SHIRKADA LAYDHKA EE HECO EE MAGALADA BURCO OO BILOWDAY QAAB CUSUB OO DHIIG MIIRASHO AH.

Burco(Burco Media) Shirkada ay Ku midoobeen shirkadihii laydhka soo saari jireen oo magac ahaan loosoo gaabiyey HECO ama Horn Electronic Company , ayaa bilowday Qorshayaal Cusub oo ay dhiig miirasho ah, ka bilowday magalada Burco.
Waxaana qodobadaasi xasaasiga ah aanu ka helay Sarakiil ka tirsan shirkada laydhka Ee heco Iyo dad badan oo danyar ah oo iyaguna cabashooyin kala duwan ka muujiyey go’aanadaasi la dul dhigay, isla markaana aan awood ay Ku mareeyaan.

Waxba Yaanan hadal idinku daalin e aan qaar kamid ah ajandayashaasi aan idinla wadaago.

1. Sida aan xogo hoose kaga helay xubno ka tirsan shirkada heco ayaa ii sheegay inay inay doonayaan sidii ay suuqa uga saari lahayeen Saacadihii u diwaan gashanaa wakhtiyadii ay isku eryanayeen suuqa shirkadihii tirada badnaa, markaas si qorshahoodaasi u fullo ayaa waxay gaadheen waxyaalo ay dadka Ku qanciyaan, iyagoo sidoo kalena ay dhinac socoto hanti urursi

Aanay awoodi karin Bulshada danyarta ahi, kuwaasi oo Qaaday Olole balaadhan oo ay laydhka kaga jarayaan dhamaan guryaha ay Ku tuhunsanyihiin saacadihii hore.
Iyagoo tacadiyo aanay awoodi karin kula kacay dadka ay laydhka kasoo jaraan, waxanay Ku xukumayaan 150$. Oo lacag ah Iyo saddex habeen oo bilaa laydh ah.
Waxaana tahli kari waayey dadkii danyarta ahaa. Kaliyana waxay galaafteen uun waa saacad loo xidhay wax ka khaldana jirin, kaliya waxaa Lagu haystaa yahay wakhtigii ay xidheen saacadaasi.
Taasi oo muujinaysa tagri-fal Iyo awood sheegasho ay Ku tacadinayaan dadkasi sooman,
Waxaana Sabab u ah tartan la’aanta aanay cidi kula loolamayn,
Waxaana Bulshada Reer Burco u baahantahay Laydhadh kale oo si xor ah suuqa kula tartama, Heeryada Gumaysiga Laydhkana ka Dul Qaada.

Lasocoo……Qaybaha dambe

ALLAA MAHAD LEH.

W/Q: Maxamed Siciid Gaaxnuug