Ururka Igad Oo Ka Maarmi Waayey Gen Gabre Una Magacaabay Jago Kale Oo Muhiim Ah Oo Xogaha Somaliyana Dibeda U Saari Karta

Filed under: Featured News,Latest News |

Wararka Soo Baxaya Ayaa Sheegaya In Urur Goboleedka Igad ayaa xil cusub u magacaabay jeneraalka reer Itoobiya ee dhowaan laga qaaday xilkii uu ka hayay arrimaha Soomaaliya.

Xoghayah guud ee IGAD Maxbuub Macalin oo Kenya kasoo jeeda ayaa Col.

Gabre Egziaber u magacaabay inuu noqdo la­taliyihiisa, taasoo ka dhigeysa inuu guddoonka IGAD u dhowaado Gen. Gabre.

Jagada cusub ee IGAD u dalacsiisay Gen. Gabre Ayaa Daboolka Ka Qaaday Arimo Dhawr Ah oo Ay Ka mid Yihiin In Ururka Igaad Xiligan aad Ugu Baahan Yahay Gen Gabre Oo Kalsooni Kaga Samaystay Xoga Somaliya Oo U Dibeda Ugu Saaro Iyo Siraha Hoose Ee Madaxda Somaliya Oo La Odhan Markan Lafteeda Waa Waxa Talada Looga Baahday Maadama oo Loo Magacaabay La
Taliye Labadan dal ayaa dhowaan hor istaagay in wakiilka IGAD ee Soomaaliya loo magacaabo Ergay kasoo jeeda Jabuuti, waxayna taas bedelkeed u wareejiyeen dalka Koonfurta Soomaaliya iyadoo Soomaaliya loo magacaabay ergey kasoo jeeda Kenya.

Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa Col. Gabre u magacaabay La Taliye sare ee arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Guud ee IGAD.