“Qadar Weligeed Ba Waxa Ay Taageeri Jirtay Argagixisada” Donald Trump

Filed under: Community,Featured News,Latest News,Uncategorized |

Washington(Burco Media)+­Madaxweynaha waddanka Maraykanka Donald Trump ayaa
mar kale ka hadley xasaradda ba’an ee diblomaasiyadeed ee ka taagan dalalka
Khaliijka ee go’doomiyey dallka Qatar

DBwvfaBXUAA2SNR-740x400

Trump oo shir saxaafadeed ku qabtey Aqalka Cad isaga oo dhinaciisa uu taagan
yahay dhigiisa dalka Roomaaniya ayaa sheegay in Dalka Qatar uu taariikh u lahaa
taageerada Argagxisada, waxaana laga doonayaa in ay talaabo qaadaan oo
oojoojiyaan ayuu yiri Trump oo mar kale soo bandhigey iska hor imaadka
Dowladiisa ee xasaradda dalalka Khaliijka.
Trump ayaa dalalka Muslimiinta iyo carabta ku booriyey in ay joojiyaan dadka la
badhaayo in ay dilaan dadka kale, kuwa nacaybka lagu abuurayo waa in la joojiyaa
ayuu yidhi.
Donald Trump ayaa markii uu soo baxay go’aanka dalalka Carabta ee xayiraadda
dhankasta ah ee dalka Qatar sheegtey in arrintaani ay ka dhalatey safarkii uu
Sucuudiga ka tegey, ayna tahay bilow. Muddo yar kadib ayuu is bedelay waxaana

uu xidhiidhka dhanka Telefoonka ah la sameeyey Amiirka Qatar oo u sheegay in
uu doonaayo xaaladda la dejiyo oo wadahadal lagu dhameeyo, kadib waxaa xigey
khudbadiisan bomka ah ee uu Qatar ku sheegay mid taariikh u leh taageerada
Argagixisada.
Warka Trump ayaa imaanaya iyada oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee
Marayknaka Rex Tillerson, sheegay in cunno qabateynta iyo go’doominta Qatar ay
keeneyso hoos u dhac ku yimaada la dagaalanaka ISIS, oo kamid ah kooxaha lagu
eedeynayo Qatar in ay maalgeliso, waxaana uu dalbadey in si degdeg ah loo soo
afjaro xasarada oo wada hadal lagu dhameeyo.
Maraykanku waxa uu saldhigga ugu weyn ee Bariga Dhexe ku lee yahay dalka
Qatar, Al Udeid, waxaana ku sugan ciidamo gaaraya 11 000 oo askeri, Wasiirka
Difaaca Maraykanku Gen. Mattis wuxuu sheegay in Qatar ay wada shaqeyn fiican
lee yihiin meel loo raraayo hadda saldhigaasna aysan jirin.
Waxaa muuqata go’aanka dalalka Khaliijka ee Sucuudiga, Imaraadka iyo Baxreyn
uu yahay mid uu gadaal ka riixayo Madaxweynaha Maraykanka Dodnald Trump,
waxaana warar is khgilaafsan ka soo baxeen Aqalka Cad, Arrimaha Dibadda iyo
Pentgon oo dhinac ah iyo Madaxweynaha iyo bartiisa twitterka oo dhinac ah.