin Kamay fekerin Waxa u danbayn doona jaaliyadihi Reer somaliland ee sida quruxda badan uga qayb qadan jiray Xusaska gaarka ah ee somaliland.

Su,aasha meesha taal Waxa weyaan  Dalka Qatar Jaaliyada reer somaliland Ma ula dhaqmayaa sidi Hore ee ula dhaqmi jiray xagi so dhawaynta

Yaasiin dhagacade
Suxufi Madax Banan

@Email-Yasta143@gmail.com