Khilaafka Dunidda Carabtu Waa Qisadii Saddexdii Dibbi /Wariye : Saciid Faarax Cagjar

Filed under: Articles-Maqaallo,Community,News In English |

Xaaladda Waddamada Musliminta ayaa maanta u muuqata mid tafaraaruqeeda
iyo kala qaybsanaanteedu sii baahayso, waana siyaasad weyn oo ay wakhti hore
dejiyeen dalalka reer galbeedka iyo Israa’iil.

Si Meesha looga saaro gebi ahaanba Muslimiin middaysan oo awood leh waxayna
reer Galbeedku dhigeen shax qoto dheer19030201_10209317576273407_6236949477270708621_n oo ay ku abuuraan khilaaf lagaga huriyo
dunida Islaamka ah iyada oo la maan­guurinayo awoodooda midnimo waxaanay
ka dhigeen lafo geri iyaga ayaa laysku jebiyaa.
Maraykanka iyo Xulafadiisa ayaa burburiyey Dalal badan oo Islaam ah Sida
Afganistan, Ciraaq, Liibiya , Siiriya , Yemen iyo Soomaaliya, waxaana ay burburintooda u adeegsadeen qaar ka mid ah dalalka Muslimka waayo qof lagama
awood bato ilaa la helo qof u dhow waa halkii ay murtida Soomaaliyeed ka ahayd
“Guddin yahay ima aad goyseen haddaan badhkay kugu jirin”
Khilaafka ka bilaabmay dunida Khaliijka iyo dalka Qadar ayay hurinayaan
waddamo shisheeye markaa miyaaney u muuqanayn sheekada aynu halkan hoose
ku lafa guri doono, taasoo ka dhigan Saddexda Dibi iyo Libaax .
Waxaa meel ku wada noolaan jirey saddex dibi. Dibiga koowaadi wuu madoobaa,
ka labaadina wuu caddaa, midka saddexaadna wuu casaa. Saddexdan dibi nolol
fiican ayey ku haysteen meesha ay deganaayeen oo barwaaqo ayey ahayd. Sida ay
u joogeen ayaa waxaa maalin maalmaha ka mid ah la soo derisay libaax.
Waxa uu Libaaxii bilaabay inuu wax ugaadhsado, laakiin waxba wuu heli waayey.
Muddo ka dib se waxa uu arkay saddexdii dibi. Wuxuu ku tashadey inuu
dibiyadan cuno. Laakiin nasiib darro, libaaxii markii uu ku soo dhawaaday dibidii
ayey dibidu arkeen libaaxa. Markii ay soo jeesteenna waxa ay hal mar weerar ku
soo qaadeen libaaxii, oo ay eryadeen.
Libaaxii firxadka ahaa waxa uu ka yaabay sida ay dibidu isugu duubanyihiin.
Wuxuuna ku fikiray inuu isku diro dibida, oo uu mid mid u ugaadhsado iyagoo
kala jabsan. Wuxuu u dhawaaqay dibidii; wuxuuna ku yidhi, “Walaalayaalow, aan
nabad kuwada noolaanno.”
Saddexdii dibi aad ayey u farxeen. Waxay ku farxeen inuu maanta libaaxu nabad
raadis yahay. Waxayna ogaayeen inay nabaddu ay iyaga u fiican tahay, oo ay ku
badbaadi karaan. Waxaanay ku jawaabeen, “Waayahay libaaxow.”
Markii ay libaaxii iyo dibidii is dhex galeen ayaa waxa uu libaaxii bilaabay inuu
dibida isku diro. Goor fiid ah ayuu libaaxii la sheekaystay dibigii madoobaa iyo kii
casaa. Waxa uuna ku yidhi:
“Ma ogtihiin in dibiga caddi uu khatar inoo keeni karo: Habeenkii marka ay
gudcurka tahay ayaa midabkiisa caddaanka ah la soo raaci karaa. Waxaana la
ogaan karaa inaynu meeshan barwaaqada ah deggan nahay. Waana layna soo
weerari karaa, oo meesha laynaga saari karaa. Marka, saw ma habboona inaan
dibiga cad iska qabanno, oon araggiisa qarinno?”

Labadii dibi waxay isku mar yidhaahdeen, “Alla haa. Waa runtaa libaaxow.” Waxa
ayna isla habeenkiiba dileen dibigii caddaa. Raqdii dibiga cadna waxaa goor saqdhexe
ahayd u tegay libaaxii, oo cunay. Labadii dibi ee hadhayna kama aysan warhaynin
in uu libaaxu cunay dibiga dhintay.
Isla habeenkii xigay, waxa uu libaaxii la sheekaystay dibigii madoobaa. Waxa uuna
ku yidhi, “Ma ogtahay in dibiga casi uu khatar inoo keeni karo: Marka ay qorraxdu
kululaato waxa uu dibiga casi uraa dhiig­dhiig. Waana laynagu soo raaci karaa
haddaynaan caawa iska qaban.”
Dibigii madoobaa waxa uu ku yidhi libaaxii, “Waa runtaa libaaxow. Laakiin,
keligay ma dili karo dibiga case, adiga kaalay oo i raac oo ila dil.” Libaaxii iyo
dibigii madoobaa waxa ay soo dileen dibigii casaa. Saq­dhexe markii ay ahaydna
waxaa raqdii dibiga cas cunay libaaxii. Dibigii madoobaana kama war­haynin.
Isla maalintii xigtay, waxa uu libaaxii ciddiyaha u soo soofeystay dibigii
madooobaa. Markii uu dibigii madoobaa arkey in libaaxa uu ka xoog badan yahay
oo dilayo ayaa waxa uu yidhi, “Saaxiibkii dile, silic baa u dambeeya! , Maanta man
dhiman ee maalintii dibbiga cad la dilay ayaa dhinat “
Waxaa xaqiiq ah in Waddamada Islaamka la loodin Karin inta ay midaysan yihiin
sidaa darteed waxaa la doonayo in laysku jebiyo marka ay itaal beelana si yar loo u
gaadhsado
Ugu danbayn Xukumadda Somaliland waxaa ugu baaqayaa inay dhex ka ahaato
Khilaafka Waddamada Islaamka oo ay ka shaqayso midaynta dadkeeda iyo
Dunida Muslimka ah “