SAWIRO Guddida Doorashooyinka Oo Maanta Kulan La Yeeshay Saddex Xisbi Qaran Iyo Arrimaha Ay Ka Wada­hadleen.

Filed under: Community,Featured News,Latest News |

Hargaysa(Burco-Media)­Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa waxa uu maanta la kulmay hoggaamiyayaasha xisbiyada qaranka ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE waxaana ay ka wada hadleen arrimaha kaadh qaybinta ka socota dalka, casharadii laga bartay wajigii kowaad ee kaadh qaybinta ( Awdal, Saaxil iyo goobaha xeebaha sanaag), diyaar garowga labada gobol ee hadda bilaabmaaya ee ( Togdheer & Maroodijeex) iyo diyaar garowga guud ee doorashada madaxtooyadda Somaliland.

Image may contain: 9 people, people standing

Image may contain: 3 people, people sitting, people standing, office and indoor

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and people sitting

Image may contain: 5 people, people standingImage may contain: 6 people, people standing and indoor

Image may contain: 3 people

Image may contain: 4 people, people standingImage may contain: 5 people, people sittingImage may contain: 4 people, people sitting, people standing, office and indoor

Kominshanka doorashooyinka wuxu xisbiyada qaranka uga warbixiyey qandaraasyadii keenista qalabka doorashada oo dhawaan la baahiyey, Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo wakhtiyada loo bahan yahay in shaqooyinka la xidhiidha doorashada la soo dhamaystiro iyo waliba ku dhawaaqistii wakhtiga doorashada iyo dhaqaalaha doorashada madaxtooyada.
Dhinca kale Kominshanka doorashooyinku iyo Saddexda Xisbi Qaran waxay isla
qateen habka ay magacyada iyo astaamaha xisbiyadu ugu kala horaynayaan
warqada codbixinta iyo qoraalada kale ee doorashada Madaxyooyada 2017 taas oo
u dhacday hab daah furan oo qorituur ah.