WAR DEG DEG AH:- CULIMADA LOO YAQAANO TIMO WEYNTA OO SAAKA CABASHO KA DHAN AH MADAXWEYNE SIILANYO U GUDBINAYA GOLAA GUURTIDA IYO NOOCA AY TAHAY CABASHADU

Filed under: Featured News,Latest News,Uncategorized |

Hargeysa (Burco Media):- War deg deg ah oo hada soo gaadhaya shabakada Mandheera.com waxaa uu sheegayaa in Culimada loo yaqaano TIMO WAYNTA Ama QAADIRIYADA ay saaka golaha guurtida Somaliland u gudbinayaan cabasho ka dhan ah madaxweyne Siilanyo kuwaas oo hada ku sugan xarunta golaha guurtida .

Culimadan ayaa waxaa ka cabanayaan guddi culimo awdiin ah oo dhawaan madaxweyne Siilanyo magacabey kuwaas oo la sheegay in aan lagu darin haba yaraatee .

Sidoo kale Culimadan ayaa saluugsan hanaanka sharci ee guddidan culimada ah ee madaxweyne Siilanyo dhawaan magacaabey