SU’AAL GOORMAY AYAA LASAMEYAY CALANKAA SOMALILAND, WA KUM QOFKA IKHTIRAACAY CALANKAA SOMALILAND???

Filed under: Articles-Maqaallo |

Fadlan i qanci.
Su’aal goormay ayaa lasameyay calankaa Somaliland, wa kum qofka ikhtiraacay calankaa Somaliland!!!?
Tusale’ calanka Somalia
12 October 1954 ayaa LA sameeyay calankaa buluuga ah ee Somalia, waxa ikhtiraacay nin LA odhan jiray AHUN
maxmed cawale libaan,oo kamida haa 60kii xildhibaan ee ugu horeyay konfurtii somaliya ee barisamadkiii alaah
ha u naxaristee murxuum cawaale shaqsiga loogu magac daray calanka Somalia ,mar LA waydiiyay sababta uu
calanka buluuga ah u doortay wuxuu sheegay in jimciyada quramaha ka dhaxaysaa ay qaybwayn ka ahayd inay Somalia ka hoos baxdo gumaystaha isla markaan ay u doodeen in xoriyadooda la siiyo somalida ,isaga oo sheegay in calanka qaramada midoobay uu yahay calan buluuga ah isla markana uu u doortay sidaas awgeed sida oo kale wuxuu sheegay in xeebta geeska afrika ugu dheeri tahay tan Somalia isla markaana uu sidoo kale ka turjumaayo midabka buluuga ahi bada dheer ee somaliya ama biyaha buluuga ee bada somaliya ,xidigta ayuu si fiican u micneyay isaga sheegtay inay ka turjumsyso Shanta somaliyeed .

Hadaba anigu shaqsiyan si fiican ayaan information uga hayaa calankaa buluuga blse ma maqlin wax information
oo Ku sabsan caleenkena barakaysan ee somaliland su,aal Wa kuma shaqsiyad ikhtiraacay calankaa Somaliland, wase gorma tarikhdii LA sameeyay?

1_War kooban oo aan wakhti hore maqalay ayaa ah mid is burinaaya,waxan wakhti hore maqlay in calanka
Somaliland LA asaasay 14 October 1996dii markaas oo uu dalka madaxwayne ka ahaa alaah ha u naxaristee
marxuum cigaal hase yeshe man maqlin in shaqsiga sameeyay calankaa u ahaa marxuum cigaal wana warka ugu
badan ee aan maqlay inta xusuustayda ah,
2_waxa jira war kale oo shegaya in calanku yahay kii jabhadii SNM oo wakhtigaa uu midabka casaanka ahi uu
sareeyay dababdeena markii dalka la xoreeyay 1991kii midabka dooga ah LA saraysiyay halka midabka casaanka ahna LA hosaysiyay iyadoo looga gol leyahay inuu dhamaday wakhtigii dagaalku isla markaan LA galay
wakhtigii nabada iyo barwaqda
3_waxa jira tariikh kale oo aan maqlay oo odhanaysa calankaa waxa bixisay dawldii ingiriiska wakhtigii
gumaystaha ,oo Somaliland Lola dhaqmi jiray qab maamul hosaad hase yeshee warkaas isagunu wuu jiraa,
dhawar odhahood oo kala duwan ayaan ka maqlay arinta calankeena lkn ilaa iminka ma hayo hadalka saxda ah
oo Ku sabsan midka xaqiiqada ah,calanku wuxuu kamida yahay waxyabaha ka turjuma dad iyo dal waana muhiim
in qofkasta oo muwaadin ahi uu ka hayo xog Ku sabsan calanka uu hadhsanayo Qofka kasta oo Somaliland hadii aad waydiiso oo aad Ku tidhaahdo bal kawran maxaad wax macluumada ka haysaa wuxuu kugu jawabayaa Sidan
Doogu’wa barwaaqo,cadaanku’waa nabad casaankuna waa dhigii loo daadshay taas micneheedu waa in LA
sharaxayo muqaalka guud ee calanka lkn waxa muhiima su’aasha ah wa kuma qofkii ama shaqsiyaadkii asaasay calanka Somaliland, blse waxad sheegta tariikhdii. LA sameeyay fadlan iqanci walal qoralkan waxan hore ula wadagay qaar kamida asxbtayda oo badankoodu ka gaabsaday inay igu kordhiyaan wax maclumaada,xata dadwawayn ayan arinta calanka wax ka waydiyay ,markii ugu danbaysay waxan jawaab macquula noqtayna lkn anan wali hayn qof labad ama sedexaad oo ku raca isoo gudbiyay

eng maxmed c/risaq caqli
oo ahayd calanka waxa la ikhtiracay 1997 shirkii hargaysa ee lagu doortay maxmed xaji ibrahim cigal AHN waxan
sameyay carab reer awdel ah oo la dhaho muraad cabdla salax wa arts wa ninka iska leh guriga ka danbeeya madaxtoyada somliland ee ay ku jiray xisbigii udub sida waxa igu yidhi walalkeen eng maxmed c/risaq caqli hadaba waxa nasiib daro ah in anan aqoon dhalinyaro ahan calanka naga dul babanaaya waxana dhaliisha iska leh dawlada gaar ahaan wasarada waxbarshada oo ay ahayd inay waxyabaha qaranka muhiimka u ah sida calanka ay ku darto manhajka waxbarsho si loo baro barbaarta soo baxaysa, waxan usoo jedin laha wasarada waxbarshada somaliland inay si cad u bayamiso xogta calanka isla markaan barbaarta wax baranaysa lagu baro dugsiyada si qof kasta uu xog uga haysto calanka dalkiisa miyanay nasiib daro ahayn markaad wada doodan qof kaso jeda somaliya oo uu ku waydiyo calankaga oo aad garanwaydo adiguna ad garanayso calanka somaliya isla markana aad ka haysato xog dhamaystiran

wa bilaahi tawfiiq