Khasab maaha inay Somaliland ay Carabtan is haysa la kala safato, oo ay markaas kuFshilanto  ictiraaf raadinteeda” Siyaasi Cali Kubad

Filed under: Articles-Maqaallo,Featured News,Uncategorized |

Siyaasi cali kubad oo ah nin muttacalin ah isla markaana u dhuun daloola siyaasadaha bariga dhexe iyo reer galbeedka ayaa
ka digey halis cusub oo markaasi saameyn weyn ku yeelan karta ictiraaf raadintii soomaaliland ay martida sanadaha badan
uga ahayd beesha caalamka ilaa iyo haddana aan helin marka laga reebo goleyaal deegaan oo ingiriiska ah, haddaba cali kubad oo qoraal koobaan arrintan kaga hadlay ayaa yidhi sidan:­
‘’Dhexdhaxaadnimadu waa qayb ka mid ah cadaalada iyo xaqsoornimada, oo isla markaas ka fog caadifiyada iyo sal
fudaydka siyaasadeed. Laba qof oo aan is dabeecad aqoonin oo aan saaxiib noqon karin, waad la saaxiibi kartaa labadaba,
haddii aad tahay qof dadnimo iyo isku wadid leh. Laakiin waayeelnimadu maaha inaad tidhaahdo hebel baan doortay, hebel
waan tuuray. Markaynu ictiraaf helno mowqifkeena siyaasadeed waynu cadaysan karnaa, haseyeeshee innagoo aan ilkoba
lahayn maaha inaynu isku dayno inaynu wax qaniino. Hubsiimo hal baa la siistaa’’
Dhinaca kalena Karin News ayaa xog dhameystiran waxay ka heshay gudaha waddanka imaaraadka carabta oo lagu sheegay
in laba wasiir oo soomaaliland ka socda iyo ra’iisal wasaarihii hore ee dawladda federaalka soomaaliya mudane sharmaarke
iyo sidoo kale laba wasiir oo maamul goboleedka Puntland ka tirsani ay ku kulmeen dubai halkaas oo imaaraadku lacago ugu
balan qaaday inay mudahaaradyo ka oogaan gudaha deegaanada ay ka soo jeedaan halka siyaasi sharmaarkena uu ahaa
dilaalka u dhaxeeya dhinacyada soomaaliland iyo Puntland.
Ugu dambeyntiina maalintii shalay ahayd ayaa wargeyska Geeska afrika waxaa uu boggiisa hore ku daabacay in madaxweyne
silaanyo u ambabixi doono dalka imaaraadka carabta isla markaana aan wax war ah laga helin aqalka madaxtooyada sababta
uu xiligan madaxweyne silaanyo ugu socdaalayo waddanka imaaraadka carabta.