MADAXWEYNE FARMAAJO OO XAFIISKIISA KU QAABILAY HAWEENAY XIL LOOGA MAGACAABAY QARAMADA MIDOOBAY

Filed under: Featured News,Latest News |

Muqdisho(Burco Media):­Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay marwo Faadumo Dayib oo xil looga magacaabay qaramada midoobay.

Marwo Faadumo Dayib oo ka mid ahayd murashaxiintii shaaciyey inay u tartamayaan madaxtinimada somaliya balse markii dambe ka hadhay ayaa loo magacaabay inay madax ka noqoto xafiiska awood siinta haweenka, iyada ka hawl gali doonta barnaamijyada haweenka ee ay qaramada midoobay ka wado dalka soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn u soo dhaweeyey marwo Faadumo Dayib oo xilka uu hayo ku tartamaysay, waxaanu u jeediyey dardaarano la xidhiidha hawlaha loo igmaday.

Marwo Faadumo Dayib ayaa ka mahad celisay qaabilaada uu u sameeyey madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya, waxaanay sheegtay inay sii wado doonto dedaalka hawlaha ay ku foogan tahay.