MADAXWEYNE SIILAANYO OO SOO SAARAY DIGREETO UU KU TA’KIIDIYEY WAREEGTO HORE UGA SOO BAXDAY WASAARADDA HAWLAHA GUUD

Filed under: Articles-Maqaallo,Community,Featured News,Latest News |

Hargeysa (Burco Media) – War­saxaafadeed laga soo saaray shir aan caadi ahayn oo shalay golaha wasiirradu ku
yeesheen qasriga Madaxtooyada ayaa lagu shaaciyey awaamiir ta’kiidinaya wareegto hore uga soo baxday
wasaaradda hawlaha guud, taasi oo hay’adaha dawliga ah ka dalbatay in baabuurta dawladda aan lagu xidhi Karin
taarikada shacabka. Shirkan oo MAdaxweyne Siilanayo guddoominayay ayaa lagu sheegay qoddobada lagaga
wadahadlay mid kamid ah oo ku saabsansidii loo ilaalin lahaa hantida qaranka gaar ahaanna dhawrista hantiga
danta guud oo Baabuurta dawladdu kamid tahay. Warsaxaafadeedka laga soo saaray shirkanoo uu ku saxeexnaa
ku simaha afhayeenka Madaxtooyada ahna agaasimaha  saxaafadda ee madaxtooyada Naasiir Yuusuf Daahir waxa isaga oodhamaystiran uu u dhignaa sidan:
“Shir aan caadi ahayn oo ay golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland maanta oo ay taariikhdu ahayd
10/06/2017 ay yeesheen shir gudoominayeyna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed
Maxamed Silaanyo, ayaa lagaga hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid ahaayeen sidii loo ilaalin lahaa hantida
qaranka, madaama oo ay masuul walba ka saaran tahay masuuliyad gaari ilaalinta iyo dhawrista hantida danta
guud ahi. Waxaanu madaxweynuhu si gaara golaha wasiirada u faray inay dhawraan oo ay ilaaliyaan nidaamka
dawladnimo astaamihiisa, sida dhammaan gaadiidka dawlad, waxaana ka madnuuca in lagu xidho nambarka
shacab gaadiidka dawladda, iyadoo uu madaxweynuhu faray in gaadhiidka dawladda lagu xidho namberka
dawlada (GT) laguna xareeyo nambarka shacabka wasaaradda hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka. Go’aankaa
golaha wasiiradana waxa dabagalkeeda u xilsaaran wasaarada hawlaha guud, gaadiidka & guryeynta iyo ciidamada
amniga.